SOMALI LINKS

TAARIIKHDA SOOMAALIDA GEESKA IYO BARIGA AFRIKA

 

Somali Scholar TAARIIKHDA SOOMAALIDA GEESKA IYO BARIGA AFRIKA

Gacanka tojorra illaa webiga Taana

Qoraaga iyo gabyaaga somaaliyeed abdirisaaq sheikh cali

الكاتب والباحث الصومالي عبد الرزاق شيخ علي

HORDHAC

Waa buug ka hadlaya taariikhda somaalida geeska iyo barigaba gacanka tojara oo kuyaala jabuuti iyo wabiga taana oo mara magaalada gariisa waxaan ku lafa gurayaa ,,Barnaamijyo siyaasi ah sida kacdoonkii 9kiibisha juune2011iyo maansadii aan ka tiriyey,taasoo tilmaamaysa

Sida uusan ugu haboonayn maaraynta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaliya ka jira shirkii kampala

gabayo kale oo ku saabsan Tubta nabadda Somaliyeed  iyo arimo la xidhiidha dhaqanka

KALA DEGAN GEESKA IYO BARIGA AFRIKABA

EE KU HADASHA AFKA SOMAALIGA

Harar iyo jigjiga iyo

Hobyo calisabiix iyo

Hargeysiyo wajiir iyo

Hiraan waa dhulkeenaba

Yaa qaybiye soomaalida ?

Waxaa mudnaanleh  inaan is weydiino Soomaalida yaa qaybiyey isku diinta ah wada dhalatey isku afka ah dhaqan iyo xeerkaba wadaagta?

Jawaabtu waxay noqon sidan waxaa qaybiyey dhulkeedii daaqa oo isku furan gumeystayaashii reer yurub kohor  Masar oo Wakiil uga  ahayd Dawladdii islaamka ahayd ee Cusmaaniyiinta  markii dambana  si fudud qaybna ingiriiska ugu waareejisay qaybana Itoobiya qaybna Talyaaniga  iyadoon cidna wargelin arintani dhibaatada soomaali gaadhay ee dhowrka meelood loo qaybiyey lug weynbay ku lahayd, markii dambana waxaa qaybiyey Ingiriiska faransiiska Talyaaniga iyo Itoobiya sida taariikhyahannadu ka qoreen bal aan tusaale usoo qaadaano-I.M lewis faalo uu ka qorey

 

 

 

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

EE KU HADASHA AFKA SOMAALIGA

 

Ninkani waa Sayid cabdikariim sayid Maxamed Cabdulle Xasan from www.doollo.com  ka fiiri wax badan oo ku saabsan sayid cabdikariim maxamed cabadule xasan.

 

 

Sayid Maxamed Cabdule Xasan (Soomaaliya 1856 – Iimeey, Itoobiya 1920)

Taariikh Nololeed

Sheekh xasan nuur oo sayid maxamed awoowgiis ahaa ayaa ka tegay Gobolka Qallaafo. oo ah dhulka wabiga shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beeshuu ka dhashay degganayd. Wuxuu u kacay Nugaal oo ahayd dal wanaagsan duunyadana hodan ka ah,

 

Shiikh Xasan markuu Nugaal mudda joogey. wuxuu guursaday gabadh reer Nugaaleed ah oo magaceeda lagu tibaaxay khadiijo jaamac(1). Sheekhu Nugaal wuxuu ku guursaday afar dumar ah oo u dhalay carruur. badan, carruurtaa tiradooda waxa lagu sheegay 12 wiil iyo 11 gabdhood.Waxaa la weriyey in sheekh cabdille oo sayid maxamed aabihiis ahaa carruurta ugu weynaa. Sheekh cabdille xasan wuxuu ku dhashay, sida la sheegay dooxada “Casuura” oo magaalada Laascaanood dhinaca waqooyi galbeed ka xigta, una jirta hilaadda dhawr iyo sodon mayl. Wuxuu ku koray kuna barbaaray diintana ku bartey gobolka nugaaleed oo barwaaqo ahaa, dabadeedna reerkoodii wuxuu noqday dad Nugaal rasmi ahaan u deggan. Waxa la weriyey sheekh cabdille isagoo 26 jir ah inuu guursaday gabadha la yidhaahdo Timiro seed magan, kuna caan baxdey “Caro Seed” waxa la yidhi, waxay u dhashay 10 caruur ah, waxaana u weynaa Maxamed, hase ahaatee sheekh cabdille carruurtii uu dhalay waxey tiradoodu gaadhaysay sodomeeyo.

 

Sheeikh Cabdille xasan Daraawiish dhismiheedii waa ka qayb galay, dagaallada badankoodiina wuu  ka tala bixiyey, wuxuuna ku dhintay xaruntii Daraawiishta “Taleex” 1913, qabrigiisuna waxa. laga dhisay qudbad caan ah

 

Sayid Maxamed cabdulle xasan wuxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-Nugaaleed ama laaso oo ah Degmada Buhoodle balliga la yidhaahdo “Sacmadeeqo” oo magaalada buhoodle toddoba mayl u jirta kana xigta dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay guga la baxay “Gobaysane”,Waxaana la sheegay inuu ahaa gu’ barwaaqa ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay odoros ahaan markay taariikhdu ahayd 1856. Daraawiish iyo dadkii wakhtigaa noolaa badankeedu waxay yidhaahdeen: sayidku

. Sidii dhaqanka Soomalidu u badnaa ama raaskuu Sayid maxamed ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa quraanka loogu bilaabay.

 

 

Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamed aabbihiis kutubta cilmiga ah ugu bilaabay, taasina waxay dhalisay inuu cullimada xerta ah oo cilmiga raacanaysa la fadhiisto, markay degmada dhex marayaanna raaco oo la socdo.Hase yeeshee, ka dib  xertii buu ka mid noqday, taasina waxay dhaxalsiisay in lagu magacaabo Aw Maxamed Sheekh cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey ama u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda.

 

Haddaba, waxaa hubaal ah in Aw maxamed shirkaas culimda diintu markay dadka wacdiga iyo waanada u jeedinayaan ka faa’ideysan jirey. Sheeko ku-tiri-kuteen ah waxaanu ku maqalnay in Aw maxamed soddomaadkiisii dhul badan oo dalka gudihiisa ah oo kala duwan maray isagoo cilmi doon ah hase ahaatee taasi run iyo been miday tahay lama oga, waxaase la weriyey inuu cilmiga ka bartay Shiikh la odhan jirey Shiikh Abokor shiikh Ibraahim laguna naanaysi. jirey Abokor fool-dheere, oo degmadiisa ahayd dhinaca waqooyi ee webiga shabeelle waxa la wariyey sayid maxamed baa eegay Ceelka Walwaal, kolkaasuu dhererkiisii la yaabay oo waxuu yidhi “Cilmigii Abokor-fooldheere” ayaa buuxin lahaa, meel kasta cilmiga ha ka barto, nin kastaba ha ka akhristee, waxaa hubaal ah inuu sayidk maxamed diinta islaamka iyo Af cariba aad u yiqiin, gaar ahaan qaybta loo yaqaan “Cilmiaale” oo afka carabiga furaha u ah, markaasna wuxuu la baxay Shiikh maxamed Shiikh cabdille.

Waqti ku aadanaa  1892 wuxuu u kicitimay Maka iyo Madiina, waxayna is raaceen 13 wadaad oo kale. 1895 ayuu seyidku kusoo laabtay dalka Soomaaliya, wuxuuna kasoo degey xeebta magaalada Berbera.

. Xigasho taariikhdan qoraalo wasaaradii hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya sannadkii 1973dii.

lakiin waxaa hubaal ah in uu cadan maray mudana joogay kadibna doon kasoo raacay oo Berbera ka soodagay .

Bar bara waa magaalo da wayn 1884 ayuu gumaysiga ingiriisku maamulkeeda qabsaday waxaana uga horeeyay khulafdii cismaaniyiinta oo kadhistay masaajido iyo meelo cilmiga lagu barto , waxay kaloo ahayd mgaalo ganacsiga aduunka caanku ah bada cas fura u ah soomaalida badankeedana magaalay u ahayd saas daraadeed waxaa lagu tilmaami jiray magaalo bada iyo barigaba ufuran.

Sayid maxamad markuu xeebta yimid oo alaabtii soo dajistay ayaa gaalkii ingiriiska ahaa ee dakada ka shaqaynayay ku yidhi alaabta canshuur kabixi. taasi  sayidkii la yaab ayey iyo amakaag ayay ku noqtay in nin gumaysta ah wadankaagii kugu maamulo oo canshuur kaaga  qaado , wuxuuna ugu jawaabay  anigu ninkii lahaabaan ahay wadanka e adiga yaa canshuur kaa qaaday markaad halkan kasoo dagtay? wadankase ma adigaa leh maxaad canshuur iigu waydiin?.laalkii waxuu damcay in ninkaas amarkiisa diiday uu xidho laakiinturjumaankii ayaa  ka maslaxay oo wuxuu yidhi waa wadaad waalane iska daa waana halkaas ayuu ugu baxay ( the mad mullah)

(1)xigasho(1) http://so.wikipedia.org/wiki/Sayid_Maxamed_Cabdulle_Xassan

marrkii uu halkaas degay Darwiishkii wuxuu isla markiiba guda galay fidinta diinta

islaamka isagoo masaajidada wacdi ka bilaabay sidoo kale wuxuu bilaabay duruus iyo isagoo xer samaystey waxayna iska horyimaaden culima kale oo ka soo jeedday dariiqadda qaadiriya iyo axmediyadaba sida la ogsoonyahayna loolan ayaa ka dhaxayn jiray  dariiqooyinkaas intayna imanin wahaabiyadu kohor, waxaana ugu caansanaa sheekhyaddii ay is qabteen sayidka, gaar ahaan magaalada Barbara, Aw gaas Axmad Sheekh Ibraahin Xirsi Guuleed Sheekh Cabdulaahi Canshuur ,Sheekh kabiir Aw Cumar,iyo culima kale ,

Sayidku intuusan imaninBerbera qiyaastii dhowr sano kohor  1891 ayaa xeebta waxaa kasoodagay koox kirishtaan ah oo faafinaaya diinta masixiga ,waxay magaalada ka dhiseen kaniisad waxayna fureen madaaris ciyaalka loogu talagalay laguna barbaariyo diinta masiixiga gaar ahaan mad habta kaatoliga ,waxaana madax u ahaa baadari la odhanjiray �Father Cyprian� oo kasoo jeeday wadanka Beljik

Sayidku  aad buu uga wacdiyey dadkii wuuna ka xumaaday isagoo  kulana isdabajooga oo diini ah qabtey si uu dadka ugu baraarujiyo dhibaatada arintani leedehay kaniisada iyo baadarigeeda  soo degay meesha

Allah haw naxariis tee Sayid Mohamed Cabdille Xassan wuxuu ahaa halgamaagii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee la dagaalamay gumaysigii Ingriiska Talyaaniga Iyo Xabashidaba

 

kadib markii uu dagaal adag kusoo dhex maray  maxmiyaddii ingriiska iyo halgankii hubaysnaa ee daraawish  oo uu hogaaminayey Sayidku laga bilaabo 1899kii Wuxuu socday dagaaalku mudda 21 sano ah.Ugudanbayn Ingriisku waxay duqayn xagga hawada ah ku baabi’iyeen xarumihii Sayidka.Markii Ciidamadii badda iyo kuwii berriguba ka huleeleen darawiishta waxaa Ingiriisku goáan ku gaadhay sanadkii 1919-kii in uu xagga cirka ka weeraro ciidamada Daraawiishta, qorshahaas oo ingiriisku fuliyey 21-kii jannaayo 1920-kii maalintaas oo aay xarumihii Sayidka ee Taleex ay soo weerareen dayuuradihii dagaalka ee Ingiriiska oo noocoodu lagu sheegey inay ahayeen DH9. Tani waxay keentay in uu hakad galo halgankii umadda Soomaalidu kula jirtay Gumaystihii dalka gaar ahaan dhinaca waqooyi

Sida taariikhdu qorayso ugu danbeyntiina Halganka Daraawiishta ayaa halkaas ku jabey, kadibna Sayid Maxamed Cabdille Xassan iyo daraawiish wixii ka hadhay ay u baxeen xagaa iyo koonfur waxaa la sheegaa in Sayid Maxamad Cabdille Xassan ku geeriyooday degmada Iimeeyey 23-dii November 1921-dii.

 

 

Tani waa Taaladii Sayidka ee kutaalay Magaalada Muqdisho

Halgankii gobalada waqooyi

Asaaskii ururkii SNL EE waqooyiga

Halgankii xornimo doonka ee gobaladda waqooyi Daraawiish kadib

Waxaa xusid mudan iyo in taariikhda si weyn loogu sheego 17/08/1946kii odayaashii SNL in ay warqad u qoreen Colonail Office , Downing street London S.WI waxay dawladda ingriisa ka codsadeen in soomaali mideysan uu gaadhsiiyo xornimo maadaama uu ingriisa gacata ku hayo, Somaliland territory, Somali South Territor,Somali West Territory , Somali NFD territory.

waqooyi had iyo jeer waxay ka shaqeyn jirtay raadinta midnimada soomaali weyn , taasna waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii sidaa kor ku sooxusanay  inay  ingriiska ka codsadeen in soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta soomaaliyeed , sannadkii 1947dii mar labaad cuqaashii reer waqooyiga  oo ay ka mid ahaayeen:-

  1. Suldaan Maxamuud Cali Shire

Sultan Mohamed Sultan Cali shire, The Sultan of the Warsangali Sultanate (The Sultan of Somaliland) who was exiled to Sychelles island by the British colonists after the first world war for his nationalistic views,

Mohamoud Ali Shire

محمود علي شيري

 

Portrait of Sultan Mohamoud Ali Shire from 1905.

Dal.

 

Suldaan Maxamuud Cali Shire oo ahaa Suldaan aad U magac dheer si weyna looga yaqiinay Dalka Somaliya , kadib markii uu halgan dheer la galay Boqortooyadii Gumaysigii Ingiriiska ee maxmiyaddii Somaliland dhulka loo yaqaano Gumaysanjirtay , ayaa Suldaanka waxay Boqortooyadu ku soo rogtay  Masafurin in Dhulkiisa laga kaxeeyo Sanadku markuu ahaa 1920 kii , kadib markii uu kasoo horjeesaday Maamulkii Maxmiyad Ingiriiska ee xukumayey Somaliland . waxayna u Masaafuriyeen Suldaanka Jasiirada Seycheles ee ku taala Badweynta Hindiya .

 

Waqtigii uu Suldaanka Masaafuriska ugu maqnaa halkaasi , waxa uu Jasiiradaasi ku guursaday Labo Dumar ah oo u dhashay Dalkaasi uu Masaafurka ku joogay Suldaanka ee Seycheles , Waxayna u dhaleen Labadaasi Haweenka ahi ,Laba Caruur ah (Wiil iyo Gabar) , Iyadoo uu Suldaanka Somaliyana uga Sii tagay Afar Xaas iyo Afar iyo toban caruur ah .

Sida La xaqiijiyey Suldaan Maxamuud Cali Shire waxa uu Jasiiradaasi Masafuris kujoogay ilaa 8 sanadood , kadibna waxaa ingiriisku ka qaaday xayiraadii uu dalka kaga maqanaa , kadibna waxa uu Suldaanku Jasiiradaasi kaga yimid Qoyskii uu halkaasi ku yagleelay , ee ka koobnaa labada Xaas iyo labada Caruurta ah, iyagoo aan aqoon weyn ulahayn ehelkooda ku nool Somaliya ee ay Ku abtirsadaan ee Saldanada Warsangeli.

Daba yaaqadii Sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2004 ayaa waxa is aqoonsaday Tafiirta Qoysaskaasi kasoo kala jeeda labada Dal ee isku tafiirta ah Waxaa Qiso layaab leh Noqotay Sheekada Daahfurka Dib u midowga labada qoys ee ah tafiirtii Suldaan Maxamuud Cali Shire , taasi oo noqotay arin Soo jiidatay indhaha Saxaafada Seycheles , taasoo ay si weyn wax uga qoreen Jaraa idada akasoo baxa Jasiiradaasi iyo kuwa Caalamka.

Wargayska lagu magacaabo Seycheles Weekend Nation ayaa ka mid ah Jaraa’idka wax ka qortay sheekada dib u midoga Qoyska Ree Suldaan , wargayskaasi ayaa Cinawaan uga dhigay Maqaal uu daabacay Cadadkiisii Kusoo baxay bishii 2 Oct,2004 . oo uu cinwaan ugua dhigay ” Tafiirta Qoys Boqortooyo ah oo Bahaysay Seychelles iyo Somaliland “.

ayaa waxa uu uga hadlay Sida ay isu heleen Carruurta Ubadkii Ilma Suldaan M Cali Shire ee dhalshada iyo dhaqanka. iyo Luqadaba ku kala duwan, wargaysku sheekadan xiisaha leh waxa uu ku bilaabay ” Wiil uu dhalay Suldaankii Hore Suldaan Maxamuud Cali shire ee Saldanaha ugu da’da weynaa Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland oo la yiraahdo Maxmad Garaad Maxamuud Cali Shire , ayaa dabayaaqadii sanadkii hore Booqday Jasiiradasi Sishelis ,iyadoo ay u ahayd Garaad Maxamed Socdaal noocisa ah kii ugu horeeyey ee uu ka tago Jasiiradaasi , si uu daahfur ugu sameeyo Xirirka iyo Dib u soo helitaanka Qoyska Reer Suldaan ee ku dhaqan Jasiiradaasi oo aysan horey isku aqoonin

Guntii iyo gebagebadii Garaad Maxamed Maxamud Cali Shire iyo Walaalkiisa Garaad Desir iyo gabadhiisu waxa ay Booqdeen Madaxtooyada Seycheles oo ay kula kulmeen Madaxweyne xigeeenka Dalkaasi Mr, Joseph Belmont, waxayna u ahayd Dhinac walba Jawi farxad iy rayn rayn ah oo dib isu barasho iyo Midow Laba Qoys oo Mudo kala Maqnaa ah , iyadoo la isla wada qiray sida ay lagama maarmaan u tahay in Dhiigu wax weyn uu yahay oo isku xiro dad kala jooga Dunida Guudkeeda balse ay isbarashada iyo iska warqabku Tahay tan keli ah ee Isu soo jiidi karta Qoyska.xigasho w.sanaaglandnews.tripod.com/reersuldaancusub.

2. Suldaan Cali Muuse

3. Suldaan Maxamed Faarax

4. Suldaan Xirsi Cabdullahi

5. President General SNS: Saciid Caabi

6. Xoghayaha Guud SNS : Maxamud Jaamac Uurdoox

7. Yuusuf Imaan Burcaawi

8. Adan Cabdi

9. Maxamuud Cabdi Caraale

10. Akhil Yuusuf Xirsi

kuwaasoo dhowr jeer codsi kale duwan u jeediyey colonial Office kii  ingiriiska, inuu shuruud la’aan soomaalida  oo mideysan  gaadhsiyo xornimo buuxda, iyagoo ku adkeynayey dawladda Ingiriiska in soomaali mideysan la helo ka dibna ingiriisku hogaanka u qabto, qoraalkii Uurdoox u gudbiyey uu ku sheegay in 90% ummadda soomaaliyeed inay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingiriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qaybaha soomaaliya marka laga reebo Jabuuti oo ay gacanta ugu jirtay dawladda France, taasoo ay ka codsadeen inuu gorgortan la galo dawlada France, si ay ugu soo wareegto gacanta dawlada Ingriiska.

Waxaa ka soo horjeeday gumeysigii ingriiska sidoo kale

Suldaan C/laahi suldaan diiriye

Waxaa kale oo ka mid ahaa ragii taageersanaa ururkii s.y.l- ingiriiska iyo gaaladana ka soohorjeeday Allah haw naxariistee Suldaan C/llaahi oo 1942dii la Caleemo Saaray  Suldaan Cabdillahi Sul. Diiriye Sul. Hassan ( 1942 – 1967 ).

Madashii Suldaanka lagu caleemo saaray, ayuu gabay Taariikhiya oo Dardaaran ah waxa ka tiriyey Gabayaagii  Maxamed Nuur ,,Laan-Gadhe,, oo yidhi:

Suldaanaw Anfacaagu

Suldaanaw Arrinkaagu

Suldaanaw Ingiriisku

Suldaanaw Anfacaaga oon Xalaal ah ka Yeel

Suldaanaw Arrinkaaga Dad ninkii u shisheeya

iyo inankaagan Rashid arrintooda masee

Suldaanaw Ingriisku Awr halkuu marinaayo

Irbid buu ku dayaa haddii ay ku idlaato

dabadeed u ahaatay.

Xukuumaddii Ingiriiska ayaa Suldaan Cabdilaahi ku baayacay una soo bandhigay laba qodob:

In uu Saldanada Somaliland u casriyeeyo sida kuwa Khaliijka oo uu Boqorna dalka ka noqdo.

In uu laba Boqol oo Wiil oo Cidagale ahna Waxbarasho loogu diro.

Markii Suldaanku uu arrintaasi ganafka ku dhuftay ayaa Jambiir Kahin Suldaan Hassan oo taageersanaa, suaal weydiiyey oo ah maxaad ku diiday barnaamijkii lagu soo bandhigay. Markaas  ayuu ugu jawaabay Dadkayga ayuu doonayaa in uu kala sarey siiyo, qaarkoodna daayeer ka dhigo. Markaas ayuu Jambiir ugu jawaabay oo kolay waxad adigu noqon lahayd Cooflaha ugu weyn ee maad aqbashid arrintaa.

Bishii October, 1954 kii horaanteedii ayaa Suldaan Cabdilaahi oo cadho ka muuqato noogu yimid Xafiiska D.C ga. Wuxuu D.C Scawin u sheegay in 12 ka October, 1954 ka calankii buluuglaha ahaa ee Somaliya la saari doono daarta Xisbiga S.Y.L ee Hargeysa. Wuxu intaas ku daray inay dad had hadlayaan oo leeyihiin lama saari karo. Haddii Munaasabadaas nalagu soo farogeliyo, wixii ka yimaadda masuul kama noqon doono, ayuu yidhi. Suldaan Cabdilaahi waxa lagu sheegi jiray inuu ahaa taageere Xisbigii S.Y.L ee gobanimo-doonka ahaa, taas oo ka mid ahayd arrimihii ay Xukuumadda ingiriiska isku isku maandhaafeen

Si kastaba ha ahaatee, D.C Scawin maalin ka dib ayuu shir u qabtay odayaashii magaaalada Hargeysa. Wuxu u sheegaygay in aanay Xukuumadda Ingiriisku jeclayn Xisbiga S.Y.L balse ay xaq u leeyihiin inay daartooda saaraan calanka ay doonaan, wuxu ka digey in lagu faro geliyo!xigasho! p://www.qarannews.com/index.p!

 

Dhadhaqaaqii ururkii  snl ee ka halgamayey gobaladda waqooyi daraawish kadib

1-Warqad ku taariikhaysan 1957kii oo uu qoray Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e Xaaji Cumar Askar guddoomiyihii ururkii SNL Qoraalkan hoose waa qoraal taariikhi ah oo uu qoray sanadkii 1957kii Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyee Xaaji Cumar Askar oo markaa ahaa guddoomiyihii ururkii dhaqdhaqaaqii xornimodoon ee ururkii SNL, waxaanu u qoray caddayn ahaan nin ka mid ah dadkii halgamayaasha ahaa oo uu Xaajigu caddaynayay inuu yahay nin halgamaa ah oo ilaa afar jeer loo xidhay sababo la xidhiidha halgankii ururkii SNL uu la soo galay gumaysigii Ingiriiska oo waagaa gumaysanayay Maxmiyaddii la odhan jiray British Somaliland protectorate. Warqaddan waxaa dhammaadkkeega kaaga muuqanaya saxiixa Xaaji Cumar Askar iyo shaabadda ururkii SNL oo astaantooda ay dhexda kaga qornayd kalmadda waynaynta Eebbe korree oo nasahnaaye “Çááå ÇßÈÑ“, iyo magacii ururka oo la soo gaabiyay SNL.
 

 

XIGASHO XUSEEN BUULE http://xbuule.wetpaint.com/

Suldaan Biixi iyo Maykal maryama

 

Suldaan biixi  fooley oo ka yimid Ogaden una socday arin dhulkaas iyo guud ahaanba soomaaliwada khuseysa  iyo maykal maryama oo London u tegay xornimo raadiskii gobaladda waqooyi ayaa London ku kulmay kadib hal ergo wada matalay

 

MAYKAL MARYAMA

Maykal Maryama oo qoraal dacwad ah u gudbiyey ingiriiska  markii xadkan la jeexayey oo uu ku yidhi dowladii Ingriiska” waxaad xad kala dhexdhigaysaan laba nin oo walaalo ah, Hal iyo

Nirigteed, suura gala ma’aha inay kala maqnaadaan” ayaa waxaanu maanta leenahay dadka Soomaaliyeed waa saas uu Maykal Mar

 

 

ururkii SYL iyo Dhalashadii sii

The Somali Youth League monument in Mogadishu.

Taaladii ururka SYL ee muqdisho

 

 

Markii ay ingriiska iyo huwantiisii kaga adkaadeen Talyaaniga dagaalkii 2aad ee dunidaSanadkii 1942kii oo ka qabsaday Soomaaliya oo dhan wax samaan ah muusan u samayn soomaalida ingiriisku weligii iyo wax fiican oo la taaban karo kolka laga reebo in uu u oggolaaday asaaskii dhaliyaradiiUrurkii S.Y.L.ee  Muqdisho lagaga dhawaaqay15may1943,kii S.Y.L waxay noqotey xisbi siyaasi ah oo hogaamiya somaalida meel kasta ooy joogto dhammaan xornimo doonka iyo aaya ka talinta dhulka somaaliyeed oo dhan magacoodu wada matalo

Xoriyaddii Ummada Soomaaliyeed ku guulaysatay  sanadkii 1960-kii kuma imanin hawlyaraan waxaa loo soo maray halgan dheer  oo is daba joogey kana soo bilowday halgankii Daraawish ee dheeraa,markii uu hakadayna dagaalkii Sayidku hormuudka ka ahaa oo dhiig badani ku daatay,waxaa halkii ka sii amba qaaday ururkii dhalinyaradda S.Y.C (somaali youth Club)xilligan waxaa ka socday qaaradda afrika ay S.Y.C. ku soo beegantay kacdoonkii Xorriya doonka afrika  qaaraddana waxaa si weyn uga socday halgankii iyo dhaqdhaqaaqii shucuubta afrikaanka ah taas oo ujoodadoodu ahayd  inay iska dul qaadaan heeryaddii gumeysatayaashii reer Yurub ee xooga ku qabsaday dhulkoodii,

Magacyada kale ee  soomaalidu ubixisay S.Y.L waxaa ka mid ahaa (KULUB)waxaa la odhan jiray oo kale oo shacabu ugu dhawaaqi jireen ( LEEGO)oo talyaani ka soojeeda waana sidan “Lega dei giovani Somali”.

dhalinyaradaasi iyo intii la mid ahayd oodhan waxay u hureen naftooda iyo maalkoodiiba siUmmadda Soomaaliyeed u hesho xornimo buuxda iyo haykal dawladnimo

15-kii bishii May sanadkii 1943-ayaa  13-kii dhalinyarada Soomaaliyeed  u hirgashay inay dhidibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club}Naadigii  dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe isu baddalay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League},  bishii may 15kii-1947dii taa soo ku began -sanad guuradii sii afraad,waxaa dhisay Ururkii dhalinyarada soomaaliyeed (somaali youth league 13kii geesiyaashii  umadda oo runtii taariikhda soomaalida siweyn ama baaldahab ka galay waxaana abaalmarin ugu filan I qof kasta oo soomali ah uu ku faano wax qabadkoodii iyo halgankii dheeraa ee ay u soo galeen wadanka iyo dadkaba

Siduu ku bilaabmay fikirkii S.Y.L?

Sheekh C/qaadir Sakhaawudiin waa Gudoomoyihii ururka S.Y.L-ee ugu horeeyey  isla markaasna lahaa fikirka bilowgiisii  in la asaaso urur, ,waxaa awow u ahaa Allah how wada naxariistee SHEEKH Uweys –alqaadiri wuxuu ahaa sheekh C/qaadir nin  caalim ah oo diinta islaamka faniyadeeda kala duwan siweyn u yaqaana balaaqadii uu awogiis  sheekh uweys ka hidda raacay  iyo khudbooyinkii uu jeediyey waxay noqdeen kuwo saamayn weyn ku yeesha shacabka soomalida

Aw jaamac cumar ciise  kitaabkiisa مقدشو وحضارتها  wuxuu kusheegaysheekh C/qaadir sheekh sakhaawudiin inuu  ahaa khaliif weyn oo ka soojeedda dariiqada qaadiriyadda   markii uu kaga hadlayey S.YL wuxuu ku tilmaamay .wacdigii iyo  muxaadarooyinkiixeesha dheeraa ee sheekh C/qaadir sakhaawudiin inuu ahaa  ninka sababay in shacabka soomaaliyeed ku qancaan aragtidii  ururkii dhallinyaraddii S.Y.L

 

Downtown Mogadishu in 1936. Arba Rucun mosque to the center right.

Muddo kohor 15may 1943dii

waxaa sheekaystay sida ay taariikhyahanadu sheegeen C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharma’arke oo rag saaxiibtinimo weyn ka dhaxeyso ahaa oo aad  isugu xidhnaa, islana socon jiray mar kasta,markay isu yimaadaana ka wada hadli jiray  sidii Ummadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii gumeysiga. Labadaas nin ee dhalinyaradda ah midi wuxuu jiray 24-sano ka kalana  26-sano, waxay muddo ka sheekaystaanba in gumeystaha laga xoroobo Hadaba waxaa la isku raacsanyahay C/qadir Sheekh Sakhaawadiin oo ahaa ninkii keenay fekerkaas S.Y.L ayaa soo jeediyey in la aasaaso Jimciyad ama  xibsi Islaami ah oo dadka soomaaliyeed kulmiya  isla markaasna ka saara gumeysiga oo umadda mideeya intaan Xisbi siyaasi ah loo gudbin, halka uu Yaasiin X. Cusmaan uu ka qabay in la aasaaso xisbi siyaasi ah oo shacabka oo dhan matala

WALIGAA MA LA SHEEKEYSATAY 110 SANO JIR EE XISBIGII S.Y.L?/ http://www.keydmedia.net/

 

waligaa_ma_la_sheekeysatay_110_sano_jir_ee_xisbigii_s.y.l

Dr. Ismail Malaas – Photo By: Bashiir Muuse Xassan & Cali Said Xassan (1988 – Baydhabo)

Waxaan ka mid ahaa horseedkii xisbiga SYL “Somali youth league” xisbigii uu asaasay Sheekh C/qaadir Sheekh Sakhaawudiin Sheekh Aweys, sidaa waxaa yidhi oday aan magacan u bixiyey “oday gaboobe” maadaama uu dhalay rag aqoonyahana ah oo Muqdisho ka shaqeeya qaar ganacsata ah iyo gabdho tan u yar 50 jir tahay tan u weynina ii sheegtay in ay 73 sano jir tahay.

Odey gaboobe  wuxuu ii sheegay markaan da’diisa weydiiyay inuu 110 sano jir yahay isagoo  raaciyay “sidaan u maleynayo” aniguse malaha 90 ma dhaafin.ayaan islahaa

 

Waxaan ku dhi adeer gaboobe “war  awoowe I dheh” markaasaan awoowe gaboobe ku idhi haa maandhaw, Awoowe Sh.c/qaadir Sh.sakhaawudiin ma qofkii ay ka soo maxaataa fikradii asaaska xisbiga? Haa, haa, haa, waxan kuu sheegayaa in maalin maalmaha ka mid ah uu C/qaadir ka soo dhaqaaqay meesha cadeyga loo yaqaan ee degmada Xamar weyne haatan, kawaanka gadaashiisa waagu maandhaw waa 40-tameeyadii 1940-kii xoogaa dheer,

Sheekh C/qaadir maalintii xigtay wuxuu dhalinyaro badan ku yidhi :War sidani islaannimo ma aha, dadnimo ma aha, haday sii socoto  xoolaha daaqa ayaan la mid nahay, Aadananimadeena iyo insaaninimadeennii  ayaa noqsaansan .

Dhalinyaro, ganacsata iyo dhawr Karaani iyo maamulkii gumeysigu inay u shaqeeyaan awgeed uu baray garaacida Makiinada “DATTILOGARAFI” iyo waxoogaa aan sii buurneyn oo afkiisa ah, sidoo kale taarka ama Signalka sida loo diro iyo sida loo qabto ayuu baray kuwa ciidamada u ahaa markaa kuma badalaneyno, Sheekh C/qaadir Eebe Jannada ha ka waraabiyee markii tiradii ugu horeysay ee dhalinyarada 13 marayaan ayuu yidhi“ Inteenaanu hadaan isku raacno kulanka balaadhan ee imanaya waxaan noqon doonaa kuwa unugyadii u horeeyay  ee aas-aaska urur xoreeya Soomaaliya, gaadhsiinayana nolal wanaagsan iyo Dowladnimo u horseeda insaanka Soomaaliyeed inuu helo Waxbarasho qota dheer oo la tartami karta Dowladaha .

Qofkii noqday aasaasihii dhaqdhaqaaqa naadiga dhalinyarada Soomaaliyeed “SYC” Somali youth club wuxuu noqday isla Sheekh C/qaadir maadaama uu isagu ahaa qofkii isugu yeedhay  dadka ayuu ii sheegay odaya Gaboobe .xigashohttp://www.keydmedia.net/

DARDARGELINTII URURKA IYO DURBA SUU U BALAADHAY

Intaas kadib waxaa ku soo biiray saaxibadoodii kale, kuma koobnaanin 13kaas nin ee markiiba waxaa kusoo biiray dhalin aad u fara badan

Kulankaas halgamayaashu  waxay isla garteen in la dhiso Gole laysku arko ama naadi lagu kulmo layskuna barto, isla markaasna dhalinyaradu wax isku baraan, iyadoo la baranayo luqadda Ingiriiska oo xilligaas ahayd mid ku cusub gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya barnaaamij hawleedka u yaalana lagu socodsiiyo ama lagu fuliyo inta laga gaadhayo waqti ku haboon in la dhiso xisbi siyaasi ah, waxaana la dhisay Golaha dhalinyarada Soomaaliyeed SYC {Somali Youth Club}, 15-kii May ee sanadkii 1943-dii, kulankii ugu dambeeyayna wuxuu xisbigu isku raacay 3-qodob oo kala ahaa:-

1- In xukuumadda Ingiriiska ee dalka haysata loo qoro codsi ay ku doonayaan inay furtaan naadi la yidhaahdo SYC {Somali Youth Club} oo ay dhalinyaradu ku kulanto.

2- In la kireeyo guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah, soona jiidan kara dadka .

3- In la dejiyo barnaamij ku meel gaadh ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahayin la fuliyo iyo howlaha mudnaanta leh in wax laga qabto.

Markii ay qoreen codsigii ayey 13-kii dhalinyarada ahaa  waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Ingiriiska u fadhiyey magaalada Muqdisho, waxayna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in fekerkoodu guuleysan doono, halka qaarna ay qabeen inay xadhig muteysan doonaan iskaba daa in codsigoodu u hirgalo, laakiin wuxuu ugu jawaabay odhaahdii caan oo ahayd

“Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan, waxaana hubaal ah inaydaan ku hishiin karin feker iyo ra’yi toona, anigu waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo adhi xero lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan”, hase yeeshee dhalintii 13-ka ahayd oo aan hadal kulul ku celin karin madaxa gumeystaha ayaa ugu jawaabay “Hadalkaaga waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano, waxaana barbaarin doonaa dhurwaayada, si aysan adhiga u cunin, mana fogaan doonto inaad aragto anagoo ku wada nool naadiga oo aan wax muran iyo khilaaftoona uusan naga  dhex jirin”.

Maalmo ayey jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaadhsiiyay warqad lagu xusay in Ingiriisku uu hadda ku jiro dagaal umana baahna in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday inay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.xigasho falaar.co

Guddigii fulinta ee syl.

Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hogamin laheyd naadiga, waxaana Guddoomiye loo doortay C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin, halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur {Siidii} loo doortay iyaguna ku xigeeno, iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye.

Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay ahayd inay  ka xoreyaan dalka gumeystaha ku soo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladda iyo midab kala sooca.

Laga soo bilaabo sanadkii 1943-dii waxaa xisbiga SYL laga furay gobolada dalka Soomaaliya oo idil, waxaana sii kordhay taageerada uu helayo, taas oo ahayd mid ay u dhanyihiin Ummadda Soomaaliyeed sida qeybaha Odayaasha, Culima’udiinka, Dhalinyarada, Haweenka, iyo Ganacsatada.

 

Xubnihii ururka SYL

Saddex iyo Tobankaas Dhalinyarada ahaa waa sidan magacyadoodii

1-C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin, waxa uu ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919-kii, wuxuuna xilligaas jiray 24-sano.

2. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, waxa uu ku dhashay magaalada Mareeg oo ka tirsan gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915-kii, xilligaasi wuxuu jiray 28-sano.

3. Yaasiin Xaaji Cismaan keenadiid, waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1917-kii,waqtigaas  wuxuu jiray 26-sano.

4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.

5. Cismaan Geedi Raage waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

6. Dheere Xaaji Dheere waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee obolka Banaadir sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.

7. Daahir Xaaji Cusmaan waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 24-sano.

9. Maxamed Cali Nuur waxa uu ku dhashay degmada Shangaani ee ka tirsan Gobolka Banaadir sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 16-sano.

10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan gobolka Galgaduud sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

11. Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1918-kii, xilligaasi wuxuu jiray 25-sano.

12. Huudoow Macalin Cabdulle waxa uu ku dhashay degmada Mareeray ee gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.

13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sanadkii 1910-kii, xilligaasi wuxuu jiray 33-sano.

dhanka siyaasadda iyo horumarkii ururka

Ururkii SYL wuxuu shaaca ka qaaday qorshihihiisii siyaasadeed, wuxuuna sheegay inuu u taaganyahay xornimo gaadhsiinta Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo waqtigaas Soomaaliya ay u qeybsaneyd 5-gobol oo gacanta ay ku hayeen gumeystayaashii reer Yurub.

13-kii dhalinyarada ahaa ee SYL waxay shideen iftiin gobanimo doon ah, waxayna hoostaka xariiqeen in Ummada Soomaaliyeed meel kasta ooy joogto inay hesho gobanimo taam

waxay mideeyeen  shacabka Soomaaliyeed si loo waajaho  gumeysiga, iyagoo aaminsanaa haddii la helo midnimo in laga guuleysan doono gumeysiga, sidoo kale waxaa qalbigooda ku dheeraa waddaniyad balaadhan  oo ay wax walba ka horumarin  jireen si ay u gaadhaan ujeedooyinkooda ku xusnaa dastuurka xisbiga SYL oo ahaa in shacabka Soomaaliyeed la gaadhsiyo xornimo buuxda oo dhamaystiran iyo in la helo Soomaali weyn.

xagga farshaxanka iyo sawiradoodii qaar ka midda halkan ka daawo

 

 

 

 

 

 

 

Taagan: Xaaji Abuukar Maxamuud Karaani (Abuukar Dariisho) Fadhia: Axmad Shire Laxaawo

Abuukar Maxamuud Karaani (Abukar Dariisho) oo ka mid ahaa dhalintii ku xigtay 13kii dhaliyado

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xigasho Sawiradan qiimaha badan http://maadow.alafdal.net/ -taariikhda-ururka-syl-ee-gobanimodoonka-somaliyeed-iyo ://somaliswisstv.com

Somali Youth League

Sawirkanwaxaan ka sooqaatey mudug online.com

Kaalintii gabdhaha soomaliyeed iyo halgankii S.Y.L

waxaa xusid mudan kaalintii lama ilaawaanka ahayd  ee ay haweenka Soomaaliyeed kasoo qaateen xisbigaas SYL,waxaaba

La odhan karaa inuusan guuleysteen haddii aan gabdhaha soomaaliyeed oo waqtigaas lagu magacaabijiray Sisters garab u noqonin iyagooy caada u tahay waddaniyaddu iyo wixii qaranimo looga jeedo oodhan inay naf iyo maalba waligood la soo  garab is taagi jireensidii loo gaadhi lahaa xornimo, waxaa kamid ahaa Xaawo Osman Taako oo lagu dilay albaabka Leegadda hortiisa iyo Timiro Cukaash oo  ku dhashay xabsiga gumeysiga dhexdiisa

Gabdhahaas  soo halgamay haddii aan qaar kale si guud u sheegno waxaa ka mid ahaa::

1-Xaawi Osman Taako Xamar

Waxaa ladhisay Taalada xaawo tako waqtigan  1970s,

2-. Xalima Kulmiye Xamar

3. Xalima Soofe Xamar

4. Raaxo Ayaanle Xamar

5. Faduma Xaashi Baydhaba

6. Timiro Cukaash Kismaayo

 

 

 

waxaan shaki ku jirin in xisbigii SYL uu kaalinta ugu balaadhan ku lahaa hanashadii xornimada Ummadda Soomaaliyeed ee la hantay sanadkii 1960-kii, inkastoo ujeedooyinkii dhalinyaradii 13-ka ahaa ee SYL aan weli la gaadhin 50-sano ka dib, tiiyoo weliba ay meesha ku jirto in labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi ee xornimada qaatay sanadkii 1960-kii ay hadda goboladii waqooyi sheeganayaan inay yihiin dowlad madaxbanaan oo ka go’day Soomaaliya inteeda kale, halka gobolkii Koonfureed uu yahay mid ay la degeen dagaalo muddo 20-sano ka badan ka aloosnaa gobolada dalka, tiiyoo ay u sii dheer tahay in maanta ay halis ku jirto midnimadii guud ee gobolkaasi, maadama ay soo baxeen maamulo u muuqanaya kuwa aan u hiilineyn riyadii xisbigii gobonimo doonka ahaa ee SYL.

Xisbigu wuxuu dhisay dowladdii daakhiliga ahayd ee xorniimada ka horeysaywuxuuna lasoo kulmay dhibaato fara badan illaa uu dalka ka gaadhsiiyey  madax banaani buuxda

Bishii Maajo ee sanadkii 1947-dii ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awooddiisa, sababahan soo socda awgood xisbiga oo xidideystay oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeystayaasha Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii iyo axsaab Soomaali ah oo ku saleysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo xisbiga laga horkeenay.

Goor dambe oo xisbigii uu meel fiican gaadhsiiyey halgankiisii gobanimo doonka ayaa waxaa geeriyooday xoghayihii xisbiga Yaasin Xaaji Cusmaan Sharma’arke, waxaana uu ku dardaarmay in jagadiisii loo magacaabo halgame C/laahi Ciise Max’uud oo ahaa wakiilkii SYL ee magaalada Baladweyne, halkaas ayaa laga soo kaxeeyey  C/laahi Ciise, waxaana uu qabtay jagada xoghayaha guud ee SYL, isagoo hayey xilkaas ilaa iyo SYL ay keentay guusha xoriyadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana C/laahi Ciise loo magacaabay Ra’isul wasaarihii xukuumaddii Daakhilga ee Soomaaliya intii aan xoriyadda si buuxda loo qaadanin .

Dhinaca kale waxa lagu hayo midnimadii dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay dhici karto in ilmihii ay dhaleen 13-kii dhalinyaro ee SYL ay maanta ku lug leeyihiin  in dalka loo kala googooyo, iyadoo aan aragno waayadan waxa dhacaya ee nidaamka cusub oo ah in tuulo, degmo iyo gobolka kasta uu sheegto dowlad, taasi oo ay u sii dheertahay tobanaan calan iyo tobanaan Madaxweyne oo ay yar tahay in maskaxdooda ay ku jirto dowlad loo dhanyahay, midnimo iyo qaranimada Ummadda Soomaaliyeed.

13-kii dhalinyarada SYL ee hormuudka u ahaa xoriyadda ay maanta Ummadda Soomaaliyeed hadhsaneyso in markii ay ku fekerayeen inay gumeysiga iska dulqaadaan ay da’doodu ka yareyd 20-sano ayaa hadda waxaad arkeysaa inay jiraan siyaasiyiin ka da’a weyn, ka aqoon badan, ka waayo aragsan inaysan laheyn heykal iyo himilo qaranimo, ayna dhici karto in caasimado ajanabi ah in laga maamulayo ama ay dhici karto inay ka sugayaan wixii ay dalkooda u sameyn lahaayeen in loo meeriyo, halka 13-kii dhalinyaro ee SYL-na ay ay ku fekireen inay dalkooda xornimo buuxda gaadhsiiyaan, arrinkaasi waxaa la dhihi karaa waa kaaf iyo kala dheeri.

Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaan jiray waxaa ugu waynaa ereyadan  hannoolaato oo micnaheedu ahaa ama loola jeeday  waa in qofku naftiisa u huraa sidii uu aayatiin iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa jiilka ka dambeeya.ee soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa oo kale baaqooda Axyaa waddani , soomaaliyeey toosooy iyo qabiil qaran ma dhiso iyo kuwa kale oo xambarsanaa qiiro wadaninimo, kuwaaso qiiro ficil ah ku abuuri jiray dadweynaha soomaaliyeed waddaniyaddu qiimaha ay leedahay iyo gumeysi naceeb.

Ururka SYL durbadii ba wuxuu ku talaabsaday guulo waa weyn oo ay ka mid yihiin inuu kasbado kalsoonidda dadweynaha soomaaliyeed , ka dib markii uu u soo bandhigay dastuurkii uu ku hogaamin lahaa shacabka soomaaliyeed, dastuurkaasi oo ku xusay in la helo soomaali weyn oo xor ah .

 

Dastuurka xisbiga waxaa ugu waa weyn oo ka mid ahaa in diinta islaamka dalka lagu hogaamiyo, in la radiyo midnimadda ummadda soomaaliyeed, in la cirib tiro dhaqamadda xun xun oo ay ka mid yihiim qabiilka iyo qabyaaladda iyo is quursiga , in la horumariyo aqoonta, hidaha iyo dhaqanka suuban iyo in la qoro afka soomaaliyeed, sidaasi darted xisbigu waxaa u suurta gashay in si fudud ujeedooyinkiisa u gaarsiyo gobollada dalka oo idil , sidaasi darted xisbiga SYL waxaa u suurta gashay in uu xafiisyo ka furo gobolada dalka taasoo kordhisay caraddii gumeysiga uu u qabay shacabka soomaaliyeed.

Sanad guuradii 5aad ee ururka

Munaasabaadaasi oo lagu xusaayey sanad guuraddii 5aad waxaa heeso wadani ah ka soo jeediyey Abwaankii weynaa Qasim Hilowle (Iskiifo) , heesahaas oo shucuur wadanimo ku abuurtay dhamaan shacbiga soomaaliyeed oo ka soo qayb galay munaasabaddaasi.

Waxaa mudadaas dalka ku sugnaa wakiilo ka socda afartii dawwladood oo ku guuleystay dagaalkii 2aad ee Adduunka oo kala ah Ingriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka , kana wakiil ahaa United Nation, kuwaaso odorasayey in dadweyna ha soomaaliyeed  u bisil yihiin hanashadda xoriyada.

Guddigaas  afarta ah waxay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka jiray :-

1. Somali Youth League (S.Y.L)

2. Hamar Youth Club (HYC)

3. Patriotic Beneficient Union

4. The Arab Community

5. The War Veterans

6. The Somali Young …. Qabiil ku magacdarsaday

7. Hindaitul Islam

8. Comitato Rappresentativo Italiano

Ururka la magac baxay patriotic Benefiecient Union ayey isku bahaysteen 7 urur oo yar yar oo lagu tiriyey in ay gacan saar la lahaayeen talyaaniga (Pro-Italia) , kuwaaso dhamaan ka soo horjeedday rabitaankii  shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la gaadho xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey  shacabka soomaaliyeed inuusan maanta diyaar u ahayn in xornimo la gaadhsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood ah lagu sii  jiro gacanta Talyaaniga

. Xisbigii SYL waxaa la soo gudboonaaday hagardaamooyin badan oo la doonayey in lagu wiiqo ujeedooyinkooda gobanimo doon, waxay kaga gudbeen isku duubni, hal adeyg, aqoon, iyo dadaal  ay ku mideeyeen shacabka Soomaaliyeed, inkastoo intooda badan shacabkii waqtigaas joogay si weyn ugu bisleyn qiimaha xornimada, laakiin waxaa arrintaas si fiican ugu  baraarujiyey ugana  dhaadhiciyey xisbigii SYL oo xooga saaray in Soomaalida loo qeexo  qiimaha xornimadu ay leedahay.

Intii ururku ku hawlanaa xornimodoonka  iyo in la sameeyo soomaliweyn waxaa  garab socday dad tiro yar oo Soomaali ah oo la dhacsanaa ku hoos jirka heeryada gumeystaha, waxayna dadkaasi ku xidhnaayeen nidaamkii gumaystaha ee Talyaaniga.

Dadkaas gumeysi  kalkaalka ahaa waxay qaarkood ku biireen xisbigii SYL ama qaar samaystay axsaab yaryar sidaan kor ku sooxusnay si ay u kala dhantaalaan orodkii ama ruclihii loogu jiray xornimo gaadhsiinta Ummadda Soomaaliyeed.

Cali Xuseen oo ahaa ninkii Xisbigii SYL u qaabilsanaa dhanka suugaanta wuxuu gabayadii uu tiriyey ku muujin jiray inay SYL ay ka mid yihiin dad doonaya inay jilbaha qabtaan dadaalka xisbiga, waana halkii gabyaagii Caanka ahaa qamaan bulxan  ka yidhi

“Baadida nin baa kula daydayaya’oo                  daale kaa badane

Oo daaimkeed inaan la helin                                 doonibaa jira e

Dadkuna moodi duulwada socdoon                     wax u dahsoonayne

Dalla malaha aakhiro                                            haddii loo kitaab dayaye

Sidoo kale Axmed Xaaji Suleymaan oo dhanka qoraalada u qaabilsanaa xisbiga ayaa mar uu ka hadlay shir ay lahaayeen golihii xisbigii SYL, wuxuu ku sheegay in xisbiga ay ka mid yihiin dad diidan in xisbigu ku guuleysto ujeedooyinkiisa ku aadan xornimo gaadhsiinta Ummadda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee  Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nation-ka  taariikhdu markay ahayd 20/01/1948kii  waxayla kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii SYL oo warbixintiisu xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka soomaaliyeed.

Guddigaasu wuxuu ka koobnaa :-

1. Mudane Xaaji Maxamed Xuseen – Guddoomiye

2. Mudane Cabdullahi Ciise Moxamud – Xoghaye

3. Mudane Maxamed Ahmed – Xubin

4. Mudane Xaaji Faarax Cali – Xubin

5. Mudane Sharif Maxamed C/raman – Xubin

6. Mudane Xaaji Bashiir Ismaciil – Xubin

Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo ka wakiil ah xubnaha SYL , guddiga United Nations ka hortiisa wuxuu ka soo jeediyey warbixintii xisbiga SYL ,warbixintaas oo lagu codsanayey United Nations ku  in si deg deg ah oo aan shuruud lahayn ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo in inta himiladaas laga gaadhayo afarta dowladood oo xoogga waaweyn i nay si wadajir ah u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah Jimciyaddii quruumaha  .

Waxaa kale oo xusid muddan xisbigii Hamar Youth Club (HYC) oo ay isku mabaadii ahaayeen xisbigii SYL oo ay ka wada sinaayeen in shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo taam ah , xisbiga HYC hogaamiyaashiisu na waxay is bar bar taageen halganka gobanimadoonka ah , waxaana warbixintiisa halkaasi ka soo jeediyey Muddane : Maxamed Abukar Abooke .

Waxaan guddiga Hamar Youth Club ka koobnaa :-

1. Mudane Xaaji Muxyadiin Xaaji Cali – Guddoomiye

2. Mudane Sheekh Cumar Xaaji Yusur – Xoghaye

3. Mudane Aweys Dheere Diinle – Xubin

4. Mudane Dheere Xaaji Dheere – Xubin

5. Mudane Maxamed Abukar Abooke – Xubin

6. Mudane Axmed Shariif Cali Fakhradiin – Xubin

Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixintii kala duwanayd  ee ay ka kala jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay kuwaasoo ku kala qaybsanaa  xaga fikirka ,qaar xornimadoon  ah iyo kuwo ka soo hor jeedda oo mucaarid ah , guddigii markii uu arkay banana baxii weyn oo   ay soo qabanqaabiyay xisbigii SYL iyo SNL , iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee xiligaas ku sugnaa Muqdisho , kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo, waxaa waftigii  jimciyadda  u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixintoodi ina ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed uu hanto xornimadiisa .

Si wada jir ah xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd rabitaanka ummadda soomaaliyeed in ay hesho xornimo taam ah. Qoraalkaas waxaa Jimciyadda waftigeeddii  u gudbiyey Muddan Maxamoud Jaamac Uurdoox oo qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah . Isla markaasna waxay afarta  dawladdood ka codsadeen in ummadda soomaaliyeed la gaadhsiiyo  xornimo taam ah muddo 10 sannaddood gudahood,taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta

Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingiriiska gacanta loo geliyo soomaaliya, taaso dawladda ingiriiska ka cadhasisay. United Nation ka waxay go’aansadeen in koonfurta soomaaliya gacanta loo geliyo dawladda talyaaniga muddo 10 sannadood ah lagu gaadhsiyo xornimo., iyadoo xisbigii SYL aad iyo aad uga soo horjeeday in mar kale talyaaniga gacanta loo geliyo konfurta soomaaliya hase yeeshee qorshaha SYL wuxuu ahaa  afartaa  dawladdood eeweyn in ay maamulaan arrimaha soomaaliya.si aan midi ugu amar ku taaglayn

Jimciyada quruumuhu  waxay soomaaliya u soo dirtay 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad walbana ay u gubiyaan warbixintooda   Golaha loo dhanyahay ee U.NTA,.(1)

Guushii halgankii waxaa la gaadhay26KII JUUNE IYO 1-da July ee sandkii 1960-kii markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen ayna dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaase nasiibdaro ah inaan hananweynayn xorriyaddii iyo dowladnimadii.

Taariikhda ururka SYL iyo halgankiisii waxaa ka waramay Allaha u naxariistee Cali Xasan Cali oo loo yaqaanay  Cali Barduuro oo ka mid ahaa 13kii dhalinyaro  ee asaasay ururkii gobanimadoonka ee SYL.

Cali Xasan Barduuro waxa uu ahaa xubintii ugu danbeysay ee ka nooleyd asaasayaashii SYL, waxaana uu bishii December ee sanadkii 2009 ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Waxaa intii uu noolaa la kulmay Cali Barduuro, weriyaha BBC ee Nairobi Yusuf Hassan oo ka wareystay taariikhdii ururka SYL iyo halgankii ay u soo galeen gobonimada Soomaaliya.

,waxaa ujeedooyinkooda ka mid ahaa

1-in Soomaaliweyn la middeeyo lagana hortago qabyaaladda iyo fikradaha xunxunee dadka shacabka walaalaha ah qaybiya

2-in shacabka somaalida tacliintooda diinta iyo maadigaba kor loo qaado iskoolana loo furo si ay u bartaan aqoonta casriga ah

3-in laga hor tago si dhab ahna loo tirtiro wax kasta oodhib u geysnaya danaha somaaliyeed kana soo horjeeda

4- in la qoro lana hirgeliyo far somaali waxayna si kumeel gaadha u qaateen fartii cusmaanidda SYL ayaa ku shaqeyn jirtay farta Cismaaniyiinta wixii ka horreeyay 1956kii xilligii dowladdii daakhiliga, sababta ay farta cismaaniyiinta SYL u dooratayna waxa ay ahayd Yaasiin Cismaan Keenadiid oo uu aabbihiis Cismaan Keenadiid fartaas Cismaaniyiinta allifay ayaa ahaa xoghayihii ururka SYL(1 (1)Xigasho http://pansomalism.wordpress.com/2011/05/15/sanad-guuradii-68aad-ee-halgankii-xisbigii-s-y-l-15-may-1943/

Dhinaca gobalada waqooyi1948 kii Xisbigii SYC waxa magaciisii loo bedelay SYL ( Somali Youth League ) Xisbigaas oo ka dhisnaa  dhulka soomaalidu degto, ayaa maxmiyaddii ingriiska ee  Somaliland laga furay, waxana hogaaminaayey Haji Khaliif Sheekh Hassan yare oo si weyna uga xidhnaa Xarunta SYL ee Muqdisho.

 

)

 

Member of the Central Committee of S.Y.L Standing from Right o Left: Ahmed Addaw, Vice President, Ahmed Shirreh Lawaha, Member: Abduullahi Isse Mohamed, Secretary General and Osman Sheikh Ma’ow Member:- Sitting:- Sheikh Isse Mohamed Treasurer

Officer and General Cashier

 

Cabdullaahi Ciise Maxamuud

Ra’iisul wasaarahii 1aad ee Soomaliya iyo Xoghayihii 2aad ee Ururkii S.Y.L

Xafiiska intuu joogay

Maarso, 1956 ilaa 1 Luuliyo, 1960

Dhashay:      1922

Dhintay:        1988

Diintiisa:        Islaam

Dhalasho:     Soomaali

Ururka:         Somali Youth League (SYL)

Cabdullaahi Ciise Maxamuud (1922-1988), Allahaa u naxariistee Wuxuu ahaa halgamaa door weyn ka ciyaaray madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliyeed, wuxuu kale oo uu ahaa raiisul wasaarahii ugu horeeyey ee dalka Soomaaliya ay yeelato ee dowladii daakhiliyada ahayd inta aysan Soomaaliya madaxbanaanida helin

1 Noloshiisa hore iyo Waxbarasho

2 Xisbigii Leegada

3 Xilalkii uu Dalka u soo qabtay

Noloshiisa hore iyo Waxbarasho

Cabdullahi Ciise aabihii waxa uu geeriyooday isagoo yar waxaana soo korisay Hooyadii oo la oran jiray Mareero Diini. Dugsiga Qur’aanka iyo Wabaxashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho. Sanadkii 1938 waxa uu ka qalinjabiyay Dugsiga sare ee Talyaaniga wuxuuna noqday maamule Xafiis.

Xisbigii Leegada

 

1943 waxa uu xubin ka noqday Xisbiga SYC. Isla sanadkii ku xigay (1944) waxa uu kafuray xaruntii ugu Horeysay ee xisbigaas laga furo degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Sedex sano kadib markay taariikhdu ahayd: 15/05/1947dii, waxaa halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud loo doortay Xoghayaha Guud ee ururkii SYC.

 

Durbadiiba Cabdullaahi Ciise waxa uu dardargaliyay halganka Xisbiga SYC waxa uuna badalay magaca Xisbiga SYC isagoo u badaalay SYL (Somali Youth League) wuxuuna soo saaray barnaamijkiisa siyaasadeed oo ka kooban shan qodob oo kala ah:

In la raadiyo Gobanimadda iyo Xuriyada shanta Soomaaliyeed oo mideysan.

In lala dagaalamo kala qeybinta qabyaaladda ku dhisan.

In laga takhaluso ciddii ka hortimaada danta Umadda Soomaaliyeed.

In waxbarashada lagu baahiyo dalka oo dhan lana dhiso aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed.

In la qoro Afka Hooyo ee Soomaaliga ah.

(1)xigasho(1) http://webcache.googleusercontent.com

Oktoober 1949kii: Muddni Cabdullahi Ciisi Maxamud oo ahaa xoghayihii guud ee SYL markii uu tagay United Nations wuxuu baaq u soo jeediyey dhamaan ummmadda soomaaliyeed  meel kast oo  joogaan , baaqasi oo ku sabsanaa in shacabka soo maaliyeed oo ay halgan xoog leh u galaan si looga hortago qorshaha talyaaniga SFORZ –BEVIN  iyo Dawladda Ingariiska in soomaaliya gacanta loo geliyo dawladddawladda talyaaniga

Xilalkii uu Dalka u soo qabtay

Allaha u naxariistee Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxa uu dalka ka soo qabtay Xilal kala ah:

1960-1964tii waxa uu ahaa wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya.

1964-1967dii waxa uu ahaa wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

1967-1969kii waxa uu ahaa wasiirka Ganacsiga Soomaaliya.

1969-1973dii Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxa uu kamid ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee inqilaabkii Militari uu ku kor qabsaday taliskii Maxamed Siyaad Barre, lana xidhay 4 sano.Xadhigaas oo aan Ku wanagsaneyn Ninka keenay Madax Banaanida aan Maanta Ku faaneyno,

1973-1984kii Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxa uu ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Sweden,isla markaana wakiil ka ahaa dhammaan dalalka la isku yidhaahdo Iskandaneefiya  eeg http://upload.wikimedia.org/wikipedia/so/f/f8/Cabdullaahi_Ciise.

(1)xigasho(1) http://webcache.googleusercontent.com

Maanso aan soomaaliya ka tiriyey oon diblomaasi ugu magacdaray ayey

ereyadan soo socda ka mid ahaayeen kuwaas oon ku cabiray dalka inaan dhib loo soo marin marka laga reebo daraawish iyo ururkii dhalainyaradii S.Y.L asaastey

sababaha inuu qarankii burburo keenayna ay ka mid tahay arintani maahmaah ingriis ah ayaa tidhaahda(easy come easy go)wixii sifudu kugu soo gala sifudud ayuu ku tagaa

markii calanka dooga ah

loo dabaal dagaayee

dawladnimo la sheegtee

hadii aan darwiishkiyo

leego aan ka daynaba

oon liiska lagu darin

cid kaloo dagaal iyo

dibindaabyo dheer iyo

waran dakharba gaystiyo

dad umarayba muu jirin

daleelbaaba laga helay

waxa dumiyey maantana

dareenkaasii waa kow

Halgamayaasha kale waxaa ka midd ahaa kuwan soosocda

 

Max’ed Cawaale Liiban

Qolabaa Calankeedu waa ceynoo,

Anigaa keenu waa cirkoo kala,

Aan caadna laheyn een caashaqayee.

Xiddig yahay cadi waad na ciidamisee,

Carradaan kaligaa aad u curatee,

Erayadan waxaa halabuurkooda sameeyeykuna luuqeynjirayAllah how naxariistee Cabdullaahi qarshe oo kamid ahaa halgamayaashiiwadaniyiinta ahaa

Allah haw naxariistee

Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal iyo waddaniyiin  badan oo  naftooda,dhiigooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa dadkaas Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa halgamayaashii gobannimada iyo xornimada Soomaaliya ka soo hooyey gumeysiga, wuxuuna caan ku yahay dhamaan gudaha Somaliya.

Waa ninkii sameeyey naqshadeeyey  calanka  buluuga ah ee quruxda badan ee Soomaalida 1954-kii,isagoo u alifay micnaha qotada iyo xeesha dheer leh ee calanka Somalidu xambaarsan yahayay. Kaas oo ah:

1-Xiddigta cad ee shanta gees leh: Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto  ayey tilmaamaysaa ama aaaaama ay u taagantahay.

2-Midabka buluugga khafiifka ah : Cirka iyo badda somaalida oo inteeda badani buluug tahay

Markii ugu  horeysay waxaa la taagay calanka soomaaliyeed ama la saaray taariikhdu markay ahayd12-kii Oktoobar 1954kii  isaga oo ka dhex babaday calamadii Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa iyo kuwii maxmiyaddii Talyaaniga


Waxaa ka mid ahaa oo kale raggiiwaddaniyiinta ahaa allah haw naxariistee

 

janaraal Dauud Cabdulle Xirsi

Gen. Daauud Cabdulle Xirsi (1924-1965) wuxuu ahaa Janaraalkii ugu horeeyey  ee yeelato Soomaaliya isla markaasna ahaa taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Janaraal Daauud wuxuu ku dhashay tuulada Mareeg ee ka tirsan gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu ku dhameeye aqoontiisa Qur’aanka asagoo da’ yar ah. Mudo sanad ah asagoo ka shaqaynayaa xaafiiska Talyaaniga ee degmada Buuloburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, xoogaa kahor intaan la gaarin Dagaalkii Labaad ee Aduunyada. 1943dii wuxuu ku biiray Ciidamada Booliska ee Ingiriiska oo markaas hayste koonfurta Soomaaliya, Janaral Daauud waxaa uu ka gaare shaqadiisa ilaa barre (macalin) tababare ka ah Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab.

Taliyihii ugu horeeye

Dagaalkii labaad ee Aduunka kadib, horaantii 1950meeyadii ayaa taliskii Talyaaniga ku soo noqde koonfurta Soomaaliyaayaa Janaraal Daauud ku guulayte imtixaan uu u galay leyli sarkaal. Waxaana loo qaaday dalka Talyaaniga halkaas oo uu ku soo dhamaystey tababarkii ciidan ee sarkaalnimada.

1954kii ayuu ku soo laabtay Soomaaliya, wuxuuna ku shaqeynayay sarkaalnimo dhinaca booliiska kadibna wuxuu ka qeyb galay diyaarintii ciidammadii Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay markaas abaabulaysey dowladii uu horkacaayey Cabdullaahi Ciise. Xeerkii lagu dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa darajadda Janaraalka ah u dalacsiiyay Daauud Cabdulle Xirsi oo noqday taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ugu horeeyey. waxa uu noqday janaraal daauud taliyihii ugu da,da yaraa taariikhda soo mara ee maamula ciidanka qaranka .sidoo kale waxaa lagu xasuustaa janaraal daa,uud cabdulle xersi in uu soo saaray dadka ugu magaca dheer xaga ciidanka sida (( j maxamed nuur gallaal ,j macamed faarax caaydiid , col c/laahi yuusuf axmed jmaxamed liiqliiqato )) iyo in kale oo badan . sidoo kale waxa uu taliye u ahaa kana soo hoos shaqeeyay ee ugu horeeyay ((j maxamed abshir muuse ))iyo ((j maxamed cali samatar , jsalaad gabeyre , j gorgor ))iyo ((j maxamed siyad barre )) oo ahaa  madaxweynihii dalka soomaaliya.xilligii kacaanka waxayna dhammaan sheegeen inay ka faaiidaysteen

, Allah haw naxariistee Janaraal Daauud Cabdulle Xirsi wuxuu ku geeriyoodey magaalada Moosko ee dalka Ruushka calanka Soomaaliyeed oo aan shan jirsan, asagoo jira 41 jir, dabadeed waxaa xilka lagu wareejiyey Salaad Gabayre,

waxa uu ahaa Ninkii ugu horeyay ee loo magaaacabo General somaliya, waxaa xilkaas u magaacaabay Raisulwasaarihii Dawladdii daakhiliga Cabdullaahi Ciise Maxamuud.

Jenanka wuxuu ahaa qof diinta ku wanaagsan oo baari ah, kuna dadaala runta, waxaana la sheegay inuusan dadka jidka ku dhaafi jirin, isagoo hore u qaadi jiray maadaama uu watay baabuur ahaana sarkaal sare, iskama dhowri jirin dadka shicibka ah. Generalka wuxuu guula la taaban karo ka gaadhay Dagaalki somaliya  ay la gashay Ethopia Sanadiikii 1964tii  Markaas oo loo aqoonsaday Halgamaa Hal ku Dheg leh oo aad loo Xurmeeyo. Waxaa loogu magac daray wadada Jen Daa’uud iyo weliba iskoolada Dhexe & sare ee Jen: daa’uud oo iyaguna ku yaal degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Waxaa intaas dheer in jananku ay jeclaayeen ciidamadii Soomaaliyeed, maadaama uu aad ugu dadaali jiray noloshooda. Jeneraalka aad ayaa looga xushmeyn jiray  Somaliya oo idil wuxuuna  Xiliyadii uu Noolaa quudin jirey dadka Tabarta Yar ee soo beegsaday xeryaha ciidamada oo uu odhanjirey wax Walba ood aragtaan  oo yaala Xeryaha ciidamada Waad Cuni kartaan.

Allah how naxariisto  aamiin(1)xigasho(1)http://so.wikipedia.org/wiki/Daa’uud_Cabdulle_Xirs

Dhulka ay degto soomaalidu

Degaanka soomaalidu wuxuu ukala baxaa shan qaybood  Xilligii gumeysiga reer yurub oo laba kamidda marikii ay xornimda qaateen  kadibna ay middoobeen waxaana  ka dhashay jamhuuri yaddii somaaliya labada gobol oo ka kala qaatey isticmaarkii ingiriiska 26juun1960 waana markii ugu horeysay ee  calan soomaliyeed oo xor  ah  la qotomiyo inagoo mawduucaas dib ka siiwadi doona Illaahay haw naxariistee gabyaagii  wadaniga ahaa cabdullaahi suldaan diiriye tima cadde oo mariyey geeraarkiisii caanka ahaa

Bal aan timacadde taariikhdiisa oo kooban iyo maasoonyinkiisii qayb ka mida ka yara sheekayno maadaama uu mudanaa  in lagu hakado
Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde),wuxuu ku dhashay Galoolley, oo ku

taal duleedka magaalada Gabiley,sida in badan oo taqaanay rumaysan tahay,isla markaana uu ii

xaqiijiyay Isaaq Cismaan Maxamed oo ay Timacadde ilma-adeer ahaayeen.Hooyadii waxay ahayd

Xabiiba Seed Guuleed.C/laahi Suldaan markuu geeriyooday 1973-kii, wuxuu ahaa 53-jir, sidaa

darteedna wuxuu dhashay 1920-kii C/laahi Suldaan wuxuu ka dhashay qoys beeralay ah, waxaanu ahaa madi.Wuxuu ku koraydegmada Galoolley oo ay beer ku lahayeen, halkaas ayaanu ka galay malcaamad-qur’aan.C/laahi Suldaan,isagoo weli dhallinyaro ah ayuu tegay dalka Itoobiya,wuxuuna inta badan ku noolaa magaalooyinka Adari(Harar) iyo Diridhabe.Timacadde wuxuu Itoobiya ku tegay farriin uga timid ina-adeerkii Maxamed

Dugsiiye Maxamed oo ciidamadii Talyaaniga ka tirsanaa.C/laahi Suldan waxay isa sii raaceen laba kale oo ay ilma-adeer ahaayeen.Markii ay muddo joogeen magaalada Adari, ayuu Maxamed Dugsiiye u yimid.Tima-cadde wuxuu ku daray malcaamad uu qur’aanka iyo diinta ka barto.Maxamed Dugsiiye dib ayuu u noqday oo wuxuu sii raacay ciidamadii Talyaaniga ee uu ka tirsanaa. Waxoogaa markuu maqnaa,isagoo ku sugnaa magaalada Jimma, ayuu ciidamo ka soo noqday farriin soo faray ahayd in ay C/laahiSuldaan soo kaxeeyaan markay soo noqonayaan. Halkii ayuu Timacadde ugu tegay Maxamed Dugsiiye, isagooka mid noqday ciidamadii Talyaaniga oo ay MaxamedDugsiiye isku ‘Batalyan’ noqdeen.

Waqti ku began 1938-kii ayuu Tima-cadde ka soo baxay ciidamadii Talyaaniga

oo uu degay magaalada Diridhabe oo uu waxoogaa ku noolaa. 1940-kii ayuu C/laahi u soo wareegaymagaalada Jabuuti oo uu ku noolaa ilaa 1949-kii. C/laahi Suldaan intii anu Jabuuti ka imanba wuxuu noqday gabayaa laga yaqaan golayaasha iyo fagarayaasha lagu kulmo, gaar ahaan aroosyada oo uu aad ugagabyi jiray.Sannadihii uu ku sugnaa Jabuuti iyo markuu ka soo wareegayba, C/laahi Suldaan gabayo bulshooo kaftan iyo xifaaleba lahaa ayuu la wadaagi jiray hal-abuurkii ay isku da’da ahaayeen, kuwaas oodadku aad u xiisayn jiray. C/laahi Suldaan markii uu Jabuuti tegay, halkaa waxay ku kulmeen Barni Jimcaale oo kal-gacal

xoog lihi u galay, tix uu u tiriyayna laga hayo halku-dhegga ah;

“Barni ina Jimcaalaan helee, sow bar dahab maaha.”

C/laahi Suldaan iyo Barni Jimcaale, waxay ku aqal-galeen Galoolley 1952-kii. Barni Jimcaale, 1954-kii ayay Maryan ku curatay.Guurkaa Tima-cadde iyo Barni Jimcaale ma raagin, waxaanay ku kala tageen magaalada Jabuuti 1957-kii.C/laahi Suldaan wuxuu si rasmiya uga soo wareegay Jabuuti 1949-kii,isagoo degay Galoolley oo ay beertoodu ku taal. 1959-kii ayuu C/laahi mar labaadkii ku guursaday Galoolley Ardo Qallinle Cige oo u dhashay afar hablood iyo wiil,

C/laahi Suldaan, markuu dalka soo degayba wuxuu ka qaybgalay halgankii gobonimo-doonka ahaa ee dalka ka hana-qaaday.Wuxuu markiiba ku biiray ururkii SNL oo ay xaruntiisu ahayd Hargeysa, halkaasoo ay kasoo baxeen gabayadii ugu badnaa ee Timacadde ee marxaladdaa ku beegnaa. 1960-kii kadib, markiigobonimada la qaatay ee la isku daray labadii gobol ee Soomaaliyeed, lana sameeyay JamhuuriyaddaSoomaaliyeed, Tima-cadde wuxuu ka tirsanaan jiray xisbigii la odhan jiray SDU, loona yaqaanay Calan-Cas.

Wuxuu ahaa xisbi fekerkiisu bidix ahaa ama u janjeedhay dhinaca hanti-wadaaga. Beryihii dambe ilaadoorashadii 1969-kii,Xisbina kama uu tirsanayn, waayo markuu arkay sidii wax loo waday iyo sidayXisbiyadii u noqdeen wax lagu danaysto, wuu ka aamin-baxay. 1969-kii, markay ciidamadii qalabka sidaytaladii dalka kula wareegeen inqilaabka, C/laahi Suldaan dadweynaha Soomaaliyeed ayuu la qaybsadaydareenkii wanaagsanaa ee lagu soo dhoweeyay, iyadoo maamulkii madaniga ahaa laga khatoobay, islamarkaana laga rajo-dhigay, shacbigu way u heellanaayeen is-beddel dhaca. Ididiiladii iyo rajadii dadweynaha gashay waxay ahayd in wax is-beddeli doonaan oo welibasida ugu roon isu beddeli doonaan. Mar saddexaadkii ayuu C/laahi Suldaan magaalada Hargeysa kuguursaday Ardo Tukaale 1971-kii,waxaanay u dhashy Samsam C/laahi Suldaan oo keliya. CarruurtiiTima-cadde dhalay oo ahayd toddoba gabdhood iyo wiil. 1971-kii, C/laahi Suldaan waxa kusii xumaaday xanuun kaga dhacay cunaha.

Markay xaaladdiisii caafimaad ka soo rayn weyday ayay xukuumaddii militeriga ahayd 1972-kii u dirtaydalka Kenya.Tima-cadde waxa la dhigay ‘Kenyatta Hospital’, oo Nayroobi ku yaal. C/laahi Suldaan wax badan ma joogin halkaas, muddo kooban kadibna waxa lagu soo celiyay Somaliya. C/laahi Suldaan wuxuu kudambeeyay gurigiisii Galoolley ku yaalay, halkas oo ay ku haysay Ardo Qallinle Cige oo xaaskiisa ahayd.Noloshiisii intii ka hadhsanayd inteedii badnaydna halkaas ayuu degenaa.  C/laahi Suldaan, 7/12/1972-kii, ayaa laga soo qaaday Galoolley oo la geeyay Kala-baydh, halkaasoo uu ku dhintay 6/2/1973-kii. Bishii February 7dii,1973-kii, subaxnimadii ayaa meydkii Tima-cadde lagasoo qaaday Kala-baydh,iyadoo si wanaagsan loo sii gelbiyayna, waxa lagu aasay Gebilay,

naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo’e

KAANA SIIB KANNA SAAR

Waa gabayga hoos ku qoran oon odhan karno waa gabayga ugu muhiimsan gabayyada Wax kasta gabayaaga Maalintii Goboladda waqooyi Gobanimada ay qaateen 26kii juun 1960 ayuu gabaygan qiimaha leh ka tiriyaymeeshii laysugu yimid ee lagu dajinayay Calinkii Ingriiska. Gagidaasoo dad aad u badan ayisugu yimaadeen. Gabayaaga maalintaa goob jooga ahaa waxaa ka mid ahaa Qaasim iyo CabdiIdaan oo iyaguna ka tiriyay  tixo gabayaal ah oo kala gadisan. Cabdilaaahi Suldaan “timacade”, isagoo ka hadlaya qiimaha xorriyadda iyo calanku leeyahay,

dhibaatooyinkii loo soo maray iyo meesha uu kaga yaallo umadda somaliyeed Wuxuu  gabaygaa

tiradiisu ahayd 126 bayd. Waxaa ereyadiisii kamid ahaa uu ka jeediyey beerta xoriyadda ee kutaala magaaladda Hargeysa

Kolkaad buundada weyn ee togga gudubtid adoo u siijeeda xagga xaafadda  daruuraha dhinaca bidix kaa qaban oo isla togga saaran

Anigoo sebi uun ahoo         Sita leeb iyo qaansoo

Siigaduun isku aasoo         Sabo reer ka fogaanoon

Laygu aaminin soofkiyo       Saaca maanta aan joogno

Gabaygu waygu sugnaayee      Haddii aan Sarsarriigo

Ama aan surmaseego           Amaba aan sixi waayo

Ama aan ka salguuro          Amaba laygu saluugo

Soomaalida i maqlaysaay      I su’aala hadhow

Ilaahaan waxba seegine       Subaciisa Quraankiyo

Sabbaxooyin ku sheegayow     Saciira iyo naciima

Rabbiigii kala seerayow`     Markay suurtu dhawaaqdo e

La soo saaro makhluuqa e     Shaqiga iyo saciidka

Maalintaad kala soocdo       Dembigaannu samaynay

Rabbigayow naga saamax

Subciyay oo ka dukeeyaye     Ka siddeetan sebaaney

Calankaannu sugaynaye        Sahankiisa ahaynow

Seermaweydo hillaacdayow     Sagal maanta darroorayoo

Siigadii naga maydhayow      Saq dhexaannu ahayne

Kii soo saaray cadceeddow    Samada kii u ekaaye

xiddigaa mid la siiyayow     Saaxirkii kala guurrayeaha

Sarreeyow ma-nusqaamow       An siduu yahay eegno e

Kaana siib Kanna saar

Saahidiinta lslaamka e       Subcisaa Jimcayaashiyo

Sibyaanta iyo haweenku       Calankay Saadinayeenow

Cidina kaanay na Siine       Saatir noogu yaboohayow

Saaxirkii kala guurraye      Sarreeyow ma-nusqaamow

Aan siduu yahay eegno e      Kaana siib kanna saar

Sallaankii istiqaalkow       Sedadu kay ku xidhnaydow

Sayruukhii Afrikaadow        Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow       An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

San-ku-neefle dhammaantii     Khalqiga kii u sinnaayeen

Mid saaxiib la ahayne         Sangalkii iska diidayow

Saaxirkii kala guurraye       Sarreeyow ma-nusqaamow

Aan siduu yahay eegno e       Kaana siib kanna saar

Soomaloo iscunaysa oo         Saqda qaylo dhawaaqdiyo

Sulub laysu cabbaystiyo       Hadba soof la xabbaadhiyo

Saraayaa dami weyde           Kii laydhiisu na saaqdayow

Kii sadqeeyey qabaa’ile       Isu saaray gacmaa ee

Saf walaala ka yeelayow       Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow        An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

In sidayda tihiin iyo        In kalaanan saxaynine

Soomaloo calan taagta        Saakay noogu horraysa oo

Saddex wiig iyo maalmo       Haddaan Soor cuni waayo

Safrad laygama yaaboo        Sarina mayso naftayda e

Saaxirkii kala guurraye      Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e       Kaana siib kanna saar

 

 

 

Nimankii na Siraayaye        Waaxwaax noo kala saaftaye

Solanaayey cadkeenna e       Innagoo dhexda suunku

Sabarkeenna qarqooray        Kii sedkeenna Cunaayaye

Sarartiisa ka muuqdaye       Surwaalkii ka yaraadaye

Daaro loo sibidheeyiyo       Sariiraa lagu seexdiyo

Kabadh suuf laga buuxshiyo   Mid baabuurka safeeyiyo

Aayad saarta carruuurtiyo    Sagaal boy iyo kuug iyo

Weliba seeksa lahaa          Kii saabaanka u laabayow

Saaxirkii kala gaurraye      Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e       Kaana siib kanna saar

Sawjarkaa hubka qaataye      Intuu soodhka ku taagey

U diyaara salaantiyo         Saraakiisha amraysaay

Sifihii isticmaarka          Ka siyaadiya maanta oo

Sibilkiinnan ag joogow       Sibirtiisa istaaga oo

Nin walbaan sigib beeloo     Sarow taaga gacmaa oo

Sacabkaysku garaaca oo       Nin walbow saddex goor

Subxaanow waa mahaddaa dheh

Subxaanow waa mahadaa

Subxaanow waa mahadaa

Subxaanow waa mahadaa!

DUGSI MA LEH QABYAALADI   Dib U laabo

Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waynaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacade.

Abwaanku wuxuu gabaygan si murugo leh kaga hadlay dhibaatooyinka qabyaaladdu

leedahay iyo sida ay umadda Soomaaliyeed ula hadhay una baabiisay hadii aanay

ka hadhina aanay aayo lahayn. Soomaaliyi inay ka hadhaan daaye waa bay sii

badsadeen sida bariiska, sidii abwaanku sheegaybaana dhacday baaba’ iyo hoog!

Wuxuu yidhi:

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay     dihashadiisiiye

Dubaaqayga waataan ka jaray         waa fog dabadeede

Shin kastood daleed uga baxdoo      nabar is-diidsiiso

Dibnahaagu shaygay bartaa           waad ku dayataaye

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax    loo dalbado maalin

Oo loo duddeeyoo khalqigu           daawasho u joogo

Uu mid aan daryeelini xakame        daamanka u geliyo

Uu duulin orodkuu lahaa             dalacsi siin waayo

Uu cidhibta darrandoorriyuu         duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan      inuu ka duulaaye

Haddaad adigu daacuun ku tahay      dooddan iyo baacin

Gacmaha wuu ka daayaa ninkii        fuulmo daashade

Jeeroon direyska u gashoon          dibeda soo taago

Daleen aniga iigama tagee           waa dig siin jiraye

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo   diirka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa           dowgu suu yahaye

Soomaaliday dayaya wanaag           idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo       Seylac deriskeeda

Dusha koonfureed iyo ilaa           wabiga daaciisa

Degmadeena oo iil haddaan           dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon        deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay      waa dixdhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhaguhu         uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn         dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga      dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay       degashanaysaaye

 

Doc hadday u wada jeedsatooy        dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala  ah tahay ooy      duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways          dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa       daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa        daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen           waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen      duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey           waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii             doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkioy waxyiga    diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay       dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo      daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga       daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama           iyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi             waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan       weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan          danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal            meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad      dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi               waxay dumiso mooyaane

Maandeeq

Gabaygan la magac baxay Maandeeq waxaa tiriyey eebe janadii fardowsa haka waraabiyee, Halyeeygii, waddanigii, Abwaankii, Gabyaagii weynaa Cabdullaahi Suldaan (Tima-cade). Gabaygan Maandeeq waxa uu abwaanku tiriyey sanadihii lixdamaadkii, asagoo uga digayay shacabka Soomaaliyeed in aan la beylihin jiritaanka iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Cabdullahi Suldaan Timacadde gabaygan wuxuu tiriyey lixdamaadkii markaasoo dawladii

markaa maamulka haysay aad iyo aad loogu dhaliilayey musuq-maasuq iyo fusuq ka dhex socday iyo inay

dayacday mabda’ii dawladnimo xilkeediina aanay kasoo bixin. Markaa isagoo qararanimadii iyo xornimaddii

ku metalaya hal la yidhaahdo maandeeq oon xero xun gelin oo inta cadow dhacay laga daba tegay oo si

xarago leh loosoo dhiciyey ayuu gabaygan tiriyey.

Wuxuu yidhi:

Gumaysigu hashuu naga dhacay           een gurayey raadkeeda

gu’yaal iyo gu’yaal badan              hashii gama’a noo diidey

goobtay istaagtaba hashaan             joogay garabkeeda

guuraa habeenimo hashaan               gebi walba u jiidhay

gaashaandhigeedii hashu                galowgu eedaamay

hashii geeddankeedii rag badan         goodku ku casheeyey

gacmaa lagu muquunshaye xornimo        noogumay garane

garre iyo guntane maalintay            gees isugu boodey

Allaa noo gargaaree xornimo            noogumay garane

geeraarradeedii hashaan                annigu googooyey

galool iyo maraa iyo hashaan           kidiga geylaanshey

gaajiyo harraad badan hashaan          ugu garaacaayay

goobtuu sidkeedii go’ay                galabtii foolqaaday

ayadoo candhada giijisay               oo godol ku sii deysay

Garaad midan lahayn bay                la tahay waad ka gaagixine

annagoo gantaalaha dhaciyo             haysan qori gaaban

hashaan gaadda weynow libaax           uga gaboon waayey

Inaan Garayacawl uga tagaa             waa hal soo gudhaye.

Gabayada Cabdilaahi Suldaan timacadde IIlaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo eh gabay ka mid aha.

Indhawaydba hooyale gabay hiigso ma lahayne

waa taan ka saahiday tixii hibadu saarayde

meeshiyo hilaaci kal hore maan haloosiine

dharaartaan haleelaan wixii hore ilaabaaye

hijradiisa goortaan dhex galo ha iyo wowgiisa

markaan anigu hoonka u tumo ayay haadka bixiyaane

hagaag uma talaabsado ninkaan hamaga saaraaye

waxaan gabaygan haatanna ku nacay hadimo waa heele

afartaa hilaac iyo tus iyo heego maw yeelay

hannaan gabayga waw marin jiree hadaladaydii dheh

hirara kalena waa maansaday hibatay laabtaydu

hal wanaagsan oo kuu dhashiyo hoos mid laga waayay

hadhuub inaanay wada buuxinayn hubati sow maaha

inaanay habaas wada galayn hubati saw maaha

hamadeenu bari bay ahayd heesta naagaha’e

heeladiyo barjuhu waa wixii hoos inoo dhigaye

hareeraha raga inaga xigaa helay libtoodiiye

heeryada gumaysiga ma rido ka u habranayaaye

lama helo wadaadow waxan ciddi u hawshoone

nafta loo hantaaqa waxay higso leedahaye

haween iyo rag waa loo guntaday hawshi barigiiye

gobanimdan hoobaan dhacday ee lagu haraad beelay

haydh-haydh haday naga ahayd haw ku soo nidhiye

haaneednay maandeeq Ilaah nama hungaysiine

amikaarka hawsha u sita ee huriya duulaanka

dabaabadaha lagu hawdiyo maynka lagu haagmay

hubka iswada haydrogiinta iyo saanadaha haadha

hustankiyo afdheerha socdiyo haafafkiyo jiibka

raga taarka soo halabsady ee hadiyad noo siiyay

nin walba wuxuu noo huray buu hooya leeyahaye

habeen dhow wacane inaynu noqon waana la hubaaye

wax banabaa hadda reer la miray hoystay xoolaha’e

 

wax badanbaa hayaaya iyo wareer laysla hoosgalaye

labba hooyo wada foolatay oo hudantay waa ceebe

halka nabada lama dhaawacee hadimadii daaye

nin walbow wixii kugu habboon hoos u dhugo caawa

Markii malag Jibriil uu waxyiga Maxamad siinaayay

nimankii maroodiga koree magane kooraystay

Makka kuwii inay ku duulaan uunka maqashiiyay

meeshiyo Abraha waxay ahayd dawlad maatiyahe

maskaxdii gabowdiyo waqtigu waaba kala maane

haddii dhiig nin uun laga mutaa rag u macaanaado

malabsiga ayaamaad hadduu mahad ku noolaado

magool suna mar waa cunni jiriyo midho dhunkaaleede

wuxuu Xayle meehaday iyo malihii beenowye

meeshiyo Berbera wuxuu lahaa maalin baad qabane

Geel-jiraha maarraha sitaa madhiyay geeshkiiye

ma moodayn Amxaarada inuu mawdku soo wado’e

nagamuu macaashine markay miririgtii yeedhay

milatariga dhaarsani markuu moote ku asqeeyay

madaafiicda waaweyn markii midigta loo dhiibay

Mingistiyo colkiisii la waa meel uu joogaba’e

muruguu dibnaha ruugayoo uu madowyahaye

maantaan gadhkii midhiqsanaa mid uga taagnayne

minka baxaya faalkaan arkiyo feleggii kaa meerye

Yuhuu magansataa iyo Qarbigu kuu mashxaradyaaba

isku muuqan maynnee markay miiranto aan eegno

Gabaygan Timacdde waxa uu tiriyay mar 1961 kii uu socdaal ku tagay magaallo madaxdii Xamar.taliskii Haystay Xamar ayuu ka war doonay. Waxa argagixso ku noqotay markii uu arakay in Qabiil iyo kala qaybin lagu xukumayo dadka ee aan dawladnimoba jirin ayuu ticxdan tiryay abwaanku.

Wuxuu yidhi Timacadde ilaahay ha u naxariisto’e:

dawarsadaha qaawani kuwuu daasadda u madhiyay

ee daaskeenii wixii yaalay lagu doortay

dikhsi lama xisaabsanid haddaad dow ku kulantaane

dmabarkeedi Maandeeq nimaan doonin ba dhamaye

shicibkii dagaalka u galaa daadsan suuqyada’e

dadkan wada dallacay dawladahan dahabka shiilaaya

da’deenay ahaayeen kuwaa loo dabaaldagaye

doqoniimo Somali waa loogu dawgalaye

gortaan horoo loo durkiyo darajo eegaayay

hadduun baa sidii buul-duqeed daaha loo rogaye

daayeerna laas waa qotaa doox hadduu tago’e

daa’imo carruureedna ways daba gurguurtaane

hadduun bay u dooyasantahay shayadii dilaye

imikaa la doondoonayaa dir iyo daaroode

dibse way u aar gudan hadday diido reer hebele

mar haddaan Talyaanigan dhex degay cidi ka duunbaynin

iga daaya gabaygaygu waa iiga darayaaye!!!!!!

Abwaanku wxuu halakan ku muujinayaa dhibaatooyinkii dalalka hore u maray ay ka soo gudbeen, iyaga oo isakaashanaya oo wada jir wax ku wada qabsanayaa. Waxa kale ee uu dadka xusuusinayaa in dawladaha hore u maray iyaguba soo mareen balanbal iyo jab iyo hoog.

indhawaydba qarankiisa gabay qaad isma lahayne

wax waliba qisuu leeyahayiyo qir iyo maamuuse

qawaanniinta maansaduna waa qalad la’aan sheege

halkaan xarafku kuu qabanba waa laga qandoodshaaye

maansada qaraamiga

wuxuu qalinku meeraba markii laysu wada qaatay

qabbaa rag isu geeyaye markay qaraxday baaruudu

tangiga qafilan maalintuu qaatay minawaarka

qaladdii Jabbaan lagu dhuftuu qoob la rogi waayay

qumblooyinkii oo kalaan maanta qubayaaye(1)

Qalinkii – Boobe Yuusuf Ducaale

(1)buugiisa maansadii timacadde

 

Qaranka iyo Xorriyadii la Helay waa la quudhsadaye

Wax ku qooqay niman aan ogayn qaabka loo helaye

Qudhooda iyo Maalkaba raggii qiiradaw bixiyey

Waa kaa gidaarada ku quban qalin jabkoodiiye  Waxaa tiriyey Xaaji Aadan Afqalloc

Jamhuuriyadda Soomaaliya
جمهورية الصومال

Astaanta Calanka

 

T

gumaystayaashii Ingriiska, Faransiiska, iyo Talyaaniga marka ay soo cago dhigeen gayiga Soomaaliyeed. Ingriiska oo maamulayey Cadan (Yamen), wuxuu go’aansaday in uu lug ku yeesho dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed (Berbera). Ingriisku wuxuu ku fakerayey in si uu u ilaashado maraakiibtiisa ka imanaysa India, ee maraysa badda cas ay lagama maarmaan tahay in uu hanto Berbera. Fransiisku wuxuu isna ku fekaray in halka ugu dhaw ee uu Ingriiska ka carqaladaynkaro uu tahay isaga oo Djibouti deegaan ku yeesha. Ingriiska markaas wuxuu ka waday Bariga Africa dhisitaan khad tareen oo isku xidha wadamada Bariga Africa. Talyaaniguna wuxuu markaas lawareegay gacan kuhanynta Koonfurta Soomaaliya oo aan markaas ahayn dhul leh ahmiyad lamid ah kan dhinaca waqooyi ee Soomaaliya. Maadaama Ingriisku aanu aad u danaynayn Koonfurta Soomaaliya. Talyaaniga waxay u noqotay tani fursad uu ku doodo in uu kamid yahay wadamada reer Europe ee wax gumaysta. 1900. boqorkii Ethiopia Menelik wuxuu qabsaday dhulka Soomaali-galbeed, ama Ogaden.

.1941-1949kii Ingriisku wuxuu maamulayey gabi ahaanba Soomaaliya, maadaama ay xulafadiisii ku guulaysatay dagaalkii labaad (WWII). 1948kii xulafaddii dagaalkii labaad (WWII) ku guulaysatay waxay ugu deeqeen Itoobiya in ay hanato dhulka Soomaaligalbeed (Ogaden). 1949kii Qaramada Midoobay waxay 10ka sano ee soosocota Soomaaliya hoos gaysay Xukuumadda Talyaaniga.SYL tan aad ayay uga soo horjeesatay xiligaas, waxayna muujisay sida dadka Soomaaliyeed diyaarka ugu yihiin in ay xoriyad helaan. 26 jun, 1960 Soomaalida Waqooyigu waxay ka xoroobeen Ingriiska. Isla sanadkaas 1st July, 1960kii Soomaalida Koonfurtu waxay ka heleen madaxbanaani Talyaaniga, Isla markaasna dalka waxaa ku midoobay jamhuuriyad Soomaaliya Waa maalintii aan ku heesnay ”Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.”

Somali Independence Week

 

Somali Prime Minister Abdurashid Ali Shermarke (R), and Somali President Aden Abdullah Osman Daar (L), shake hands 26 June 1960 in Mogadishu Somalia. On 1st July, 1960 theRepublic of Somalia was proclaimed. Abdirashid Ali Shermarke was the Prime Minister (from 12 Jul 1960 to 14 Jun 1964), when Aden Abdullah Osman Daar was President (from 1 Jul 1960 to 10 Jun 1967Xigasho . http://thepeopleoffreedom.wordpress.com

 

Qaali Jiif (Chief Qaali) SHEIK ABUKAR  SHEIKH CABDULLAHI, Allaha ha u naxriitee oo dharinaayo madaxweynihii ugu horeyey uu dalka yeesho , Allaha ha u naxriistee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan . waxaa xusid mudan SHEIKH ABUKAR SHEIKH CABDULLAHI( Qaadi JIIF) Allaha ha u naxriistee oo markii koowaad uu hawada ka dul babado calanka Soomaaliyeed ka taagan Xarunta Dawladda (Ufficio Governo) 12kii Oktobar 1954 markaas wuxuu hayay xilka ah (Chief Qaadi).   1954-1958

Xigasho http://xigasho tix raaci hore

 

 

waxaana noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee soomaaliya Allah haw naxariistee  mudane Aadan Cabdullaahi Cismaan Daar

Aadan C/lle cismaan  oo ku ganacsan jiray Hiiraan dhalinyaranimadiisii, ka mid ahaa siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee gobalka HIIRAAN iyagu wax isku baray Karaaniyaalna u noqday Maamulkii Engiriiska , isaga iyo Marxuum C/llaahi Ciise Max’ud oo u soo halgamay SYL noqdayna xoghayihii 2aad ee Ururkaas. jaamaal Acabdinaasir-Aadan Cade

jaamaal Acabdinaasir-Aadan Cade

 

Aadan Cadde Abdirisaaq xaaji iyo Nakruuma

sawiraddanxigasho www.xildhibanpublications.com/Wararka/aadancadde.htm

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde”wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne ee dalka Soomaaliya sanadkii 1908dii. Wuxuu waxbarashadiisii dugsiyada Quraanka & Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sareba ku qaatay magaalada Muqdisho.

Wuxuu wax ka bartay maamulka dowladnimo, wuxuuna sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor xisbigii Leegada ee SYL bishii Febraayo sanadkii 1944tii

Sanadkii 1946dii wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee Xisbigaasi, waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbigaasi ee degmada Baladweyne.

Wuxuu sanadkii 1951dii noqday maamulihii gobolka Mudug, halkaas oo uu wakiil buuxdana uga ahaa xisbigii Leegada illaa laga soo gaaro sanadkii 1953dii.

Sanadkii 1953dii waxaa loo doortay in uu noqdo ku xigeenka maamulkii maxmiyadda ee loo yaqaanay Territorial Council, sidoo kale 1954tii waxaa loo doortay  Guddoomiyihii Xisbiga Leegada xilkaasina uu hayay illaa laga soo gaaro bishii Febraayo 1956dii. Bishii Maajo Sanadkii 1958dii waxaa loo doortay mar kale xilka ugu sarreeya ee Xisbigii Leegada iyo guddoomiyihii golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly, xilkaasina uu hayay illaa 1dii bishii July sanadkii 1960kii.

Sanadkii 1956dii waxaa Golihii lagu magacaabi jirey Territorial Council waxaa lagu badalay Legislative Assembly, waxaana loo doortay in uu noqdo xubin ka tirsan golahaasi, waxaana laga soo doortay magaalada Baledweyn ee dalka Soomaaliya doorashooyinkii dhacay, doorashadaasi ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyihii Somali Legislative Assembly.

Sanadkii 1959kii doorashooyin guud oo dalka ka dhacay waxaa loo mar kale xubin, iyo in uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sharci dejinta Koofurta dalka Soomaaliya, wuxuuna xilka hayay illaa Golihii sharci dejinta uu noqdo Constituent Assembly.

Tanina waxay u saamaxday  in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee soo mara dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib markii ay midoobeen labadii gobol Waqooyi & Koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 1dii bishii Luulyo sanadkii 1960kii.

Golihii Baarlamaanka ee ugu horreeyay ee ay Soomaaliya yeelato wuxuu u  doortay in uu noqdo muddo hal sano ah madaxweyne KMG ah, sanad ka dibna waxaa in uu noqdo madaxweyne muddo lix sanadood ah, wuxuu dalka madaxweyne ka ahaa muddo 7 sanandood ah.

Madaxweyne aadan cabdulle Cusmaan “Aadan cadde” wuxuu ku hadlaa afafka Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga. Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 1967dii waxaa looga adkaaday doorashooyinkaas, wuxuuna xilkii madaxweynanimo ku wareejiyay madaxweynihii la doortay Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaarke

Sida uu qorayo sharciga jamhuuriyadda Soomaaliya, madaxweyne kasta oo ay yeelato Soomaaliya , wuxuu inta ka dhiman nolashiisa ahaanayaa xubin ka tirsan baarlamaanka, intuu noolaa dagaaladii sokeeye wuxuu ahaa Somali Statesman isku dayaya in uu wax ka qabto nabadgalyada dalkiisa, ka dib dagaalladii dhacay, waana madaxweynahii ugu cimriga dheer madaxweynayaashii soo marey adduunka.

MESSAGE FROM MR. LYNDON B. JOHNSON PRESIDENT OF THE U.S.A.

ADDRESSED TO SOMALI PRESIDENT ADEN ABDULLE OSMAN.

ABOUT THE WAR OF SOMALIA AND ETHIOPIA IN 1964.

Document No. 285 Washington, February 21, 1964, 5:53 p.m.

Please deliver following message from President Johnson to President Aden:

Dear Mr. President:

I have followed with deep concern events in the Horn of Africa during the past two weeks.

I have been very disturbed to learn that these events may have created misunderstandings in the Somali Republic regarding the position of the United States.

We have, as you know, a long history of friendship with Somalia. We value that friendship. We continue our interest in the independence, development, and democratic institutions of you country. Suggestions to the contrary come only from those who seek to disrupt our relationship. The fact of our friendship with Ethiopia in no way lessens our desire for continuing friendship and understanding with you and the Somali Republic.

We have expressed strongly to you government our hope for an early end of the hostilities in the Horn. We have made equally strong expressions to the Government of Ethiopia. We are gratified that, through the efforts of other African Governments, an approach to peace has been made. We hope that the Lagos meeting of the AOU Foreign Ministers will result in the establishment of a still firmer basis for understanding.

I am fully conscious of the serious problems which disturb the peace of the area. We are sympathetic and we will give our full support to sincere efforts to find peaceful and mutually satisfactory solutions to these problems in order to make possible concentration on development of the area in ways that truly benefit the people of the region.

Please accept my personal good wishes during these difficult times and my strong hope that we may increase that understanding which is the key to friendly relations between nations. I should be pleased to have your further thoughts on these matters and on the means through which you interested friends might assist in furthering the peace and welfare of this region.

Lyndon B. Johnson.

Ball

SPEECH (EXCERPTS) OF THE PRESIDENT ADEN ABDULLE OSMAN GIVEN AT A STATE DINNER IN HONOUR OF MR.JOMO KENYATTA OF KANU PARTY.

MOGADISHU, 28 JULY 1962.

“…The principle of self-determination, when used properly to unify and enlarge an existing state with a view towards is absorption in a federal system of government is neither balkanization nor fragmentation. It is a major contribution to unity and stability, and totally consistent with the concept of Pan-Africanism”.

“A desire for unity must be matched by a willingness to sacrifice a measure of sovereignty, and to remold the machinery of government to absorb new political and administrative methods. I say that, not to alarm or discourage, but because I think it is time that our continent of Africa took a more practical and realistic view of the problems that have been created by the after effects of colonialism and their relations to a closer political association of African States”.

“There are some lessons to be learned from the short but nonetheless profitable experiences of this Republic; because we can claim with justice that we have made a unique, practical contribution to African unity by merging two independent African states into one-even against the established prejudices of interested powers. I do not have to enumerate the colonial-made problems that we have encountered in the field of fiscal, judicial, linguistic and administrative integration because they still preoccupy us and are too well known. But I would like to underline three lessons”.

“First–as a prerequisite to either a federal system or a total union of states, it is necessary to accept, as we have done in Article Six of our constitution, limitations of sovereignty on conditions of parity with other states.

“Second—we have learned that the outmoded concept of territorial integrity must vanish from our habitual thinking because its roots are embedded in colonialism, and it is incompatible with Pan-Africanism”.

“Third—we have learned of a cardinal principle underlying the effectiveness or otherwise of a political union between two independent states. It is this: the ordinary person must be able to identify himself and his interests with the new order, on economic, ethnic and cultural grounds”.

“It is this last lesson that is perhaps the hardest to learn but, if we Africans are proud to take our place as a democratic people in the comity of nations, we must do more than pay lip-service to the feelings of the ordinary man and woman in our society. We claim, many of us, to be African leaders and socialists. This implies that, through our wisdom and understanding, men will follow us, and, by the equity of our laws, our people will have equal rights and opportunities”.

“Regrettably, it is becoming commonplace in Africa today to accept the development of a privileged class of rulers, with the instincts of colonialists, as a substitute from government by the people. This is one of the after effects of colonial rule. But it is my duty to give this warning to my colleagues in Africa: it will be the unwillingness of African rulers to curb their powers and to lift their artificial colonial boundaries, that will frustrate the hopes and desires of the ordinary people of Africa to be led out of isolation and ignorance into the greater union of African States”.

“I am sorry to have had to end on a not of caution, but there is too much at stake, in the prevention of the kind of tragedies that beset our brothers in the Congo, for me to refrain from bringing unpalatable facts to your notice. Of course, I hope these forebodings will not materialize, but they exist for those who have the eyes to see and the care to understand”.

President: Aden Abdulle Osman

Magacyaddi dhalinyaraddi ka biyo-diiday arinti  ee ka dhalatay israaci 1960 ee qorshaysay afgambigga 1961

01) Maxamed Siciid Caabi = Waa ka qudha ee ku geeriyooday hawl galka

02) Xasan Maxamed Walanwal (xasan kaid) waa ka qudha ee ku dhaawacmay

03) Cabdillahi Maxamed Adan (Cabdillahi koongo)

04) Maxamed Cabdiraxmaan (Loogoyo)

05) Maxamed Maxamud Siciid (Bidixo)

06) Siciid Cali Geere

07) Yussuf Axmed Kibaar

08) Dayr Maxamed Xussein

09) Cali Haroon

10) Maxamed Ragge

11) Xussein Maxamed Bulaale

12) Siciid Oggle

13) Cabdi Yussuf

4) Maxamed Warsame

15) Xussein Cali Ducaale (Cawil)

Waxa raggaas maanta ka nool:

* Cabdillahi Maxamed (Cabdillahi Koongo)

* Siciid Cali Geere

* Yussuf Axmed Kibaar

* Xusein Cali Ducaale (Cawil) oo hadda ah wasiirka maaliyadda maamulka hada jira ee

Mukhtar Ahmed Ali maqaal uu ku qorey xigasho Somaliland patriots web

RADIO MESSAGE BY PRESIDENT ADEN ABDULLE OSMAN CONCERNING “THE FAILED COUP D’ETAT OF 10 DECEMBER 1961 IN HARGEISA”(DOC. IN ITALIAN)

MOGADISHU, 17 DECEMBER 1961.

Discorso Del Presidente della Republica On. Aden Abdulle Osman al popolo Somalo, al tentative di rivolta e di scissione della Republica da giovani ufficiali ad Hargeisa.

Fratelli Cittadini,

Pemettetemi di rivolgervi la parola a rigaurdo del fatto assai spiacevole, a tutti voi noto che ha avuto luogo nel nostro paese e non imputabile ad aventi soprannaturali, come le inusuali piene dei fuimi o delle ugualmente inusuali continue piogge, ma perche voluto da giovani uomini, carne della nostra carne.

Mi riferisco al tentative di rivolta e di scissione della Republica operato da alcuni ufficiali subalterni. Considerando la cosa a sangue freddo, ogni persona, cui sia minimamente a coure la nostra nazionalita, trova senz’altro che il fatto e di una gravita estrema e senza attenuanti: e facile capire che se il tentative avesse avuto successo, l’aspirazione dei Somali ancora da noi divisi non per loro scelta, sarebbero stata iirimmediabilmente compromessa davanti alla opinione publica mondiale perche sarebbero stata una falsa prova che I Somali non sono sinceri quando dicono che vogliano unirsi, non solo, ma che non sanno neppure come governarsi quelli che sono independenti.

Per volere di Dio e per la fedelta encomiabile dei sottoufficiali e della truppa sui quail gli stessi giovani ufficiali avrebbero avuto contare, pero, la rivolta non ha avuto successo. Sia ringraziato Iddio che non ha permesso avesse corso tale vergogna.

E chiaro comunque, che la cosa non sarebbe finita come speravano coloro dhe l’hanno voluta, perche gli stessi cittadini che si voleva staccare dalla Republica non l’avrebbero sanzionata, ma se non fosse stato per il buon senso e la grande fedelta dei sottoufficiali e della truppa, spargimento di sangue in piu larga misura avrebbero avuto luogo, e non sarebbero morti solo due uomini come e avvenuto.

Mi duole il coure, fra l’altro, sia per il stroncamento della giovane vita dei duei morti, sia che un cosi buon numero di giovani del nostro Paese abbia rovinato il proprio brillante futuro dei sevitori onorati della Patria.

E altrettanto chiaro che detti giovani siano stati fuorviati non solo dall’ambizione di rivestire gradi cui avrebbero potuto accedere col tempo, ma anche dalla propaganda sovvertrice di certi Partiti che, credondo la democrazia indice di chaos e di arbitrio, da un pezzo non fanno che sobillare il popolo contro l’ordine constituzionale, dando ad intendere di fare critica senza peraltro indicare come agirebbero se fossero al posto degli uomini che ora rivestono cariche di responsabilita.

A proposito di cio, Fratelli Cittadini, desidero rammentarvi che sin dalla nostra accessione all’indipendenza ed in piu occassioni, non ho mancato di dirvi che il Paese intende vivere democraticalmente e che ne sono le base di garanzia la Costituzione e gli organismi creati: Parlamento, Magistratura ed Esecutivo, e cioe Governo, ognuno dei quail e indipendente per I propri compiti costituzionali.

Vi avevo detto che l’indipendenza non la possiamo perdere e che e tramontata il dominio straniero nelle parti di terre somale createsi in Republica, ma che puo, molto facilmente perdersi il sistema demcratico e finire il Paese nelle mani di cittadini che possono credere sia un bene governarci dittatioralmente come e avvenuto in moltiparti in Africa ed in Asia fra I Paesi che hanno ottenuto di recente indipendenza.

Ora che ho l’occassione di rivolgervi ancora la parola io non faccio che ripertervi le stesse cose, aggiungendo che per voi, amati fratelli, non deve avere importanza, ripeto non deve avere importanza per voi, che un tizio o dei tizi della Vostra famiglia sia Ministro, Deputato o alto Funzionario perche, anche se non sono tali quelli che vi servono, essi sono comunque Somali e quindi vostri fratelli.

Non dovete avere prevenzione contro alcun Somalo che sia in posti di responsabilita e dovete avere invece fiducia nil sistema constituzionale, proteggendolo e dennciare con prove alla mano chi fa male.

Bisogna smettere con la propaganda distruttiva, ma fare semmai una critica construttiva addi tando come corregere gli eventuali errori.

A moltissimi di noi piace criticare sovente astiosamente con animo malevolo persone ed organismi, pilastri del nostro essere di Stato indipendente,senza accorgersi di tendere a far sfigurare tutta la Nazione e dando cosi la dimostrazione a chi (stranieri, siano essi Stati o individuali) piace trovare in noi dei difetti.

Desidero dire a questi disfattisti che male o bene l’azione dei Parlamentari dei Governanti per non parlare della Polizia o dei funzionari riflette I nostri caratteri e che quindi non criticando singole persone, ma infangando tutto e tutti, essi infangono il Somalo come razza. Dico a costoro di smettere con le male parole nei bar e nei microfini dei Partiti. Ognuno tenga presente che il cabilismo lo alimenta se non lo crea chi lo usa difendendoloo accusando qualcuno.

Democrazia non e chaos o arbitrio e pertanto chi e uscito di senno, credendo il conrario, deve rinsavire tenere presente per l’avvenire che chi uscira dai limiti legali sentire il peso della Legge, essendo cio assai neccessario per una nostra ordinata e progressiva esistenza di uno Stato indipendente.

Con queste parole e con I miei ssluti fratelli ed auguri di ogni bene, grido: SOMALI HANNOLATO.

Radio Mogadishu ore11:00 del 17 Decembre 1961 . Presidente Adan Abdulle Osman

LETTER BY PRIME MISTER ABDIRASHID ALI SHERMARDE TO THE PRESIDENT ADEN ABDULLE OSMAN PRESENTING THE RESIGNATION OF HIS CABINET (DOC. IN ITALIAN). MOGADISHU, 16 AUGUST 1961.

Lettera del primo Ministro Abdirashid Ali Shermarke al President della Republica Aden Abdulle Osman cui presenta le dimmissioni del suo Governo 16 Agosto 1961

Eccelenza,

L’Assemblea Nazionale, che aveva, nella sua riunione del 14 corrente, deliverato di procedere alla discussione del progetto di legge di iniaziativa parlamentare diretto a limitare il numero dei Ministri, dando la precendenza a tale discussione su quella relativa al programma del Governo e alla questione di fiducia, ha nella riunione di Ieri, 15 corrente, approvato il progetto di legge in parola con voti 63 contro 6.

Cio premesso, e poiche la approvazione di detto progetto di legge constuisca sensibilmente coi criteri che ho sostenuto di dovere seguire in occassione della recente formazione del mio secondo Governo, dopo aver avuto conforme parere del Consiglio dei Ministri in data odierna ho l’onore di rassegnare le mie dimmensione e quello del mio intero Gabinetto.

Colgo l’occassione, Eccelenza per esprimere I sensi della mia piu viva riconoscenza per la fiduciasempre dimostratami, mentre La prego di voler gradire le espressioni, altresi, della piu alta consideratione.

IL Primo Ministro On. Abdirashid Ali Shermarke (signed)

LETTER BY PRESIDENT ADEN ABDULLE OSMAN ADDRESSED TO THE PRIME MINISTER ABDIRASHID ALI SHERMARKE “REJECTING THE GOVERNMENT RESIGNATION”(DOC. IN ITALIAN). MOGADISHU, 16 AUGUST 1961.

Lettera del President della Republica Aden Abdulle Osman al Primo Ministro Abdirashid Ali Shermarke cui respinge le dimmeisioni del Governo 16 Agosto 1961

Caro Abdirashid,

Ho ricevuto la lettera in data odierna con la quale mi hai rassegnato le dimmisioni del Gabinetto da te prsiduita a seguito del progetto di legge di ininaziativa parlamentare ieri appovato dalla Assemblea e limitante il numero dei Ministeri.

Pur Apprezzando il gesto tuo e dei tuoi Colleghi di Gabinetto e mia convinzione che il momento e la urgenti necessita contigenti a te note non ci consenano il lusso di allargare la crisi con l’apertura di nuove consultazioni, a parte del fatto che ti ritengo sempre l’uomo piu indicato a presiedere il Governo del Paese.

Permettimi, quindi di chederti, come ti chiedo con la presenta, di accettare l’incarico di continuare a presiedere il Governo applicando la legge teste approvata dall’Assemblea e consequentamente limitandoli ad eliminare I Ministri e le cariche che con essa legge fossero incompatibili.

Ti prego di darmi u a risposta con cortese urgenza.

Con la massima considerazione

President della Republica

Ecc. Aden Abdulle Osman (signed)

xigasho. http://adensom.wordpress.com/2007/06/19/president-of-the-republic-of-somalia/

ra’iisul wasaarihiisana  waxaa noqday Cabdirashiid Cali Sharma’arke.1961 soomaaliya waxaa laga hirgaliyay dastuurkii ugu horeeyay ee dalka, waxeyna sameyntiisa soo bilaabatay 1960ki.1964]]kii Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa dhexmaray dagaal gaaban. Marka laga soo tago dhanka Soomaali Galbeed, waxa kale oo dawladii Soomaaliyeed ay hub iyo saanad siinaysayDagaal yahanaddii NFD. Waxaa xilligaas (1964) heshiis is-xulufaysi dhexmaray madaxweyne Jomo Kenyatta iyo Haile Selassie, heshiiskaas oo lagu magacaabo “1964 Mutual Defense Treaty”, oo loola jeeday Soomaaliya..(1) Xiligan Soomaaliya waxay u leexatay in ay kaalmo milatari ah waydiisato Soviet Union

Dawladii Soomaaliya waxay xilligaas hub ka heshay Midowgii Soviet (Ruushka), oo hubeeyay ilaa 20,000 oo ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya. Maraykankuna wuxuu isla xiligan kaalmo dhaqaale iyo mid milateriba siiyey Xukuumadii Xabashida

. Ethiopia markii ay maqashay arrintaas,Ruushka  in soomaaliya waxoogaa hub ah siiyey si ay uga hor tagto in Soomaaliya dhisato ciidan xoog leh, waxay bishii November 1963 diyaar garow galisay ciidankeedii. Guutadii saddexaad ee ciidamada Ethiopia ayaa la soo dhoobay xad-beenaadka aag dhererkiisu yahay 1,600km, waxayna bartamihii bishii Janaayo 1964 weerar cir iyo dhul ah kusoo ekeeyeen goobo Soomaaliyeed iyo magaalooyin ku dhow xad-beenaadka. Dawladii Soomaaliyeed ciidankeedii ayay ku dhaqaajisay halkaas, waxayna wadanka kusoo rogtay xaalad degdeg ah. Saddexdii bilood ee ugu horeeyey 1964 waxaa dagaallo xoog weyn ka dhaceen goobo ku yaal xad-beenaadka, gaar ahaan Tog-Wajaale oo xigta dhanka waqooyiga oo 65 km u jirta Jigjiga, iyo Feerfeer iyo Doolow oo xiga dhanka koonfureed. Waxa diyaaradaha Ethiopia duqeeyaan Hargaysa.

(1) http://so.wikipedia.org/wiki/Soomaaliya

Bishii March 1964 waxay ahayd xilli doorashada madaxtinimada ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxay Soomaalidu markaas halku dheg ka dhigeen “Gacanna waa ku dagaalamaynaa, gacanna codka ayaan ku bixinaynaa( Somalis reminds his famous speech during the war against Ethiopia 1964, Dr Sharmarke said: We join the elections and We are voting with our right hand, and with our left hand we took the rifle to defend the country from Ethiopians, our enemy, my dream is to liberate Somali who living under colonial power Ogaden, NFD, and Djabu”xigasho. http://allafrica.com/photoessay/user/abmhqz/201005040)

Taas oo jirtay ayaa March 6, 1964 heshiis xabbad joojin ah waxa uu dhexmaray Ethiopia iyo dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Cabdirashiid Cali sharmaarke wuxuu safar diblomaasiyadeed ku aaday  intiuu Rasulwasaaraha ahaa Maraykanka wuxuu la kulmay Madaxweynihii maraykanka ee markaas, John.f.kenedy isagoo loo soodhaweeyey si heer sara  ah

 

Wuuxuu ku qaabiley madaweynihii maraykanku  aqalka cad ee loo yaqaano (white house)intuu uu joogey Allah how naxariistee Abdirashiid halkaas wuuxuu booqday goobo taariikhiya oo ay ka mid tahay xarunta muslimiinta maraykanka wuxuuna galay maasaajid ku yaalla isagoo kitaab quraana kor uqaaday dhowr aayadoodna ka akhriyey waxaa martiqaad usameeyey oo kale intii uu abdirashiid iyo waftigiiu hogaaminayey ee lasocday oo ka mid ahaa wasiirkii arimaha dibadda C/llaahii Ciise safiirka soomaaliya u fadhiyey washintoon Dr cumar Macalin eek kadib waxay raaceen madaxweynihi maraykanka iyo Cabdirashiid markab kuwa lagu tameshleeya ah  iyagoo u kicitimay  new Yorkoo u jirta washinton 250 mayl, iyo jasiirado kale oo 1600km ujira oo la geeyo madaxda si fiican loo ixtiraamayo taas oo ku beegnayd 27.Nov.1962dii,

Rasulwasaarihii 2aad ee dawladii Adan Cadde

C/risaaq Xaaji xuseen

 

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu Soomaaliya Ra’iisul Wasaare ka ahaa lixdameeyadii

Cabdirsaaq Xaaji Xuseen, oo Raiisal Wasaare ka noqday Soomaaliya lixdamaadkii, waxa uu ka waramayaa taariikhda siyaasadeed iyo midda maamul ee Soomaaliya.

Cabdirisaaq, waxay dad aqoonyahanno ahi ku tilmaameen in uu ku dhaqmi jiray maamul hufan, oo la dirira xatooyada hantida Umadda.

Barnamijkan Falanqeynta, wuxuu uga hadlayaa, laga soo billaabo 1969, markii ay militerigu la wareegeen awoodda Soomaaliya ilaa iyo maanta marxaladihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Wuxuu si gaar ah u eegayaa wadahadal dhex maray Wasiirka Difaaca ee 1969, Hilowle Macallin iyo Salaad Gabaryre oo uu ku tilmaamay in uu sarkaalka u xil saaran in uu sameeyo afgembiga.

Waxaa uu ka warramaya xabsigiisii ay ku wada jireen Madaxweyne Adan Cabdulle Cusmaan.

Xabsiga markii laga soo daayay cabdirisaaq, waxaa uu noqday Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Siduu ku aqblay? Maxaase uu ka qabtay xafiiskaas intii uu joogay?

Hadda rajadiisa Soomaaliya maxay tahay?

Maxamed Xaaji Xuseen

BBC Somali Minneapolis

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Wuxuu noqday Raiisal Wasaare, markii uu xilka hayay Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya, Adan cabdulle Cusmaan.

Waxaa uu si xoog leh uga qeyb qaatay dhaqdhaqaaqii Gobannima doonka loo galay Soomaaliya.

Waxaa uu si xoog leh uga qeyb qaatay dhaqdhaqaaqii Gobannima doonka loo galay Soomaaliya.

Maqaal kale oo “youtubeka”  internetka uu ku faahfaahiyey wuxuu u caddeeyey dadweynaha Ra´isal wasaarihii hore C/Risaaq Xaaji Xuseen, Umada Soomaaliyeed Waxaan kula dardaarmayaa in ay iska xoreeyaan Cadowga Ethiopia ee wadanka heysta.

Madaweynihii 2aad soomaaliya

1967-1969). waxaa madaxweyne noqday Cabdirashiid Cali Sharma’arke

عبد الرشيد علي شارماركي

 

Madaxwaynihii 2aad ee Soomaliy

Xafiiska intuu joogay

10 Luuliyo, 1967 ilaa 15 Oktoobar, 1969

Xil kalawareeg:  Aadan Cabdulle Cusmaan.

Xil ku wareejin: Maxamed Sheekh Mukhtaar.

Dhashay:             1919

Ku dhashay:       laascaanood, Soomaaliya

Dhintay:               15 1969

Kudhintay:          laascaanood , Soomaaliya

Diintiisa:               Islaam

Dhalasho:            Soomaali

Ururka: Somali Youth League(SYL)

ka dib markii la aasaasay sanadkii 1943dii, wuxuuna ku biirey maamulkii ingiriiska ee Soomaaliya British Administartion Civil Service.

Wuxuu dugsiga Quraanka iyo waxbarashadiisii dhameeyay sanadkii 1936dii, wuxuu bilaabay in uu noqdo ganacsade ka dibna shaqaale ka shaqeeya howlaha Civil servant maamulkii talyaaniga ee maxmiyadda, wuxuu noloshiisa ku qaatay wixii intaas ka dambeeyay magaalada Muqdisho.

Wuxuu waxbarashadiisii dugsiga sare dhameystay 1953dii, isagoo weli ka shaqeynaya Civil service, wuxuuna helay Course Schoolership ah dalka Talyaaniga gaar ahaan Jaamacadda University of Rome “La Sapienza”, halkaas oo uu ka qalin jibiyay sanadku markuu ahaa 1958dii, wuxuuna sanad ka dib ku soo laabtay dalka Soomaaliya, ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo xubin ka tirsan Golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly.

Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan bishii july1960, isla tii ku xigtay1, Agosto 1960kii, wuxuu noqday Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee ay yeelato dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wuxuu markiiba bilaabay in uu dadaal u galo sidii uu guulo uga soo hoyn lahaa dhinaca arrimaha dibedda, wuxuuna dalka Ra’iisul wsaare ka ahaa illaa 1964tii.

Ka dib doorashooyin dalka ka dhacay wuxuu mar kale noqday xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Sanadkii 1967dii doorashooyin la qabtay laguna dooranayay madaxweyne cidda ka noqoneysa dalka ayaa loo doortay in uu dalka Madaxweyne ka noqdo, ka dib markii doorashooyinkii dhacay uu kaga guuleystay madaxweynihii xilka kaga horreeyay ee Soomaaliya MD. Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan cadde”, wuxuuna xafiiska kala wareegay isla sanadkaas oo ku beegan 10kii Luuliyo 1967kii.

Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay uu toogasho ku dilay 15kii bishii Oktoobar 1969kii, isagoo booqanaya gobolada Waqooyiga Soomaaliya halkaas oo ay abaaro ka dhaceen.

Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay ciidamadii dalka talada xoog kula wareegeen iyadii weli lagu jiro baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay. Waxaana 21kii Oktoobar 1969kii dalka Madaxweyne ka noqday S/Gaas Max’ed Siyaad Barre oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cabdirashiid Cali Sharmaarke (carab:عبد الرشيد علي شارماركي) wuxuu dalka Soomaaliya madaxweyne ka ahaa taariikhdu markey ahayd 10 Luuliyo sanadkii 1967 waxaa la dillay 15kii Oktoobar 1969kii.(Allaha U naxariisto)

, ra’iisul wasaarihiisana  waxaa noqday Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

Cigaal iyo dhacdooyinkii dawladiisii

Markii ra’iisul wasaare loo doortay Maxamed Ibraahim Cigaal, July 1967, waxa isbadal weyn ku yimid siyaasadii arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Cigaal waxa uu heshiisyo la galay Kenya iyo Ethiopia, oo uu ka mid ahaa is-afgaradkii Caruusha.

Heshiiskii Caruusha ka sakow   ee NFD oo dhacay 1967 waxaa ku xiggay  arimo kale oo bilow ahaa oon sida kaa Caruusha u dhamaanin  sida buugaagtu qorto

FG: Sababaha ku kallifay Cigaal iyo Cabdirashiid in ay aqbalaan heshiisyadaas is-afgarad waxaan u dhaafaynaa dadkii xilligaas siyaasadda ku dhex jiray, balse halkan waxaan markale kusoo bandhigaynaa waxyaabaha ay buugaagta taariikhdu ka qoreen

Dhanka kale, ayadoo laga duulayo xidhiidhkii  ra’iisul wasaare Cigaale iyo boqor Xayle (Sept 1967), ayaa February 5, 1968 wafti Ethiopian ah oo uu hoggaaminayey wasiirkii Arrimaha Dibadda, Ato-Ketema Yifru uu Addis Ababa ka soo dhoofay iyaga oo soo gaadhay Muqdisho. Waftigaas iyo dawladii Soomaaliya waxay warsaxaafadeed ku qabteen Muqdisho February 8, 1968 ay ku muujinayaan in ay isku raaceen qodobo lagu hagaajinayo xidhiidhka labada dhinac.

Cigaal oo u Safray Addis Ababa: Ra’iisul wasaare Cigaal waxa uu booqasho ku joogay Ethiopia intii u dhaxaysan 1 ilaa 5 September 1968 isagoo casumaad ka helay boqor Xayle Salaasi, si uu rasmi ugula hadlo dawladda Ethiopia**. Cigaal oo kulankaas kaddib shir jaraa’id ku qabtay Addis Ababa ayaa yidhi”Arrin lagu qanco ayaa ka soo baxday wada hadalkii rasmiga ahaa ee labada dawladood, kaas oo furay waqti cusub oo u dhaxeeya labada dal.” Wuxuuna sheegay in si wanaagsan loo soo dhaweeyey oo walaaltinimo ku dheehnayd..

Cigaal oo u Safray Paris: September 20, 1968 Ra’iisul wasaare Maxamed Cigaal waxa uu tegey dalka Faransiiska si uu ula kulmo madaxweyne De Gaulle. Wakaaladda wararka ee AFP waxay xilligaas werisay in Cigaal u yimid magaalada Paris “si uu u gudbiyo soo-jeedin (proposal) ku saabsan Jabuuti” marka ay wada hadalka yeelanayaan madaxweynaha Faransiiska. Cigaal wuxuu yidhi “Dawladda Faransiiska ayay khusaysaa in ay go’aan ka gaadho dhulkaas. Laakiin Soomaaliya, oo dal ahaan qaddar saamayn ah ku leh, waxay doonaysaa in ay ka qayb qaadato xasiloonida iyo nabad ku noolaanta dadka.” Waxana uu intaas ku daray “Ujeedada ugu weyn ee aan u imid Paris waxay ahayd in aan soo celiyo xidhiidh wanaagsan oo aan la yeelano Faransiiska si la mid xidhiidhka deriskayaga Kenya iyo Ethiopia.” (Bulletin vol.V 1968, pp. 1196).

Xigasho somaalitalk.com

Dhaliilaha xukuumadihii rayidka ahaa  heshiisyadaas iyo jilaycba lagu sheeg  sharbadan se lagumaq sheegin tabaryari  iyo musuqmaasuq  aad ugu baahsanaana sidoo kale  ereyadan maansadii diblomaasi  ayaana ku tilmaamay qaybtii iyaga ka khusaysay oon tiriyey 2008 maansadiina waa sidan


isku duub xukuumado

wali maamul dacaada

dalkeenaba ma soomarin

taad duuda naaxdiyo

dibitaati aad tidhi

qabiil laysu doontiyo

aafo durugtey may jirin

carab dalab oo badan

warar laga danqada iyo

uurgumaar wax kaladila

dilalyadaasi may dhicin

diyaaradaheena qaarkood

ma duqeynin shacabkii

dabaabaadki qarankuna

degaankeena may gubin

iyaguna dariiq iyo

dakad ay dhisaan iyo

mashruuc uu dalkuba rabo

kuma duugin qalinoo

dibdhacaasi wuu jirey
musuqmaasuq daran iyo
daciifnimaba lagu sheeg
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)

15 Oct 21 Oct 1969

Xukunkii Millateriga

 

 

Sawirkan waxaa la qaaday 1950s Italy oo ay waxbarasho loogu soo qaaday military & Civilians.

 

 

Maxamed Siyaad Barre

21 Octobetr, 1969kii Maj. General Maxamed Siyaad Barre iyo ciidamada qalabka sida waxay lawareegeen talada dalka, waxayna inqilaabeen xukuumaddii Ra’iisal-wasaare Maxamed Ibrahim Cigaal .Waxay arrintu murugtay markii Okt. 1969kii lagu toogtay magaalada Laascaano.

kadib dilkii madaxweynihii Qaranka Cabdirashiid Cali Sharmaarke ,

Intii u dhexeysay 1960 iyo 1969kii waxaa dalka ka talinayey dawlad rayid ah oo qaab doorasho talada ku heli jirtay, hase yeeshee waxaa jiray xisbiyo aad iyo aad u tira badan oo ku dhisnaa hab qabiil. Arrintaas waxay dalka gaadhsiisay jaahwareer siyaasadeed iyo dabac sanaan hoggaaminta dalka.

Haddaba Okt.21, 1969 oogtii hore ayaa ciidammadii qalabka siday isku gadaameen xafiisyaddii doorka ahaa ee dawladdii ,waxayna xabsiga u taxaabeen badi madaxdii sare ee Taliskii dalka.

Labaatan sarkaal oo Xoogga Dalka Soomaaliyeed ah iyo 5 sarkaal oo booliska ah,ayaa S.G Max’d S Barre ku hagay afgambi aan dhiig ku dadaan (bloodless coup d’tat). Waxay golihii sare ee kacaanku oo markaas isku magacaabay SRC (Somali Revolutionary Council)waxay  laaleen distoorkii dalka, waxay xidheen golihii shacabka ( council of parliamentarians), waxay joojiyeen  xisbiyadii siyaasadda, maxkamaddii sarana way tireen .Dalkiina waxaa dib loogu magacaabay

Jumhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya (Somali Democratic Republic…SDR).

Dikreetadii ahayd axdiga 1aad ee kacaanka waxaa lagu qoray 13 qodob oo saldhig u hayd mabaadiida kacaanka

 

qodobadii kusaabsanaa siyaasada dibadda waxaa ugu muhiimsanaa in si dhab ah loo taaggeero oo hiil iyo hooba loo fidiyo dadyowga xaq-u-dirirka ah,masiibada dalalka afrka ee waagaas kujiray gumaysiga. Runtii xukunkii milatarigu  waa uu fuliyay balanqaadkaas waayo 1973kii shirkii ururka midowga afrika OAU kuyeeshay Rabaad-Marooko dhowr wadan oo afrikaan ah oo ay soomaaliya hormuud u ahayd ayaa loo xilsaaray xoraynta wadamada afrika ee portaqiiska gumaysan jiiyray .si loom eel mariyo qorshihii xoraynta wadamadii kujiray gacanta gumaystaha,waxaa soo maaliya lagayagleelay xeryo lagu tababaro dagaalyahanada gobanimadoonka afrika,waxaana loo-layli baray mucaskar loogu carbiyay sidii ay heeryada gumaysiga isaga dulqaadi lahaayeen. Saraakiil fifircoon ayaa laga xulay XDS waxayna safka dagaalka lagaleen dagaalyahanadii gobanimodoonka ahaa kuwaas oo si hufan ugu howl galay wadamada,Angola,Musambig, Namibiya, iyo kuwo kale,howshii jabhadaynta waxaa ay kasoo hooyeen guul iyo libin looga riyaaqay qaarada afrika. Radio Muqdisho ayaa laga joogteeyay barnaamijyo loogu talagalay guubaabinta, kicinta, wacyigalinta iyo dhiiro-galinta shucuubta xaq-u-dirirka ahayd ee reer Afrika HEESTA AFRIKAAY HURUDOOY ayaa kamid ahayd heesihii uu sida weyn radio muqdisho uu soo baahin jiray

Shirkii Rabaat sababta Soomaaliya loogu doortay xoreynta waddamadaas waxa ay ahayd, durbadiiba markii Kacaankii 21ka Oktoobar curtay ayaa waxaa la isku dubba-riday ciidan xoog leh, kana dheelitiran dhinacyada tirada, tayada, tababarka xeeladaha dagaalka, hubka iyo saanadda.

Kulliyadaha Istaraatiijiyada adduunka ee ku taqasusay qiimeynta ciidammada caalamka ku baahsan ayaa waxa ay ciidanka Soomaaliya ee xilligaas u aqoonsadeen inay safka hore uga jireen ciidammada ugu fiican Afrika, waxayna kaga jireen kaalinta afraad, waxaa ka horreeyay oo keliya ciidammada waddamada kala ah Koonfur Afrika, Masar iyo Nigeria. Millateriga

ciidankaxooga Millateriga

 

Soomaaliya waxayka mid ahayd ciidamadeedu kuwo aad u taya fiican, waxaana la dhihi jiray ciidanka XDS, ama SNA.Ciidamada militariga soomaaliya waxay u dhaxeeyeen 350.000 ilaa 400,000 oo askar oo diyaar ah, Ciidamada soomaaliya waxay  saldhig ku lahaayeen gobolo badan oo dalka ka mid ah.Waxayyna ka koobnaayeen ciidanka dhulka, ciidanka badda iyo ciidanka cirka. Booliska Soomaaliya  Gobol kasta ayuu  saldhig kulahaa, magaalo kasta na way ka shaqeen jireen. Ciidamada Militariga Soomaaliya waxaa soo taba baray wadamada galbeedka iyo  barigaba gaar ahaan kuwa talyaniga iyo Soviet union, laakiin ciidamada soomaaliya -ayaga ayaa isa  sii taba bari jiray. wadamo ka mid ah yurub iyo mareykanka na  hub ayey uugu kaalmayn ama saacidi jireen(1)

  • .
  • waxay qayb libaax leh ka qaadatay xoreynta waddamadii gumeysiga Bortuqiisku gumeysan jiray, gaar ahaanna jabhaddii MPLA ee Agostino Netto uu hoggaamiyaha ka ahaa, inay la wareegto xukunkii dalka Angola xilligaas. Waxaana 30kii November 1971 khudbad madaxweynihii Jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Soomaaliya Allah haw naxariistee Maxamed Siyaad Barre uu ku cabbiray in Afrika ay midowdo oo ay ka hoos baxdo heeryada gumeysiga, iyaduna ay aayaheeda garato, waxaana uu ku dhiirri geliyay ummadaha Afrikaanka in iskaashi ay uga bixi karaan dhibaatooyinka haysta,

 

21kii Jannaayo 1973dii waxay ahayd maalin weyn oo Soomaalida baal dahab ah ugu qoran, waa maalin aan weligeed xusuusteenna ka tirmi doonin, waa maalintii la hir geliyay qorista far Soomaaligawaqti barqadiiah tahay, badhtamihii damaashaadkii lagu maamuusayey 21-kii bishii oktoobar, dhawaaqa durbaankii ey ciidamadu ku gaardinayeen iyo sawaxankii ka yeedhayey dadweynihii tirada badnaa ee isugu yimid tareebuunkii Xamar, buuqaas dhexdiisii baa waxaa dhacdey in diyaarado  Hellikobtarro ay ciidamadu lahaayeen inay dadkii soo dulmaraan, dabadeedna ay soo daadiyaan waraaqo af-soomaali ku qoran oo midabyo kala duwan leh. Dadku markii ey arkeen waraaqaha soo qubanaya oo ay dabeyshu firdhineyso waa ay ku yaaceen iyaga oo xiiseynaya waxa ey yihiin. Markii ay waraaqihii soo gaadheen gacmihii dadweynaha, qof walba wuxuu isku deyey in uu akhriyo, waase ku adkaatey akhriskeedii. Dad yar oo horey ula socdey dhaqdhaqaaqan xuruufta lagu raadinayey ayaa wexey garteen in ey tani tahay fartii af-soomaaliga lagu qori lahaa oo uu go´aankeedii dhacay. Waxaana markiiba u muuqatey ninkii waxgaranayey in ey dowladdu qaadatey xuruufta laatiinka. Halkaas bey sar! ! aakiishii dalka u talinayey wexey ku soo gabagabeeyeen dhaqdhaqaaqii uu bilaabey Shiikh Yuusuf Al-kowneyn oo ey soomaalidu ku raadinayeen xuruufta, Yaasiin Cismaan iyo raggiisiina ey wax badan u hureen in la xaqiijiyo iyaga oo marna baadigoobkan dhinac wadey dhaqdhaqaaqii lagu baadigoobayey madax bannaanidii, markalena ka dhex dagaallamayey maamullo kala duwan hoostood. Isla maalintaas duhurnimadii, barnaamijkii ka bixi jirey Raadiyo Muqdishow, waxaa dadweynihii ey ka dhegeysteen khudbaddii uu jeneraal Maxamad Siyaad u jeediyey dadweynaha munaasabadaas iyda ah darteed.xukuumadda Milatterigu waxay ku dhawaaqday in afkii Soomaaliga laqoray kacaankaka hor waxaa wax lagu baran jiray, oo xafiisyada looga shaqeyn jiray luqadaha Carabiga, Talyaaniga iyo Ingiriiska. Bishii August, 1974 uguyaraan 20,000 macallin oo Soomaali ah ayaa ka qaybgalay ololihii horumarinta reermiyiga,

xigasho(1) http://so.wikipedia.org/wiki/Soomaaliya.(1) http://so.wikipedia.org/wiki/Soomaaliya

dhacdooyinkii kacaanka ee kale

taariikhda culimadii la dilay

2-Sawiro ka sheekaynaya dilkii Culimadii Soomaaliyeed ee runta ka sheegay sharcigii dhaxalka ee ay dawladdii milateriga ahayd ee uu madaxwaynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre ay ku soo rogtay dalkii Soomaaliya.

Dilkii Culimadan sawiradoodu kor ka muuqdaan iyadoo lagu fulinayo dilkii bahalnimada ahaa ayaa ay go’aamisay maxkamaddii milateriga ahayd ee u samaysnayd tirtiridda sharafta iyo milgaha umaddu lahayd ee ku aroorayay Diinta Islaamka ah ee ay 100% dadka Soomaalida ahi aaminsan yihiin. Maxkamaddaasi waxay dhacday maalin Sabti ah bisha Muxarramna ay ahayd 6 sanadkii 1395kii taariikhda Hijriyada, taasoo ku beegnayd 18kii bishii January sanadkii 1975kii. Culimadaas oo laga qabqabtay Masaajidada magaalada Muqdishu Salaaddii Jimcada ee maalinimadii ka horaysay maalintaa ay maxkamaddu dhacaysay.Xukunkaasina wuxuu u dhignaa sidani:-”Maxkamadda Badbaadada Qaranku waxay ku xukuntay lix ka mid ah culimada ka hor yimid xeerarkii ay xukuumadda kacaanka ahi soo saartay dil toogasho ah, waxa kale oo ay maxkamaddu ku xukuntay saddex ka mid culimada 30 sano oo xadhiga ah, laba kalana waxay ku xukuntay 20 sano oo xadhig ah”. Maalinimadii Axadda ee ay bisha Muxarram ahayd 7da sanadkii 1395kii , taasoo ku beegnayd 19kii January 1975kii waxay maxkamaddii milaterigu soo saartay go’aan kale oo u dhignaa sidan:-”Maxkamaddu waxay ku xukuntay 4 ka mid ah culimada dil toogasho ah,markii ay ka hor yimaadeen xeerarka cusub iyagoo isku qarinaya huga Diinta Islaamka, 3 kalana waxay ku xukuntay 30 sano oo xadhig ah, 15 kalana 20 sano oo xadhig ah”. Subaxii Khamiiseed ee ay bisha Muxarram ahayd 11ka sanadkii 1395kii, kuna beegnaa 23kii January 1975kii ayaa Idaacaddii Raadiyow Muqdishu laga sii daayay war argagax iyo cadho ku beeray shacabkii Soomaaliyeed, inkastoo aanay wax fal ah oo ay kaga hor tagayaan arrintaasi aanay waagaasi qaadin haddana qof kasta meel uu joogayba hoos u foorarsay.Warkii Radio Muqdishu sii daayay oo aad u koobnaana waxa uu u qorraa sidatan:-”Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa saaka subixii dil toogasho ah lagu fuliyay 10kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka , waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyay garoon u dhaw dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda, magacyadooduna waxay kala yihiin:- 1-Sheekh Axmed Sh. Maxamed 2-Sheekh Muuse Yuusuf 3-Sheekh Axmed Iimaan 4-Cali Xasan Warsame 5-Xasan Ciise Iley 6-Maxamed Siyaad Xirsi 7-Cali Jaamac Xirsi 8-Aadan Cali Xirsi 9-Saleebaan Jaamac Maxamed 10-Yaasiin Cilmi Cawil Maxkamadda badbaada qarankuna waxay ku eedaysay dambiilayaashaasi horteedana ay kaga caddaatay in 10kaas eedaysane ay si wadajir ah uga hor yimaadeen xeerkii ay sida wadajirka ah iskugu raaceen kana soo baxay golaha sare ee kacaanka, iyo golaha wasiirada 11kii January sanadkii 1975kii, kaasoo ku saabsanaa sinnaanta ragga iyo dumarka, waxa ayna maxkamaddu u cuskatay xeerka lambarkiisu yahay 12 qodobkiisa 54aad ee soo baxay 10kii bishii 9aad sanadkii 1970kii”. Ilaahay ha u naxariisto culimadaas Shuhadada ah ajarkoodana Ilaahay innagama xarrimo. Aamiin…..Aamiin. Xigasho:- Buugga la yidhaahdo Soomaaliya iyo xididada dhibaatada haysata ee uu qoray Dr. Cali Sh. Axmed Abokor

Khudbado taariikhi ah

3-Khudbaddii Darteed Culimada Soomaaliyeed loo laayay Akhristayaal halkanna ka dhagayso Khudbaddii uu jeediyay Maxamed Siyaad Barre, taasoo markii ay culimadu ka hor yimaadeen loo dilay 10ka wadaad ee kor sawiradoodu ku yaalaan markii la dilayay, khudbaddaas oo waxyaalo diinta ka hor jeeda oo aanay diintu oggolayn Eebbena aanu raalli ka ahayn ay ku jirto……Halkan ka dhagayso F.G. Fadlan si qoraaladeennu xaqiiqo iyo raadraac u yeeshaan nagula dadaal sidii aad noo soo gaadhsiin lahayd wixii sawiro,qoraalo iyo raadraac kasta oo ka hadlaya dhammaan taariikhdeenna tu hore iyo tu dambaba.Nooguna soo hagaajiya E-mailkayaga

 

Xukuumaddi Milaterigu waxay abuurtay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Wuxuu ahaa xisbiga kaliya ee loo ogalaa dalka. Xiligaas 1dii Luuliyo 1976kii ayaa la aasaasay (XHKS) kaasoo aasaaskiisa lagu beegay sanadguuradii 16aad

Sawirkan  soosocda waa calaamdii xisbiga hantiwadaaga iyo  odhaahda  ay xambaarsantahaayba

 

A poster showing the Ogaden (also known as Somali Galbeed or “Western Somalia”) and the rest of Greater Somalia united as one count)Xigasho http://en.wikipedia.org/wiki/Somali_people#Notable_Pan-Somalists
ee xornimaqaadashada gobollada koonfureed ee Soomaaliya, iyo israacii Koonfur iyo Waqooyi oo ay ka curatay Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana ku dhawaaqidda xisbigu ay timid ka dib markii golaha sare ee Kacaanku ay
sidaas guddoomiyeen, waxaana meesha looga saarayay xukunkii milateriga ahaa, iyada oo nidaam xisbi iyo hab hantiwadaag loo jihaystay, waxaana shir weynihii aasaaska XHKS ee kagu qabtay kulliyaddii Jaalle Siyaad lagu sheegay in laga billaabi 1da Luuliyo 1976kii ay talada dalka
Soomaaliya wadayaan XHKS, taasoo dadku siyaabo kala duwan u fasirteen.

Qodobkii 1aad ee xeerka xisbigaasna waxaa lagu qeexay in xoghayaha guud ee XHKS iyo madaxweynaha dalkuba uu yahay Maxamed Siyaad Barre((Secretary-general of the Somali Revolutionary Socialist Party (SRSP) 1 Jul 1976 – 27 Jan 1991  Muhammad Siad Barre))

, waxaa kaloo la ansixiyay xubnaha xisbigaas oo 76 xubnood ahaa, kuwaasoo ay ugu horreeyeen xubnihii Golaha sare ee Kacaanka, iyada oo weliba shanta xubnood ee ugu sarreysana loo magacaabay Guddiga Siyaasadda ee XHKS, waxaa kaloo isla qodobkaas 1aad lagu ansixiyay 3 xubnood oo ahaa guddiga dhexe ee barista XHKS. Qodobka 2aadna waxaa lagu sheegay in hawshii sare ee Golaha Sare ee Kacaanka ay
la wareegeen guddiga siyaasadda ee XHKS iyadoo la meel mariyay xeerka iyo barnaamijka XHKS. Waxaana hawshii xisbigu ay ahayd mid aad u xawli ahayd dalkuna uu kaga gudbay nidaamkii golaha sare keliya. Waa sidaa xeerarkaasi  kutilmaameene ama ay  u cabireen weeye

Marxaladdii 2aad ee XHKS waxaa xidhitaankii shir weynaha XHKS lagu dallacsiiyay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Samatar oo laga dhigay Sarreeye Guud Maxamed Cali samatar, wuxuuna dhinaca darajada ciidanka xitaa ka sarreeyay Maxamed Siyaad Barre., xukuumaddu  waxay abuurtay oo kale  xoogag cusub oon horay loo aqoon Sida, “Guulwade.”

Faalooyin kusaabsan  asaaskii XHKS

Ruushku/soofeetigii six un ayuu uga biya diiday dhismihii Xsbiga hantiwadaaga kacaanka soomaaliyeed,sida loo abaabuley iyo qaabka loodhisay iyo xubnihii gollaha dhexe laftooda  oo uu arkay inay u badanaayeen rag aaminsan  afkaarta reer galbeedka, marka laga reebo dad tiro yar oo ay ka mid ahaayeen Warsamo juguf,C/ramaan Caydiid oo ahaa kaadiriintii shuuciyadda loo soo taba baray,

Qoraaga buuga hadimadii gumeysiga c/qaadir oromo wuxuu dhaliisha ku daray asaaski XHKS hadii astaanta xisbiga  laga hidda –raacay in laga dhigay yaambo iyo buris shuuciyadda  maxa  loo ilduufay in laga hidda-raaco sidoo kale josef Stalin oo ay haybta wadaageen  xagga farsamada iyo biraha janaraal max’ed Cali Samatar oo Xoghaya  guud ee xisbiga looga dhigiwaayay illeen wuu uqalmaye

Dagaalkii Soomaligalbeed ee 1977-1978

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee xabashidu gumaysato ee Soomaali Galbeed. Soomaaliya oo waagaas loo yiqiinnay kuwa ugu ciidan fiican waddamada Afrikada Madow ayaa muddo gaaban ku gaadhay goobo gudaha dalka Itoobiya ah, waxaana ay ku dhowaadeen magaalada caasimadda ah ee Addis-ababa, hase yeeshee Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay xulufadeedii oo ahayd waddamada dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Yemen Dagaal khasaare badan geystey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya,Cali samatar waxaa uu ahaa saraakiishii ugu horaysay ee si casri loogu tababaro ciidanka qalabka sida ee Somalia.

 

Maxamed Cali Samatar waxaa uu heer sare ka gaadhay Miltariga Somalia isaga oo ahaa qofkii ugu sareeyay ee taariikhda milatariga Somalia ee gaadhay darajada Sareeye Guud oo ahayd darjadii ugu saraysay ee ka jirtay Somaliya.

Waxaa uu xubin kahaa XHKS waxaana uu ka mid ahaa Golaha Sare ee kacaanka Soomaaliyeed, waxaa uu si aad ah uga dhex muuqday talada dalka sanadihii 70meeyadii ilaa sideetamaadkii, waxaa uu 1980 ilaa 1986 ahaa wasiirka gaashaandhiga, 1dii Febdruary1987 waxaa loo magacaabay in uu noqdo Raisal wasaarihii ugu horeeyay ee ay yeelato  dawladii miltariga ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, General Maxamed Cali Samatar waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha laf dhabarta  u ahayd ciidanka Somaliya ee ka qayb qaadatay dhismihiisa Milatariga.

Siyaasiga Soomaaliyeed ee Cali khaliif Galaydh oo ahaa raisal wasaarihii dawldii Carta ee sanadkii 2000 horena mar wasiir ka noqday dawladii kacaanka iskuna soo gaadheen golaha wasiirada

Sida uu sheegayo Cali Khaliif Galaydh  General Maxamed Cali Samatar waxaa uu lahaa khibrad dhinaca maamulka ah isaga oo tilmaamay in marka loo eego saraakiishii miltari ee talada la wareegtay uu isagu soo dhawayn jiray dhalinyarada waxbaratay

Dadka  faalleeya siyaasadii dawladii Kacaanka miltari waxaa ay xusaan in inqilaabkii miltari ka bacdi uu jiray loolan adag oo u dhexeeyay saraakiishii sare kuwaasi oo mid walba uu ku taamayay in uu qabto xilalka ugu sareeya, xigasho http://www.buhodle.net/ taariikhda-dacwada-maxamed-cali-samatar.html#

 

waxaa sida uu waxaa sida uu janaral Maxamed Cali Samatar

oo ahaa ninka dhinaca ciidanka ugu darajada sarreeyay ku
sheegay Soomaalida ciidammada uga dhintay dagaalkaas inay ahaayeen 5.500 askari tan iyo dagaalkii Balanbal ee u dambeeyay ee sanadkii 1978kii. Waxaana sidoo kale uu sheegay in sababaha jabka dagaalkaas ay ahaayeen xaalado la xidhiidhay isbahaysi la’aan dhankooda ah, iyo weliba dhinaca kale oo reer Galbeed iyo reer Bariba ku taageereen dhinaca ciidanka iyo qalabka, waxaana uu sabab uga dhigay General Cali Samatar Itoobiya oo
diin ahaan ay is xigeen (2)xigasho) http://webcache.googleusercontent.com/ /taariikh/waxqabadkii-iyo-taariikhdii-kacaankii-

Sababihii jabkii dagaalkii 1977-78

Masar iyo Sucuudiga  oo is kaashaday ayaa  geed dheer  iyo geed gaaban u fuulay sidii colaad  loo dhex dhigi lahaa Soomaaliya  midowgii soofeeti,waxay adeegsadeen tab iyo xeelad kasta oo ay xidhiidhka laba dal lagu kala jari karo, Madaxweynihii  masar ee markaas joogay Allah haw naxariistee  Anwar-saadaat ayaa ku baanay kuna hanjabay inuu inuu Soofeetiga ka saaridoono wuxuuna yidhi way noo fuduahay  inaan sidaas  yeelno waayo markii horeba  anagaa soo gelinay  qaaradda afrika ,si loo hirgaliyo hadafkii Anwara-Saadaat iyoFahad waxaa  la abaabuley  shirqool  khatar ahaa kaas oo  si rasmi ah loogu rogey loogu daba gediyey qarankii soomaalida,Dr kevin-cahill oo dhalashadiisu ahayd  maraykan  isla markaasna ahaa dhakhtarka  gaarka  ah ee  Suldaan – Al- nahyaan madaxweynihii hore ee Imaaraatka UAE waxaa loo siii dhiibay  fariin  beena  oo uu  u keenay MSBarre fariintaas  been abuurka  ahayd oo loogu sheegay inay ka timid  wasaaradda arimaha dibedda maraykanka  waxayna odhanaysay maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu hub  ka gado ka iibiyo Soomaaliya , iyadoo qiimaha hubkaasna lacvagtiisu sacuudigu bixindoono(1)

Arintu sikastaba ha ahaatee koley Dawladi si dhibyar nin fariin sida way  ka culustahay inay ku go’aan qaadato waase arin macquula  qaabka sawirku na tusaayo ee wax loo maleegay waxaan qarsoonayn xilliyadaas in ay Masar iyo Suudaan laga saaray  midowga soofeeti ciddamadiisii iyo khubardii dalalkaas ka joogtey waxaa kaloo jirtay sucuudiguna kaalmo dhaqaale oo uu ku yaboohay mar uu wasiirka arimaha dibedda ee Sacuudigu Amiir Sacuudi –al faysal  booqoosho kedis ah kuyimid april-1976 Muqdisho kadibna uu balanqaaday $350 milyan  oo uu shardi ku xidhay haddii somaaliya xidhiidhka u jarto ruushka in dawladda sucuudigu lacagtaas bixindoonto ayaa jirtay oon qarsoonayn

Xigasho(1) (1) hadimadii gumeysiga C/qaadir-OROMO

 

 

 

Eryadii midowga soofeeti

November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen Ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaawino weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay “scorched earth” oo afsoomaali ahaan u dhiganta “dhulka in la xaquuqo la cadeeyo sidii laf hilibka laga xaquuqay” kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay dadka iyo duunyada laga barakiciyo, taas oo dhanka ka ahayd Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruushka awgeed 1977-1978 waxaa socday dagaalkii Ogaden ee dhexmaray Soomaalida iyo Ethiopianka. April, 1978 koox katirsan ciidamaddii qalabka siday oo uu kamid ahaa hogaamiyayaashooda Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa isku dayey

inqilaab dhicisoobay. December, 1979 Xukuumaddii Milaterigu waxay qabatay doorashooyin baarlamaan; Laakiin golihii baarlamaanku wuxuu kayimid haldhinac oo ahaa dhinaca Xukuumadda.February,

dhacdooyinka kale ee xilligii kacaanka

June 30, 1982 ayey ahayd markii ay ciidamada Itoobiya oo garabsanaya Jabhadii Soomaaliyeed ay soo weerareen magaalooyin ku yaal xadka, waxana ay qabsadeen magaalada Balanballe. August 1982 ayey markale weerar soo qaadeen Itoobiyaanku waxana ay qabsadeen magaalada Galdogob oo 50 km oo keliya u jirta Magaalada Gaalkacyo. Weerarkii xabashidu ku soo wadey Soomaaliya waxa uu istagey kaddib markii uu Maraykanku gargaar degdeg ah oo Militari uu siiyey Soomaaliya. Laakiin labadii magaalo ee Galdogob iyo Balanballe waxa ay ku sii jireen gacanta Itoobiya,  magaalooyinkaas oo maamulidooda ay isku qabsadeen Itoobiya iyo Jabhaddii SSDF, taas oo sababtay in Itoobiya ay burburiso jabhaddii SSDF kaddib markii ay dantii ay lahayd  ku gaartey oo ahayd dhulkii ay hore u haysatey in ay ku sii darsato dhul kale.

 

1982 Maj General Maxamed Siyad ( Madaxweyniha Soomaaliya) wuxuu booqday Washington. Xilligaas waxaa xabsiga laga siidaayey ra’iisalwasaare Maxamed Ibrahim Cigaal, waxaase xabsiga lootaxaabay siyaasiyiin kale oo ay kujiraan qaar kamid ah golihii wasiirada. Siyaasiyiintan markan xabsiga loo taxaabay waxaa ka mid ahaa  DrMaxamed Aden Sheikh  Allah  haw naxariistee oo ahaa  dhakhtar xagga qaliinka ah kadibna siyaasada kusoobiiray 1970s-1982 wuxuu dawladdii dhexe ka soo qabtey wasaarada caafimaadka ,waxbarashada, iyo warfaafinta

 

Dr Mohamed Aden Sheikh oo bilad u xidhaya Muxudiin Cali,

oo ku muteystay howlkarnimada Wasaaradii Warfaafinta 1980.

Dr. Mohamed noloshiisa iyo taariikhdiisa qofeed waxaa xusuus waarta oo aan hadhi doonin ku noqon doontaa kaalintii uu ka ciyaaray soo saarista qoraalkii iyo faafinta “Far Somaliga. Wuxuu Guddoomiye u ahaa Guddigii Qaranka ee Qoraalka Far Somaliga. Waxtarka kale ee xusidda mudan, waxay tahay isagoo fekerkeedu lahaa, aasaaskana u dhigay abuuritaankii Madxafkii waddaniga iyo Makatabaddii Qarank xigasho somalitalk

Golihii Dhexe ee XHKS, waxaana loo doortay inuu noqdo Guddoomiyihii Hoggaanka Ideolojiyada iyo Qoraha sare ee Wargeyska “Halgan” ee ku hadla Codka Golaha Dhexe Siyaasi, haddana ah “Academico Intellettuale”, “Intelligente” iyo qoraa, saaxiib fiicana la ah inta la dhaqanka ah iyo firkrad wadaagana ah. Dadkii la shaqeyn jiray waxay sheegaan inuusan u dhaqmi jirin sida madaxda qaarkood ee kibirka iyo santaagga badan la xaragooda. Wuxuu u shaqayn jiray hab wadajir ah oo tallo wadaag ku dhisan “Team work”. Waa u roonaan jiray madaxdii iyo shaqaalihii la shaqayn jiray, waana ka difaaci jiray culusyadii badi kor ka imaan jiray. Wuxuu ku fiicnaa dhageysiga dadka marka ay is-qaabilaayaan ama sheekooyinka dhex marto, Dr. Mohamed Aadan, intii karaankiisa ah dalkiisa waa nooleyn jiray, kama noolaan jirin.

waxaan mar ku kulanay magaaladda Nairobi hotel  layidhaahdo (new stanely )intii uu noolaa oon isku baranay wuxuu ku qorey luqadda talyaaniga  book la yidhaahdo(Mogadiscio Arrivederci )taasoo macnaheedu yahay muqdishaay is arag dambe oo wacan ,waxaa  ku jiray ragga kale ee la qabtey

Maj. General Cumar Xaji Masalle ( oo labadaba ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynaha);

G/Sare Cusmaan Max’ed JeelleWarsame C/llaahi Cali “JugufMadaxweyne ku xigeenkii, Ismacil Cali Oboker, iyo Wasiirkii Arimaha Dibadda, Cumar Carte Qaalib.

 

oo ahaa ninkii ugu caansanaa ee soo mara wasaaradda arimaha dibada xilligii kacaanka  isagoo kaalinweyn ka ciyaaray soomaliya  markay ku biirtay jaamcidda carabta 1974kii,isla xilligan wuxuu u tartamayay jagada xoghayaha guud ee OAU, dhowr cod iyo si dirqi ah ayuu ku seegay in loo caleemo saaro jagadaas. sanadihii 1969kii illaa 1977dii wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya, wuxuuna mar noqday madaxweynihii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee United Nations Security Council.

Cumar Carte Qaalib Laba maalmood ka hor intii aan la ridin xukuumaddii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre oo ku aadanayd  24kii bishii January, sanadkii 1991dii ayaa loo doortey xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya isagoon weli waxba soo dhisin dowladii laga sugayey  ayay dhacday xukuumadii i madaxweyne Max’ed Siyaad Barre.

1984kii waxaa socdaal qarsoodi ah ku tagey Soomaaliya wasiirkii Arimaha Dibadda ee South Africa, Roelof Botha. Wuxuu ballan qaaday kaalmo milateri haddii diyaaradaha South Africa ay kusoo degaan Soomaaliya.1986kii Soomaaliya waxay wax ka aas-aastay urur goboleedka IGAD oo lagu dhisay  Djibouti. Xilligan Maj. Gen. Maxamed Siyad Barre wuxuu kula kulmay Djibouti Mangistu Haile Mariam, madaxweynihii Ethiopia xukumayey.23 May, 1986 madaxweyne Maxamed Siyad Barre wuxuu galay shil baabuur oo uu si xun ugu dhaawacmay. Madaxweynaha waxaa loo qaaday wadanka Sucuudiga oo lagu soo daaweeyey. November, 1986 Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa loo caleema saaray 7sano oo kale. 99% codayn dhan ayuu ku dooday in loogu codeeyay ereyga “HAA.” Laakiin xilligaas waxaa dalka ka socday dagaallo sokeeye, dad badan oo Soomaali ahina waxay ka horjeedeen nidaamkii Xukuumaddii Milateriga. 1987kii hay’adda u dooda xuquuqda bini’aadamka ee Amnesty International, waxay ku eedaysay rajiimkii Maxamed Siyaad in uu ku xadgudbay xuquuqda bini aadamka. Tani waxay keentay in Congresska Maraykanku gooyo kaalmadii uu siinjiray Mr. Barre iyo xukuumaddiisii.27 May, 1988 ururkii SNM wuxuu qabsaday caasimadda gobolkii Togdheer ee Burco.31 May, 1988 isla ururkii SNM wuxuu qabsaday qaybo badan oo muhiim ah oo kuyiilay Hargaysa. Xukuumaddu waxay xiligan xoog milateri u adeegsatay, duqayn lixaadlehna u geysatay labadaas magaalo. Sidoo kale mucaaradku waxay iyana dhankooda dagaalka ku ballaadhiyeen goobihii rayidka. Dad Soomaaliyeed oo aad u badan ayaa u qaxay Ethiopia. Kumaankun kalena waxay ku dhinteen dagaaladaas.9 July, 1989 waxaa Muqdisho lagu toogtay Madixii kaniisada katholiga ee Muqdisho, Salvatore Colombo. Ilaa hadda lama helin ciddii dilkiisa ka danbeysay. Isla xilligan waxaa socday dagaallo sokeeye oo u dhaxeeyey xukuumadda iyo mucaaradka, gaar ahaan gobolada dhexe oo la rumaysanyahay in dad badan oo shacab ah ay ku geeriyoodeen.14 July, 1989 ciidamadii koofiyad casta ayaa cagta marisay mudaharaad ay sameeyeen dad Soomaali ah oo kacaraysnaa xarig loogaystay Sheikh C/Rashid Sheikh Cali Sufi. Waxaa larumaysanyahay in dadbadani ku geeriyoodeen. 15 July, 1989 waxaa xeebta Jasiira lagu xasuuqay ilaa 47 qof oo Soomaalida waqooyi ah. Waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid kamid ah waxyaabihii ugu xumaa ee laga xasuusto Xukuumaddii milateriga. tani waxay keentay in Xukuumadihii Reer galbeedku ay iska fogeeyaan Maj. Gen. Maxamed Siyaad iyo xukuumaddiisii.6 July, 1990kii Waxaa isna dadbadini ku geeriyooday mashaqadii ka dhacday Stadium Muqdisho, garoonka kubadda cagta ee Muqdsiho. 13 July, 1990kii waxaa dil toogasho lagu xukumay 46 kamid ah dad siyaasiyiin ah oo kasoo horjeeday President Barre; kooxdan waxaa lagu magacaabay Manafesto Group. In badan oo iyaga kaimid ahina waxay gadaal ka noqdeen dagaal-oogayaal.31 December, 1990 waxaa bilowday burburkii xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya(1) xigasho tp://webcache.googleusercontent.com/amawebmaster@dulmane.s

 

Gobolladdii somaaliya dawladdii markay dhacday

 

 

Gobollada Soomaaliya.

Soomaaliya waxay u qaybsantahay 18 gobol oo kala ah:

Tiro      Gobolada         Caasimada      Bulshada

1          Awdal                 Boorama

2          Bakool———— Xudur

 

3          Banaadir———- Muqdisho

4          Bari————— Boosaaso

5          Bay————– Baydhabo

6          Galgaduud—- Dhuusamareeb

7          Gedo———— Garbahaarey

8          Hiiraan——— Beledweyne

9          Jubbada Dhexe—— Bu’aale

10        Jubbada Hoose- Kismaayo

11        Mudug———— Gaalkacyo

12        Nugaal————- Garoowe

13        Shabeellaha Dhexe—– Jowhar

14        Shabeellaha Hoose—– Marka

15        Sool———————— Laascaanood

16        Sanaag—————– Ceerigaabo

17        Togdheer————— Burco

18        Woqooyi Galbeed———— Hargeysa

Kacdoonkii jabhadaha mucaaradka ahaa iyo bilowgoodii

Sept 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).

Aug 7, 1990 – Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay  March 1989)waxay ku shireen Itoobiya sidii ay uga tuuri lahaayeen xukuumadii Max’ed Siyaad Barre. Inkastooynan ku midaysnayn wax la taaban karo ama ayna isku mabaadii ahayn  sababtoo ah ma ayna jirin barnaamij qeexan  oo ay shacabka la horyimaadeen oo muujinaya aragti qaranimo oo la raaci karo waxaana taas daliil u ah SNM inay gobaladaasi go’aan inuu hadafkeedu ahaa way iska caddahay SSDF IYO-SPM IYO USC Waxay kala raaceen daaroodkii iyo Hawiyihii dagaalamayey oo ay la kala safteen,

Jan 27, 1991Max’ed Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho halkaas ayey ku istaagtey xukuumadiisii kuna burburay qarankii iyo Haykalkii Dawladnimo ee Soomaaliya waxaana laga dhexlay burbur aad u baahsan dagaal sokeeyo Oo  aan joogsi lahayn qabqablayaal  koox diin sheeganaya Soomaaliyana waxay noqotey hal qalan oo nin waliba cadkiisa goosanayo wallow ay dhibaato badan soo mareen shacabka Soomaalidu intii kacaanku hayay xukunka  haddana dhibaatadii ka dambaysay ee dhacday iyaa difaac u noqotey  kolka lays barbardhigo sida dad badan oo Soomaliyeed aqoon yahano iyo siyaasiyiin badan ay qabaan

Xaaladda uu maanta dalku kusuganyahay iyo masiibada ku habsatey shacabkii soomaalida kow labaatankiisano ee dagaalka sokeeye socday waxaa xilligan la joogo ugu darmaday collaadii  masiibo kale oo xag Illaahay ka timid koleyna waawax la kasbaday masiibadaas oo ah abaar iyo gaajo xad dhaaf ah, abaaro ku baahay dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya oo dhan kaddib markii ay roobabkii yaraadeen waxsoo saarkiina uu yaraaday ay

Arinta  abuurtayna abaaraha iyadoo ay weheliyaan arimo kale oo la xidhiidha xaalufinta degaanada ku xeeran dhulalkaa oo si naxariis darra ah dhirtii looga jaray taasina ay noqotay in xoolihii iyo dadkiiba ay gabaad waayaan, dhirtii la xaalufiyeyna dhuxul looga istimaalo waddamo fara badan oo  ka mid yihiin kuwa khaliijka gaarahaan Imaaraatka IWM,  taasinawaxay noqotay nasiib darro ku habsatay shacabka Soomaaliyeed oo ay nabadgelyo darradu iyo abaartu hadheesay in dhir la’aan iyogeedo la’aan ugu darsamaan waxaa dheer boobka baddii iyo dhulkiiba lagu hayo waxaa jira waddaniyiin ah oo arintaas had iyo jeer gaar ahaan midda Badda soomaaliyeed difaaca

Waxaana ka midda raggaas  Bashir Shekh Moxamed  oo ah qoraa iyo Diplomaasi hore oo Soomaaliyeed.xidhiidh saaxiibtimo iyo mid wadannimo iyo qoraanimadkaba naga dhexeeyo

Cabasho ku saabsan Sharciyada Xaqdarada ah ee lagu Fulinaayo Xuduudaha dhulka iyo Badda Soomaaliya


“Haddii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan Caalamka u caddaynaynaa in Xuduudaha dhulka iyo badda Soomaaliya uu yahay lama taabtaan, oo ayna tahay hanti ay Soomaali oo dhan ay wada leedahay, Go’aankeedana waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed. Waana ka soo horjeednaa in Cabbir iyo xeerar sharci darro ah lagu fuliyo Soomaaliya oo keliya.”


  • KU: United Nation – E’mail
  • Ku: European Union -E’mil
  • Ku: Midowga  Africa – ‘mail
  • Ku: Jaamacadda carabta  – E’mil
  • Ku: USA  -   E’mail

Ujeeddo: Cabasho ku saabsan Sharciyada Xaqdarada ah ee lagu Fulinaayo Xuduudaha dhulka iyo Badda Soomaaliya

  • Soomaaliya Waxay Xornimo Buuxda qaadatay July 1, 1960. Waxaana markaas loo sameeyey Xuduudo dhuleed iyo mid badeed ah, taaso Soomaaliya ay xaq u lahayd.

Dalalka Bariga Afrika, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, markii ay heleen xorriyadda waxay dib u eegeen xeerarkii ay dejiyeen gumaystayaashii. Xeerarkaas dib loo eegay waxaa ka mid ahaa xeerka badaha oo xadaynayey in badaha dhulka dalalkaasi ay xaqa u leeyihiin ay tahay ilaa 3 nautical mile (5.6km) oo keliya. Haddaba, sannadkii 1963 ayaa dalalka Madagascar iyo Tanzania waxa ay fogaantii badda (ballaca) ka mid ah dhulkooda ee ahayd 3 nmi ay ka dhigeen 12 nmi (22km). Halka dalalka Kenya, Mauritius iyo Seychelles ay ballacii 3nmi ee badahooda ka dhigeen 12 nmi, sanadihii 1969, 1970 iyo 1972 siday u kala horeeyaan.

Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka ee UNCLOS waxa ay Soomaaliya saxiixday 10kii December 1982. Soomaaliya waxay xeerkaas dhaqan gelisay 24kii July 1989. (Fiiri map-ka Kore)

Xeerka Badaha Adduunku wuxuu si rasmi ah Qarammada Midoobey uga dhaqan galay 16kii November 1994. Waxaa socota inay Qarammada midoobay ka shaqaynaysay sidii Badaha Adduunka sharci loogu samayn lahaa, waxay qaadatay labaatan sanadood (1970-1994) in la dhaqan galiyey xeer oranaya: Waddan kasta wuxuu xaq u leeyahay (370 km) oo ka bilaabanaysa xeebta baddiisa inuu isagu leeyahay ku takri falkeeda. Xilligaas waxaa jirtay dowladdii Soomaaliya oo wax ka saxiixday.

Shirweynihii Qarammada Midoobey ee 10kii December 1982 lagu qabtay magaalada Montego Bay ee dalka Jamaica ayaa waxaa 117 dal saxiixeen sharciga Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka. Waxana uu Xeerkaasi si rasmi ah u dhaqan galay 16kii November 1994. Dalal badan ayaa xeerkaas saxiixay, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, kaddibna dhaqan geliyey. Waxaa Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka loo soo gaabiyaa UNCLOS (United Nations Convention of the Law of the Sea).

Waxaa kale oo dalalka xeebaha leh loo ansixiyey in ay leeyihiin xuquuqda gaarka ah ee kalluumaysiga iyo khayraadka badda ilaa meel xeebta dalkaas u jirta 200 nautical miles (370 km). Waxaa kale oo xeerkaasi xuquuq u siinayaa in dal kasta oo leh xeeb badda gudaha usii gashan uu gaar u lahaanayo xuquuqda batroolka, gaaska iyo khayraadka kale ee ku jira badda ilaa 200 nmi (370 km) meel ka durugsan biyaha xeebta dalkaas – toosna ugu beegan xeebta (macne weyn ayaa ku jira hadalka ah “toos ugu beegan xeebta”).

Fogaanta badda ee xeebta ka durugsan ilaa 200 nmi (370 km) waxaa loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ), waana aag ganacsi ahaan ay khaas u adeegsan karaan dalalka leh xeebaha.

Xeer Lambar #37/1972 – Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida

Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadan:

Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya.

Qodobka 2aad: Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa xeebaha Soomaaliya (xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta).

Qodobka 6aad: Kalluumaysiga Badda Dhulka Soomaalida iyo u kala gooshinta xamuulka iyo dadka ee dekedaha Soomaaliya waxay khaas u tahay maraakiibta sita Calanka Soomaalida iyo markiibta u haysta fasax/sharci.

Qodobka 9aad: Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya dalalka aysan aqoonsanayn maraakiibtooda looma ogola in ay maraan Biyaha Soomaaliya. Ciddii ku xad gudubta arrintaas, Soomaaliya waxay ka qaadeysaa tallaabadii ku haboon.

Qodobka 10aad: Maraakiibta dagaalku ma soo mari karaan badda ku xeeran dhulka Soomaalida haddii aysan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliyeed.
iyadoo ay jiraan xeerarkaas badaha Caalamka iyo kan xeerarka Soomaaliya u gaarka ah ayaa Qaramada midoobey iyo waddamada Commonwealth waxay ku xadgudbayaan Shuruucda Badaha Caalamka iyo xeerarkii u gaarka ahaa Soomaaliya, Waxayna badda Soomaaliya u samaynayaan cabbir Cusub oo aan waafaqsanayn Shuruucda badaha caalamka iyo kan Soomaaliya. Arintaasna waa xadgudub cad oo lagu samaynayo Xuduudaha badaha Soomaaliya.

http://www.thecommonwealth.org/news /231326/271010kenyaSoomaaliyamaritimeboundaries.htm

COMMOWEALTH ma lahan awood aay ku masaxdo ama ku tirtirto sharciga badaha ee Soomaaliya uga diinwaangashan Qaramada Midoobay, laakiin khayaanada aay wataan ayaa waxay tahay iyagoo adeegsanaya Shakhsiyaad Somali ah, rabana inay si dadban u yiraahdaan Sharcigii badaha ee Soomaaliyeed, iyagaa iskood isaga tanaasulay oo cid ku Khasabtay ma jirto.

Haddii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan Caalamka u caddaynaynaa in Xuduudaha dhulka iyo badda Soomaaliya uu yahay lama taabtaan, oo ayna tahay hanti ay Soomaali oo dhan ay wada leedahay, Go’aankeedana waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed. Waana ka soo horjeednaa in Cabbir iyo xeerar sharci darro ah lagu fuliyo Soomaaliya oo keliya. (fiiri map-ka, shaxda iyo Buugaagta muujinaysa xeerarka Badaha caalamka).

Qaramada Midoobay waxay Texgelisaa Xeerarka Xuduudaha iyo Badaha waddamada caalamka oo dhan ilaa aan Soomaaliya ka ahayn, sabatoo ah Soomaaliya ma lahan Dowlad awood badan oo u doodad Xuquuqda Shacabkooda. Dhibaatadaas Soomaaliya ka jirta darteed ayey UN ka faaideysanaysaa oo Soomaaliya ku fuleynsaa xeerar xaqdaro ah.

Haddii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan UN –ka iyo Wadamada Commonwealth ka codsanaynaa inay naga joojiyaan Xaqdarada ay Soomaaliya ku wadaan, nagana joojiso sharciyadaan xaqdarada ah oo Soomaaliya oo keliya lagu fulinaayo.

Soomaaliya uguma horeyso wadamada fashilmay, ee waxaa jira wadamo badan oo sida Soomaaliya oo kale dhibaatooyin uga dhacay. UN-ka iyo Caalamka waa u gurmadeen, iyadoo aan lagu xadgubin Qaranimadooda iyo Xuquuqda Xuduudahooda, waxaana lala xaliyey dhibaatooyinka ka jira wadamadaas, sidoo kalena dib u dhiska iyo Nabadgelyada ayaa aad looga taageeray,

Haddii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan xaq u leenahay in la tixgeliyo Qaranimadeena iyo Xuduudaheena dhul iyo bad. Sida loo texgeliyo waddamada kale ee Caalamka. Waxaan kaloo xaq u leenahay in nala garab istaago iyadoo la tixgelinaayo Diinteena, Dhaqankeena iyo Dastuurka noo degsan.

Shacabka Soomaaliyeed waa ka baxayaan dhibka ay hadda ku jiraan, waxaana jiri doonta xisaabtan iyo dabagal ay Soomaaliya samayn doonto, taasoo ku saabsan Sharciyada xaqdarada ah iyo wadamadii ka dambeeyey.

Bashir Shekh Moxamed

Diplomaasi hore ee Soomaaliyeed.

bashirmohamud@yahoo.com

English Version: Ka akhri Halkan

Shicibka Soomaaliyeed waxay ugu dambeenta la xisaabtami doonaan kuwa xadgudubka ku sameynaya JIRITAANKA QARANNIMADA SOOMAALIYEED…”

  • Qoraaga (Bashiir Shiikh Maxamed), waa diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee). Sannadkii 1979-kiina waxa uu noqday sii hayaha (Chargé D’affaires) ee safaaradihii Soomaaliya uga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo

Burburkii dawladiidhexe—- Soomaliya ma udan baa? Nidaamka fadaraalku?

Sida la wada ogsoon yahay habka federalism waa hab u dan ah dadweynaha soomaaliyeed haddii la fuliyo, lagu na dhaqmo shuruucada u degsan nadaamkaas Federaalka oo micnihiisu yahay wax wada qaybsi cadaalad iyo sinaan ku dhisan iyo xukun fur furan oo ku baahsan goboalda iyo degmooyinka {qaybsashada maamulka dawladda dhexe, khayraadka, gobol walba inuu is maamulo si ay awooda gacanta ugu gasho shacabka } dawladda dhexe na ay kor ka maamusho goboladda iyo degmooyinka .

Axdiga ku Meel Gaadhka ee dawlada TFG waxaa lagu xusay in dalka lagu maamuli doono habka federalka, hase yeeshee arrintu ma ah mid sahlan federalka waxaa qaadan karaa dawlada dhisan oo gobolada iyo degmoodyinka ay ka jiraan maamul oo gobol kasta uu leeyahay wax soo saar ama isku filin karaan, mida kale  waxaa laga maarmaan ah in la helo nabad galyo buuxda , maxaa yeelay nabadgalyado waxay door weyn ka qaadan kartaa fulinta nimaadka cusub ee federaalka, in kastoo soomaaliya muddo dheer ay ku jiratay jaha wareer iyo dagaal sokeeye sidaasi darteed aad iyo aad ayay u adag tahay in ay si fududu ku hergesho .

Nidaamka federaalku wuxuu shacabka siinayaa fursad ay ku soo dhistaan goboladdood isla markaasi na uu door ka qaataan ka qayb galaka siyaasadda dalka , mashruucaani federaalku wuxuu ku dhiiro gelinayaa goboladda iyo degmooyinka in ay ku tartamaan horuminta degaankoodda oo ay gacantoodda ku maamulaan ka dibna dalka intiisa kale ay wax ka qabtaan , federaalku wuxuu ku fiican yahay in awooda lagu balaariyo goboladda iyo degmooyinka mana jirayso dawladda caburisa isla markaasina ku xad gudubta xuquuqda dadweynaha iyo deegaamada . Habkaani wuxuu ku haboon yahay in ay qaataan qowmiyado kala duwan oo hal meel ku nool hase yeeshee soomaaliya ma filaayo in ay baahi u qabto habkaani federaalka ah , maxaa yeelay soomaaliya waa hal qoys oo isku af iyo iyo diin ah. Haddii la rabo in dal laga hirgeliyo mashruuca federaalka , marka hore waxaa loo baahan yahay in la xaqiijiyo in marka hore goboladda iyo degmooyinka in dadkiisa la wacyi geliyo loona bandhigo faa’iidooyinka iyo dhibaatooyinka uu leeyahay federaalka , ka dibna dadweynaha ayey ku xiran tahay in ay qaataan iyo in ay diidaan, hase yeeshee suurta gal ma noqon karto in koox yar in ay meel ku shiraan ka dibna si fudud ay u qaataan federal .Runtii fikradaani ma ah markii ugu horeysay haddii aan dib ugu noqdo xiligii gobonimo doonka sanadkii 1952kii waxaa siyaasiin soomaaliyeed qaar ka mid ah waxay soo jeediyeen in la qaato habka federaalka iyagoo isku haleynaayo khayraadka gobolkood uu leeyhay oo aan dan ka lahay gobolada intii kale hase yeeshee xisbigii SYL ayaa si xoog leh uga soo hor jeestay maxaa yeelay dastuurka SYL wuxuu qorayay in la helo Somaaliweyn . Fikradaasi federal ah oo ay qabeyn mucaaradka waxaan loo keenay in lagu hakiyo ama lagu tir tiro qadiyada soomaali weyn hase yeesee hogaamiyaashii SYL waxay shacabka soomaaliyeed ay ku boorisay in laga hortago fikradaasi ay wataan mucaaradka oo doonayey inay marin habaabiyo qadiyadda midnimadda soomaaliyeed taasoo isticmaarku soomaaliya u qaybiyey 5 qeybood., hadda na isticmaarka cusub wuxuu doonayaa in soomaalidii xorta ahay inuu u qaybiyo 5 qaybood oo kale ujeeddada dahsoon ee loo qaatay federaalku ay tahay in lagu tirtiro qadiyaddii horay u jirtay. Waxaa nasiib daro ah shirkii labada sano loo fadhiyey oo shacabka soomaaliyeed ku han weynaa in ay ka soo baxaan wax u dan ah dalka iyo dadka soomaaliyeed lagu soo dhisay dawlada federaal ah taasi waxay calaamad cad u tahay in la damacsan yahay in midnimaddii jiray in laga kala qayb qaybiyo ujeeddada ka dambeysana ay tahay in la aaso qadiiyaddii soomaali weyn, maxaa yeelay dalka lagu soo dhisay dawladda federal ee ku meel gaar ah waxay haystaa qayb ka mid ah dhulka soomaaliyeed sidaasi darteed mar na raali ka ma noqon karto in lagu la gorgortamo , Eithopia waxay horey u haystay qayb ka mid ah dhulka soomaaliyeed hadda na waxay u soo tafxeedatay in ay qabsato soomaalidii xorta ahayd si aan mar kale loogu la sheeganin tii ay horay u heystay.Ururka IGAD oo hogaanka u haysa xabashadu waxay ka qayb ahayd dawladdii Mbigathi – Kenya lagu soo dhisay iyaga na ka dambeyey in la qaato habkaani federaalka ah , ujeeddada ka dambeysa na ay tahay in mar kale aan la sheeganin qaybahii ay horey u heysteen .Hadda ba waxaa is weydiin mudanXigasho http://thepeopleoffreedom.wordpress.com

 

Kacdoonkii 9kii bisha juune 2011 iyo inqilaabkii ra’sulwasaare Farmaajo iyo banaanbaxyo lagu diidanaa inuu is casilo

Inagoo sal dhig  ka yeelanayna halabuurka qoraagu uu katiriyey tubata nabada Somaaliya bal aan  Soo qaadano maansadiisii ugu dambaysay ee ku saabsanayd nabadaynta Somaaliya iyo taariikh kooban  oo la xidhiidha sababtii uu utiriyey si loo fahmo Ujeedada tixdaas oo uu ugu magacdaray (waa dood cilmiya tani)

 

Gabaygan ama maansadan waxaan ugu magac (daray waa dood cilmiya tani)waxaan tiriyey kacdoonkii9kii bisha juune 20011 ee shacabka  somaaliyeed  kaga soo horjeedsadeen  qodabadii tobanka ahaa ee ka soo baxay shirkii Kampala Uganda

Kuwaas oo lagu riday Ra’sulwasaarihii max’ed c/llaahi Faramaajo isla markaarkaasna ay kujireen qodobo kale oo mugdi gelinaya madaxbaanida Dalka somaaliya kuna tuntay Axdigii ku meel gaadhka ahaa iyo shuruucdii dalka u tiil Dumiyeyna doorkii  ulahaa

Barlaamaan ku meel gaadha oo dastuuriya

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hadaba shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo Dibbad iyo guddaba waxay ka muujiyeen arintaas mudaaharaad iyo Banaaxbaxyo isdaba jooga oo dhowr maalmood qaatey iyagoo kaga soo horjeeday shirka Kampala arimahan

In qodobadani shirka kampala walaac weyn galiyeen qaranimadii somaaliya

In ay caddaalad daro tahay Fraamaajo in la casillo maadaama labaatankii    Sano ee ugu dambeeyey xukumadiisu tahay midda kaliya ee shacabku u riyaaqay kana muuqatay wadaniyad iyo daacadnimowaxay shacabku muujiyeen  dibad baxyo ay ku middoobeen kuna taageerayeen dawladii ama xukuumadii Farmaajo iyadoo lagu amaanay Maamulwanaag la dagaalanka musuqmaasuqa mushahar bixinta ciiddamada dalka shaqaalaha xukuumada iyo dhamaan hay’adaha dawliga ah   iyadoo wax ka qabatay la dagaallanka kooxda shabaab goobo badana ka qabsatey

Umadda Somaliyeedna way  u ooyeen sida Dadka masakinta ah ee Muqdisho jooga iyo Gobolada dhexe, Waxaa dal iyo dibadba is qabtay qaylo dhaan mudaaharaadyo lagu waayay naf iyo maal, kuwaasi oo shacabku ku muujinayaan sida ay u rabaan in xukuumadda Farmaajo uu hogaaminayo ama uu gadhwadeenka ka yahay aan la badalin oo ay talada  u sii hayso shacabka

waxaa ka hor yimid shaqada ay hayeen cabinet-ka Farmaajo. Cadowga Soomaaliya ayaa u arkay Farmaajo iyo dawladiisa kuwo keeni kara dib u dhiskii qaranka soomaaliya iyo kuwo ka gudbin kara  dhibka shacabka  haysta taasoo aan la rabin inay soo afjaranto

Hadaba maxay qabatay xukuumadii faramaajo oo shacabku ugu ooyeen?

Marka aan ka hadlayno tayo waxay qabatay waxa xukuumad laga fisho,oo ku salaysan I tus oo I taabsii. Lixdii biloodee  ay joogtay saaxada ama ay jirtay  tan Faramaajo waxay la timid maamul wanaag aad u taya sareeyey oo shacabku ku farxo si weyna usoojiidatay dareenkooda si qotodheerna  u kasbatay qalbigooda qodobadan soosocda  oo ina tusaya ama aan  kusookoobayno waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ay xukuumdaasi qabato fg

1. Mudo 7 sano ah waxay markii ugu horaysay joogtaysay inay mushaar siiso ciidamada iyo shaqaalaha DKMG ah.

2. Waxay dayactir ku sameeyeen wadooyin iyo dhismoyaal muhiim ah.

3. Waxay dib u hawl-galiyeen Iskuulaad iyo Isbitaalo aan horay u shaqayn.

4. Waxay joojisay heshiisyo hanti iyo dhul boob ahaa oo xukuumadihii hore galeen

5. 1.waxay siwanaagsan u maamuleen oo daacdnimo ku jirto dhaqaalaha ka soo baxa garoonka diyaaradaha aadan cadde airport iyo dekadda oo labaduba  ku yaalaan muqdisho.

6. Waxay joojiyeen dhaqaalihii deeqda ee dibadaha lagu boobi jiray.

7. Waxay soo dhiciyeen oo la soo wareegeen lacag badan oo diyaarahada isticmaalaha hawada Soomaaliya ay ka qaadi jirtay hay`ad uu saldhiggeedu yahay Nairobi.

8. Waxay kala tureen heshiiskii lagu dhacay Badda.

9. Waxay noqotay xukuumaddii dhaqaalaha ugu yar ka heshay waxa loogu yeedho beesha caalamka, beekhaansatayna dhaqaalaha ka soo galay dalka gudihiisa.

10. Waxay noqotay xukuumaddii ugu waxtarka badnayd, oo gaadhay heer ay mushaarkooda ugu deeqaan dadka tabaalaysan.

11. Waxay noqotay xukuumaddii ugu horaysay ee xusuusata Naafadii xoogga dalka.

12. Waxay hawl-galisay ciidamadii DKMG oo xukuumadihii hore qoryaha daadin jiray marka ay isku dhacaan xoogagga shabaab, hadana dardar iyo carcar waalan la soo baxay, kadib markii ay heleen mooraal dhis iyo dhiiri galin.

13. Waxay dhufaysyada ka saareen ciidamada Afrikaanka oo ay u sheegeen inay dagaalada ka qayb qaataan maadaama ay dalka u joogaan inay xukuumadda iyo guud ahaanba DKMG ka ay ka difaacaan  kooxa mucaardka ee shabaab

14. Sida la sheegayo haday runtahay, waxay dileen Fasul Cabdalla oo ahaa nin sida ay sheegan jireen Reer Galbeedku aad u doonayeen, madaxiisana lacag badani dul saarnayd.

15. Waxay is faham iyo kalsooni dhex dhigeen ciidamada DKMG iyo kuwa AMISON.

16. Waxay noo yeedhin maysaan ku dheheen QM oo afhayeen u ah Beesha Caalamka, una sheegeen inay ayagu yaqaanaan waxa dalka iyo shacabku u baahanyihiin.

17. Waxay la dagaalantay musuq-maasuqii ay beesha Caalamku gabaadka ka dhigan jireen ayagoo leh DKMG waxayna meella la gaadhayn musuq iyo dhaqaale boob.

18. Ugu danbayntiina, waxay noqotay xukuumaddii ugu horaysay ee dal iyo dibadba ay shacabku u ilmaynayaan, gaadhayna heer shacabka Muqdisho jacaylka ay u qabaan sii joogitaankooda ay dad naftooda u waayeen.(1)

(1)somali talk

Kulan golaha wasiirada

 

Shaqaddii iyo kulamadii xukuumadiisa  ay qaban jireen bal aan mid ka midda tusaale usoo qaadano iyo warbixin kooban oo la xidhiidha is casilaadii  Ra’sul-wasaare  faramaajo

 

shirka golaha Wasiirada: oo isku raacay in daba-gal lagu sameeyo dhamaan hay’addaha dowladda heshiisyadii ay horay u galeen,

ayna u soo gudbiyaan muddo 3 cisho gudaheed ah heshiisyada xafiiska Ra’iisal Wasaare kuxigeenka….

Isniin, 03.01.2011——-Shir golaha Wasiirada xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay isugu yimaadeen kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga dooday dhowr qodob oo uu ugu  horeeyo in howlaha muhiimka ah ee xukuumada lagu soo koobo 5 qodob oo kala ah.

  1. 1. Inay ammaanka wax ka qabato
  2. 2. Inay fuliso dowlad wanaag
  3. 3. Inay hirgeliso Dastuurka
  4. 4. Inay dib u heshiisiinta dardargeliso
  5. 5. In wax laga qabto Arrimaha gargaarka Bani’aadamimada

Dood dheer kadib golaha wasiiradu waxay isku raaceen in xooga la saaro dhiirigelinta qodobadaasi.

Golaha wasiiradu waxaa kale oo ay ka doodeen qodob ku saabsan la dagalanka musuqmaasuqa iyo cidhibib tirka sidaasi darteed, guluhu wuxuu isku raacay in la sameeyo guddi heer qaran oo ka howlgala la dagaalanka musuq maasuqa.

Qodobka saddexaad ayaa looga dooday sameynta xeer hoosaad u gaar ah golaha Wasiirada kana kooban 11 qodob oo ay ka mid ahaayeen xushmeynta iyo illaalinta Dastuurka Federaalka KMG ah oo ay balan qaadeen goluhu inay si daacadnimo ah u fulinayaan, soo celinta kalsoonida shacabka, hagaajinta dowlad wanaaga, illaalinta maslaxada guud ee Diinta, Dalka iyo dadka iyagoo ogolaaday inay ku dhaqmayaan dhamaan qodobadaasi xeerka u ah golaha Wasiirada.

Wuxuu kaloo goluhu isku raacay in dabogal lagu sameeyo dhamaan hay’addaha dowladda heshiisyadii ay horay u galeen, ayna u soo gudbiyaan muddo 3 cisho gudaheed ah heshiisyada xafiiska Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

 

Ugu dambeyntii golaha Wasiiradu waxay dhegeysteen warbixino ay u soo jeediyeen Wasiiro ka soo laabtay safaro dibadda.

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada

Cabdi Xaaji Gobdon

E-mail: media@opm.gov.so(1)

 

——————————————————————————————-

(1)Xigasho tix raac hore: Farmaajo

Is casilaadii Ra’sulwaariihii hore ee Faramaajo oon la filayn markaas iyo sababihii keenay

warbixin kooban oo ku saabsan Iscasiladiisa

 

9-ka Juun ayaa waxaa Magaalada Kambala ee Dalka Uganda heshiis ku gaadhey Sadexda Masuul ee ugu sareeya Dowladda Federaalka KMG sida Madaxweyanaha , Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha oon isagu saxiixin waxaa ka soo baxay heshiiskaas oo ugu muhiimsanaa in Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu iscasilo, waxaana heshiiskaas saxiixay Labada Shariif , waxaa arrinka iscasilaada si aad ah uga xumaadey Shacabka soomaaliyeed waxaana ka dhashey Banaanbaxyo looga soo horjeedo Heshiiskaas, oo uu ugu dambeeyey bannaanbaxii reer Minneapolis

Waxaa socdey kulamo looga hadlayey sidii uu dhaqan geli lahaa heshiiskii kamballa waxana heshiiskaas sidii uu dhaqan geli lahaa xooga saarey Dowladda Uganda oo Ciidamo far badan ay ka joogaan Magaalada Muqdisho waxaana Magaalada Muqdisho soo gaadhey Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Uganada oo kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatey Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha taasi waxay keentey in maanta oo ay bishu tahjay 19-ka Juun 2011 uu ku dhawaaqo in Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu iska Casilo Xilkii Raiisul Wasaaranimo oo uu hayey wax ka yar Sannad.

Goobtii uu isku Casiley Waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagu ka aqbaley iscasilaadiisa waxaana halkaa ka Hadley RasulWasaarahii DFKMG Farmaajo oo sheegey in sababaha uu isku Casiley ay tahay si looga gudbo Xaalada Dalka uu marayo wuxuuna u mahadceliyey Wasiiradii la soo shaqeeyey , Ciidamada Qalabka sida iyo Dadweynaha sameeyey Banaanbaxyadii ay ku cabirayeen Rabitaankooda sidoo kale wuxuu u mahadce;lyey Odayaashii isgarab taagey ,iyo dadweynaha ku nool Dalka dibadiisa

“Waxaan idiin sheegaya in aan la sii shaqeyn doono Dowladda Federaalka oo an ugudbin doono wixii aqoonteyda”ayuu yidhiMaxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la sheegey in dood kulul dhex martey Taliyaha Ciidamada Uganda oo ku aadan sidii Raiisul Wasaare Farmaajo uu isku Casili lahaa , waxaana kulankaas la sheegey in lagu kala dareerey hase yeeshee waxaa lagu waramey in arrinka uu soo kala dhexgaley Madaxweynaha Uganda oo Raiisul Wasaare Farmaajo inuu iska casilo Xilkii Rasiisul Wasaaranim sheegay

Waxaa si ku meel gaadh ah xilkii Raiisul Wasaaranimo loogu wareejiyey Raiisul Wasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah , Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xilka haynaya mudada Madaxweynaha DFKMG uu soo Magaacaabi doono ra’iisul wasaaare cusub. Hase yeeshee warar aan helney ayaa sheegeya in Cabdi weli uu noqon doono Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, waana nin haysta Dhalashada Mareykanka isku meelna ay ka yimaadeen Raiisul Wasaarhii Hore Farmaajo , intaan laga dhigin Wasiirka wuxuu Macalin ka ahaa Mid kamid ah Jaamacadaha Wadanka Mareykanka.

Iscasilaada Raiisul Wasaare Farmaajo ayaa ku soo beegantey Xili uu dalka dib ugu soo laabtey Gudoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isagu xudun u ahaa in Raiisul Wasaarahii DFKMG Farmaajo uu iscasilo waxaana soo dhaweeyey Taageeryashiisa oo la sheegey in ay u badnaayeen Hagaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya.

 

Hase yeeshee waxay dadka siyaasada indha indheeya ay sheegeen in mar kale ay isku dhici karaan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlaamaanka iyagoo sheegey in ay ka imaan karto shaqsiga loo magacaabayo Raiisul Wasaaraha iyo qaabka qaybsiga Dowlada uu soo dhisi doono Raiisul Wasaaraha Cusub, waxaana caqabad ku noqon doonta qaar ka mida qodobadii heshiiskii kamballa oo dhigayey inaan khilaaf dambe loo baahneyn, sidoo kale waxa ka mid ahaa in mudada Sannadka aan wax Mooshin ah laga keeni karin Madaxda Sare.

Isku wada duuuboo Shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badan aaminsan yihiin in waxa Soomaaliya ay la degi la’dahay ay tahay faragelin shisheeye, iyadoo Dowlada jirta ay tahay Dowlad ay maamulaan Beesha Caalamka(1)

———————————————————

(1)Soamaali talk

Farmaajo “Taageerayaasheyda waxaan u sheegayaa inaan u soo laaban doono anigoo Madaxweyne ah”.

Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Ra’isul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka ayaa intii uusan ka ambabixin Magaalada Muqdisho waxa uu la kulmay taageerayaashiisa ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuuna uga waramay waxa sababay in uu iska casilo xilka, isagoo sheegay in cadaadis lagu saaro in ka dego xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu u mahadceliyey intii ka qaybqaadatay banaanbaxyadii ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, isagoo sheegay in banaanbaxyadaasi ahaayeen kuwo shacabka dareenkooda ku muujinayeen, hase yeeshee waxaa aad uga xumahay in dareenka shacabka aan la dhageysan, waayo adduunyada waxaa la dhageystaa waxa shacabku ay doonayaan taasina ma aysan dhicin. Farmaajo ayaa taageerayaashiisa aad uga xumaadeen markii ay maqleen inuu dalka ka baxayo wuxuuna ku qanciyey in isaga oo Madaxweyne ah dalka dib ugu soo laaban doono markaas oo taageerayaashii kullanka ka soo qaybgalay aad ula dhaceen una sacab tumeen.

Farmaajo ayaa kula dardaarmay taageerayaashiisa in ay la shaqeeyaan Ra’isul Wasaaraha cusub Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo uu sheegay in uu yahay nin Karti leh isla markaana ah nin daacad ah isla markaana uu ka rajeynayo in uu la shaqeyn doono shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaarihii hore Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa taageerayaashiisa waxay daba socdeen ilaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana la arkayey qaar ka mid ah taageerayaasha oo calool xumo ka muuqato markii ay kacday Diyaaraddii qaaday Farmaajo, sidoo kale qaar kale ayaa la arkayey iyaga oo gacanta taagaya ilaa ay ka libidho diyaaraddu. Farmaajo ayaa la filayaa in uu ka qaybgalo Munaasabad lagu xusayo Maalintii Xoriyadda Gobalada Koonfureed iyo israaciii labada gobol Waqooyi iyo Koonfur oo ku beegan 1-da Luulyo, waxaana munaasabaddaan lagu qaban doonaa Magaalada London waxaana qabanqaabinaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska.(1)

(1)tixraacii hore Somali talk Tuesday, June 28, 2011

Bal fiiriya hadda sawir gacmeedkan ama kartuunka amiin caamir uu noosoo bandhigay isagoo ku kala cabiray doorka siyaasiga ah ee ay kala matalayaan farmaajo iyo labada shariif iyo mid walba ujeedadiisa  iyo waxa uu rabo ama uu ku hamiyey inuu hawshiisa ku saleeyo nina qarankii ayuu badbaadinayaa kuwana lacagtii ay sooqaateen ayey badbaadinayaan

Maxaa lagu xusuusanwaxqabadkii xukuumaddii Framaajo

6/19/2011 8:23:42 PM

muumin

Muqdisho (RBC) Maxamed C/laahi Maxamed [Farmaajo] waa muwaadin Soomaaliyeed, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1962. Farmaajo wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo tii dhexe ku qaatay Soomaaliya.  Waxaana ka hor intii uusan dibada aadin ka shaqeeyey wasaaradii arimaha dibada ee Soomaaligii xilligii dawladii militariga.  Haddaba waa tan warbixin ku saabsan taariikhdiisa iyo waxqabadkii dawladiisa.  Taariikhdiisa  Markii uu dibada tegey, gaar ahaan wadanka Mareykanka, waxa uu bilaabay waxbarashadiisii jaamacadeed. Intii u dhexeysay 1989 ilaa1993 ayuu qaatay shahaada Bachelor-ka ee culuumta Taariikhda.  Sanadkii 2009 ayuu hadna qaatay shahaadada Master-ka isagoo kudiyaariyey Culuumta siyaasada.  Farmaajo wuxuu heystaa dhalashooyinka Soomaliya iyo Mareykan. Wuxuuna leeyahay 4 crruur ah oo 2 wiilal yihiin. Siyaasada Intii u dhexeysay 1985 illaa 1988 wuxuu ka shaqeynayey safaardiiSoomaaliya ee Washington isagoo ahaa xoghayaha koowaad ee safaarada.Hase yeeshee sida la sheego shaqadaasi wuu isaga tegey Farmaajo wuxuuna sii watay waxbarashdiisa.  Xilka raysal Wasaaranimo  14-kii October 2010, ayaa Maxamed C/laahi Farmaajo si rasmi ah loogu magacaabay xilka raysul wasaaranimo ee Soomaaliya ka dib markii uu iscasilay raysul wasaarihii ka horeeyey Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, xilkuna si KMG uu u sii hayey C/Waaxid Cilmi Goonjeex oo hore u ahaa Raysul wasaare ku xigeen.  Magacaabistii Farmaajo waxay timid baadigoob dheer oo Madaxweyne Sheekh Shariif uu u galay soo helida shakhsiga noqonaya raysul wasaaraha. Haseyeeshee qaar badan oo ka badan barlamaanka iyo hogaanka barlamaanka maaysn soo dhoweyn magcaabista Farmaajo. Waxayna markiiba bilabeendagaal ka dhan ah raysul wasaaraha cusub. Waxaa taasi ku xigtay inay adkaatay ansixintii raysul wasaare Farmaajooo lag sugayey dhismaha xukuumdiisii ugu horeysay, gaar ahaan markiiuu afhayeenka barlamaanka Shaariif Xasan uu si cad u sheegay in aanlagala tashan raysul wasaaraha cusub.  Waxaana isjiidjiid iyo ismarilabada Shariif dhexmaray ka dib ugu dambeyntii 31 october lagu guuleystay in uu raysul wasaare Farmajo helo codka kalsoonida isagoo heley 297 (waxaana malintaasi hoolka fadhiday 392 mudane).  1-dii November 2010 ayaa rysul wasaare Farmaajo loo dhariyey xilkaxafiiskiisa, wuxuuna isaguna bilaabay sidii uu u soo xuli lahaa golahawsiirada ee xukuumadiisa oo ahayd hawsha ugu horeysa ee laga filayey.  12-kii November 2010 ayaa Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku dhawaaqaygolihiisii wsiirada ee ugu horeeyey oo ka kooban 18 wasardood iyo kuxigeeno. Xukuumadasi oo marka laga reebo 2 wasiir inta kake ayahaayeen dhamaantood shakhsiyad cusub una badan qurbe jogdiblomasiyiin iyo siyaasiyiinba leh. Hase yeeshee waxaa markle dib u dhac iyo isqabqabsi uu ka dhexabuurmay madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha barlamaanka oo markalecaqabad ku noqday ansixinta xukuumada cusub. Waxaana sida dad badanay qabeen Shariif Xasan uu ka careysnaa ka dib markii uu waayey rag uuisagu watay oo uu rabay in golaha loogu soo daro balse laga tegey.  Waxaana ugu dambeyntii wixii labada Shariif ay isla daala-dhacaan ooay isjiidjiidaan lagu guuleystay in xukuumadii iyana laga marsiiyobarlamaanka, waxaana ogolaatay 251 mudane (halka maalintaasi ayfdhiyeen 343) taasoo muujineysa sida sigashada ah ee ay xukuumadu ku guuleysatay.  Waxqabadkii xukuumadiisa  Farmaajo Masuulkii ugu horeeyey oo shacabka dhexgala  Raysul wasaare Farmaajo iyo xukuumadiisuba waxay markii ay codka kalsoonida heleen ay gudagaleen hawshoodii. Waxaan xukuumadu ku dhawaqday qorshe hawleed ku saleysan ‘100 maalmood’. Kaasoo 50-kii maalin ee ugu horeeyey ay xukuumda ku wajahday dhaqaalaha gudaha, toosinta maamulka dawladeeda iyo amniga oo intuba ahaa halka dawladu ka jiiftay.  Isla afartii bilood ee ugu horeysay waxay golaha wasiiradu si isku xigta nidaamyo uga soo saareen tirakoobka ciidamada, xisaabinta dakhliga dawlada laga soo bilaabo xafiisyada wasiirada illaa dekeda iyo garoonka Muqdisho oo ah isha kaliya ee dakhliga gudaha uu kaga yimaado dawlada.  Sidoo kale waxay xukuumadu wafdi u dirtay gobolka Mudug oo markaasi ka taagneyd colaad u dhexeysay maleeshiyaad beeleed isku degaan ah. Waxayna arintaasi ahayd mid ka yaabisay shisheeyaha neceb nabadda iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed labataankii sano ee tegeyna hubka iyo rasaasta isugu dhiibayey qabaa’ilka Soomaaliyeed.  Tallaabooyinkii cadcadaa ee uu qaaday  5 April 2011 Wuxuu raysul wasaare Farmaajo ku dhawaaqay oraah taariikhda gashay oo dad badan oo Soomaali iyo ajnabi isugu jira dhegaha u taageen ka dib markii uu si cad ugu amray hay’adaha UN iyo kuwa ajnabiga ee lacagaha ku cuna magaca Soomaaliyeed inay 90 cisho gudahood ugu soo guuraan Muqdisho xafiisyana uga furtaan.   Hadaladii uu maalintaasi jeediyey Farmaajo waxaa laga xusuusan karaa tusaale uu u soo qaatay “Ciraq iyo Afghanistan oo weli dagaalo ay ka socdaan isla markaana hay’adaha UN iyo safaaraduhu ay ka furan yihiin. Soomaaliyana aysan ka liidanin labadaasi dal”.   Arintaasi ma ahayn mid farax galisay ragga ugu sareeya UN-ka gaar ahaan Ban-ki Moon iyo Augustine Mahiga.  Waxaana la wada xusuustaa jawaabtii uu Mahiga isla ayaamo ka dib ka bixiyey hadalkii raysul wasaaraha isagoo yiri  “Raysul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu u hadlay si han weyni ah”.  14 April 2011, Waxay xukuumada raysul wasare Farmaajo markii ugu horeysay dibadda keentay dood ku cusub dhegaha ummada Soomaaliyeed oo ah boobka lagu hayo hawada Soomaaliyeed oo tan iyo 1994-kii illaa hadda ay maamulaan koox ka tirsan UN-ka oo hoostaga hay’ad lagu magacaabo  ICAO .  Hawada Soomaaliya waxaa sanadkii ka soo xerooda dhaqaale aan si cad loo tirakoobin laakiin lagu qiyaasayo inuu gaarayo malaayiin doolar lacagtaasi oo ah canshuurta laga qaado diyaaradaha ku goosha hawada Soomaaliya taasoo si toos ah ugu dhacda qasnada UN-ka ee magaalada Nairobi.   Arintaasi waxay ahayd markii ugu horeysay oo masuul dawlad Soomaaliyeed uu miiska keeno dooda ku saabsan dhaca dhaqaalaha hawada Soomaaliya lagu hayo mudo ka badan 16 sanadood. Waxay iyana ka yaabisay shisheeyaha ka dulaaleeya Soomaalida intii aan anagu isku mashquulsanayn.  Maxamed Farmaajo isagoo ka duulaya balanqaadkiisii uu ku balanqaaday inuu la dagaalamayo musuqa hareeyey hay’adaha dawlada Muqdisho oo gaaray heerkii ugu xumaan, aduunyaduna ka qeylisay ayuu xidida u siibay wax kasta oo ku saabsanaa musuqmaasuq, xatooyo iyo dhaca lagu hayey hantidada dweynaha oo rag masuuliyiin ah ay ku lug lahaayeen. Waxay taasi suuragalisay in 25% uu sare u kaco dhaqaalaha garoonka Muqdisho halka kan dekeda ka soo xeroodaa uu intaa ku dhawaaday siduu uu warbixin ku shaaciyey wasiirka maaliyada ee xukuumada.  Bilawgii Hawlgalada Xoreynta Muqdisho  Kororka dhaqaale wuxuu si aan la fileyn u abuuray jawi isku filnaan ah oo ah oo ka hanqaaday gudaha dalka, waxaa xukuumada mudadii lixdii bilood ahayd ee u horeysay ay si fudud ku bixyey mushaharkii ciidamada, shaqaalihii wasaaradaha iyo xitaa shaqaalihii dawlada hoose ee Muqdisho oo mudo dheer aan shilin afka loo saarin.  Mid ka mid ah xildhibaanada barlamaanka oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay in isagoo 9 bilood aan helin wax mushahar ah uu markii ugu horeysay lixdii bilood ee Farmaajo joogay uu heley mushaharkiisa.  Iibkii baasaboorada iyo Seminaarada dibadaha  Arinta ugu weyn oo xukuumadii Cumar C/rashiid ku fadeexawday ayaa ahayd baasaboorada diblomaasiga iyo seminaarada dibadaha ee la siiyo wasaaradaha dawlada oo laga iibsan jiray shakhsiyaad caadi ah qaarna ay ka faa’ideysan jireen qoysaska wasiiradii Cumar C/rashiid ayaa guud ahaan la ciribtiray.  Sidoo kale deeqaha waxbarashada ee loogu talagalay ardayda Soomaaliyeed ayaa la gadan jiray taasoo Farmaajo uu hor istaagay.  Maxaa Taqaan?  Arin kale oo i soo jiidatay ayaa ah habka shaqaaleysiinta wasaaradaha oo sida la ii sheegay markii ugu horeysay suuragal noqotay in dadka lagu qoro  “MAXAA TAQAAN?” ee aan la oran  ‘yaa tahay?’. Markii ay tani soo baxday ayaa dhalinyaro badan oo ku nool Muqdisho jaamacadana ka soo baxay waxaa galay hami ah inay shaqo ka helaan wasaaradaha dawlada.  Raysul wasaare Farmaajo wuxuu wasiirada amar ku siiyey in agaasimayaasha wasaaradaha iyo shaqaalaha kale ee muhimka loo qaato dad aqoon u leh ciday doonaan Soomaali haka ahaadeene.  Dhexgalka shacabka iyo isku xirnaanta xukuumada  Saxaafada caalamiga iyo tan gudaha waxay isla qireen in Farmaajo uu noqday masuulkii ugu horeeyey ee shacab weyne soo dhex istaaga oo weliba gacan qaada inuu ahaa Farmaajo, waxayna taasi dhacday bishan June 5-teedii ka dib markii uu raysul wasaaruhu dhex istaagay wadada Afisyoone illaa Ceelgaabta isku xirta oo dib loo furay ka dibna uu halkaa kula hadlay boqollaal shacab weyne Soomaaliyeed oo isugu jira hooyooyin, carruur arday ah iyo odayaal. Taasoo aanu weligeed xitaa madaxweynuhu sameyn!  Gole mideysan  Isku xirnaanta xukuumada dhexdeeda ka jirtay ayaa iyana ah mid cajiib ahayd. Ma jirin wasiir si khalad ah saxaafada uga hadla ama u bixiya xog uusan fasax u heysan, Waxaana kulamada golaha wasiirada iyo warbixinada ka soo baxa ay ahaayeen kuwo hal cod leh oo aan iska hor imaaneyn.  Heshiiyo la joojiyey  Ka dib markii baaritaan uu codsaday barlamaanka ay qaaday xukuumada raysul wasare Farmaajo waxaa cadaatay inuu jirey heshiis qarsoodi ah oo madaxtooyada DKMG la soo gashay shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo  Sarecen International taasoo ay lahaayeen calooshood u shaqeystayaal isugu jiura Mareykan, Ingiriis iyo Ugandes. Waxaana heshiiskaa si cad go’aan uga qaatay golaha wasiirada oo kaashanaya barlamaanka.  Waxa sidoo kale waxba kama jiraan xukuumada Farmaajo ka soo qaaday heshiiskii iibinta badda Soomaaliya oo dawladii Cumar C/rashiid uu u saxiixay C/raxmaan C/Shakuur Warsame lana rabay in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya Kenya lagu wareejiyo.  Xukuumada Farmaajo waxay markii ugu horeysay bishii Janaayo cadeysay inay maqan tahay lacag gaareysa $2 milyan taasoo laga qaatay shirkadda SKA oo hadda maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho. Lacagtaasi oo markii ugu wardambeysay ku jirtay account xisaabeed lagu furtey magaca dawlada Soomaaliya lagana furtay bangi ku yaalla Dubai, waxaana xilligaasi lacagtaasi masuul ka ahaa Shariif Xasan oo ahaa wasiirkii maaliyada ee xukuumadii Cumar C/rashiid.  Bishii May ayaa Wasaarada shaqada ee xukuumada Farmaajo waxay AMISOM weydiisatay inay keenaan tirakoobka shaqaalaha ajaaniibta ee u jooga Xerada Xalane si dawladu u ogaato, taasoo ay AMISOM soo gudbisay laguna wareejiyey wasaaradda.  Sidoo kale wasaarada caafimaadka ayaa ku amartay in dhamaan hay’adaha shisheeyaha ee caafimaadka ka shaqeeya ay isdiiwaanmgaliyaan, cid aan fasax heysana aysan shaqeyn karin.  Dhanka dhaqaalaha  Xukuumada uu hogaaminayey Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa noqotay midii ugu horeysay oo soo saarta miisaaniyad sanadeed dheelitiran, ballana ku qaada in sideeda loogu dhaqmi doono, taasoo lagu jaangooyey dakhliga rasmiga ah ee dawlada.  Miisaaniyaadsi waxay ahmiyad gaar ah siisay shaqaalaha rayidka ee dawlada iyo ciidamada. ( Waxayna ahayd dawladii ugu horeysay oo miisaaniyad sidaasi u nidaamsan barlamaanka u keenta ).  Waxaa la mamnuucay safaradii dibadaha sida macna darada ah ay ku tegi jireen wasiirada wadamada shisheeye oo ay ku bixi jireen dhaqaale fara badan oo dalku u baahnaa, marka laga reebo safarada shaqo ee muhimka u ah dalka iyo dawlada.  Raysul wasaare Farmaajo laftiisa ayaa yareeyey socdaalada dibadaha, waxaana marka uu doonayo inuu dibadda u safro uu raaci jirey diyaaradaha rakaabka ee Muqdisho ka dhoofa ee dadweynaha caadiga ay raacaan, arintaasi oo ka duwan hab dhaqanka masuuliyiinta oo kaligood raaca diyaarad ay ku soo kireystaan 60,000$.  Dhanka amniga  Waxyaabaha kale ee xukuumada Farmaajo ay u duubatay waxaa ka mid ahaa dhanka amniga oo lix bilood ka hor magaalada Muqdisho ay adkeyd inaad telefoonkaaga iyo gaarigaaga si nabadgelyo ah kula dhex marto Muqdisho. Waxay xukuumada si cad u sheegtay in la dilayo askarigii qof kale si xaqdaro ah ku dila oo ay askarta dawladu ugu horeysay, taasoo qaar badan oo gacan ku dhiiglayaal lagu fuliyey kuwo kalana ku qasabtay inay ka baxsadaan magaalada.   Waxaana yaraaday heerkii dilka oo Muqdisho meeshii ugu sareysay ka gaaray labaatankii sano ee dawlad la’aanta.  Wuxuu welwelka ugu badan soo foodsaaray qabqablayaashii dagaalka intooda weli nool iyo maleeshiyaad beeleedka labataan sano ka hor hubka loo dhiibay weligoodna aan arag nidaam iyo sharci.  Degmooyinka magaalada Muqdisho ee ay dawladu maamusho waxay ku koobnaayeen illaa 4 kaliya lix bilood ka hor, hase yeeshee dagaaladii ka dhacay magaalada laga soo bilaabo bishii Febraayo ayaa u suuragaliyey raysul wasaare Farmaajo iyo xukuumadiisa inay xaqiijiyaan gacan ku haynta ugu yaraan 3 degmo oo hor leh.  Haddaba maxaa lagu xusuusan doonaa Farmaajo?  Ma og tahay akhristow in raysul wasaare Farmaajo uu ahaa masuulkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee “ kaliya ” aan ku degdegin tegida Ethiopia, iyadoo madaxdii ka horeysay 20-kii sano ee burburka iyo kuwa hadda joogaba ee Soomaaliyeed la og yahay mid kasta markii la doorto inuu marka ugu horeysa soo salaami jirey madaxda Ethiopia.  Waxaanse ku soo gabagabeynayaa labo erey oo si geesinimo leh uu Farmaajo uga jawaabay fagaarayaal caalami ah.  1- Kulankii ugu horeeyey ee Farmaajo ay isku arkeen raysul wasaaraha Ethiopia Zenawi ayaa si aan ka fiirsasho lahayn wuxuu Zenawi u yiri “Soomaaliya dadkeedu waa 2 milyan” hadalkaasi oo Farmaajo uu beeniyey una sheegay Zenawi inuusan taariikhda wax badan ka aqoon taasoo Zenawi uu ka xanaaqay.  2- Qodobka labaad, waxay ahayd mar ay shir wada yeesheen rag ka tirsan wasiirada Farmaajo iyo rag ajaaniib ah oo UN-ka ka tirsan magaalada Nairobi, Waxayna qoladii UN-ka sheegteen in Muqdisho ay ka dhiseen wado dhererkeedu yahay 70-KM.  Raysul wasaare Farmaajo iyo wasiiradiisa waxay si geesinimo leh u weydiiyeen UN-ka bal inay soo cadeeyaan jidka Xamar ku yaalla ee ay dhiseen magaciisa iyo halka magaalada uu kaga yaallo ? Balse qoladii UN-ka ayaa kala dhuuntay markii su’aashaasi la soo weydiiyey.  Ugu dambeyntii Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuu ahaa shakhsi la yimid daacadnimo, wuxuuna wax badan ku gaaray la shaqeynta shacabka iyo kalsoonidii ay u muujiyeen dadweynaha gaar ahaan reer Muqdisho, waxaase isweydiin mudan tegidiisu ma waxay ku timid rabitaan Soomaaliyeed iyo dan baa keentay? mise waxay ku timid rabitaan shisheeye iyo dano qawleysi ku dhisan sida dad badan ay qabaan(1)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

——————————————————————————————————————————–

(1) xigashohttp://www.raxanreeb.com/

W/Q: Cabdalle Muumin RBC Radio

 

 

Arintu si kastaba ha ahaatee waa ka gabaygii aan ugu tala galay munsabada 9kii juune

2011ee kacdoonkii shacabka somaaliyeed dibad iyo guddaba  si aan ugu cabirno dadweynaha somaliyeed iyo inta afka somaaliga taqaanaba dareenkaas isaga ah oon ku muujinayno sugaanteena qiimaha iyo qaayaha badan gabaygiina waa kan hoos kabilaabmaya

 

  • Waa dood cilmiya kani magaca gabayga
  • waxaa tiriyey cabdirisaaq sheekh calisiyaad

Waa dood cilmiya tani

Duruus weeye saan fili

Wa daruuri maansadu

Darajiyo halbeeguna

Diin iyo aqoon sare

Nin digrii leh baa yidhi

Mana aha dardaarwarin

Ninkii saa daniyi kara

Hayeeshee danaaniga

Shacbigii  dibnaha furay

Koley maanso dagatiyo

Anigoo xilliga dayey

Damiirkaaba taa fari

Somaalida dalkiiyo

kuwa  dibadda naga  jira

diyaasbarana lagu dhaho

afka duulalkaa kale

Qofba dacal ha joogee

Dallad shacabku yeeshiyo

Dareen lagu midoobiyo

Isku duubnidaa timid

Qofki  maanta dumiyow

Damac uba qarsoon iyo

Mindhaa darajo sii raba

Doqon iyo nin liitow

Hadaad dudiba yeelkaa

Anoon arar ku daahayn

Dulucdiyo ujeedada

Balaan  hoosba ugu dego

Su’alaana doorbiday

Inaan taa ku daabaco

Maansada dib kaga jira

Dulmigii kambala iyo

Dibindaabyadiis

Anigoo daraasiyo

dib u dhowray howshaas

qodobada dushaa guud

runtii baal ka daawaday

kala durugsan weeyaan

halkay duni maraysiyo

degalkaynu naalaa

inta dabin na loodhigi

ama laysku keen direy

diric iyo ninkii raga

ama diirku uu naxo

maxaa hoosba  loo dilay ?

Uu dalkiiba baaba’ay

Kuwii  dumiyey noo talin?

sida ururro dawliya

ama dalalka qaarkood

diblomaasiyiin kale

ragga dooda noo furay

ruuxba door u yeeshaba

haba kala daraadeen

koley dacatigaa dhacay

dambigaa la wada fuli

duq horaana jeer yidhi

dameer iyo amxaaraba

midna deris ma dhaafaan

 

daraasaat quruumuhu

diktooriyo khabiiraba

dajiyeen shir waa hore

dadkeeniba laga  yeel

afar iyo duleel badha

qabiilada badh duudsiyi

away dimoqraadiyadii

shucuubaha badh lagu duro

sida dunida soo kori

may difaacdo maanta

dad waalaala oo siman

somalina dir waada gala

maxaa loo dulmiyi qaar

daliil looga dhigan yari

ama loogu diidiba

Inay daw u yeeshaan

Xukunkaa dalkoodaba

Mise waxay ku doodiba

Hoggaan daadaheeyiyo

Kuma jiro nindoorkuba?

heshiiskii doraat iyo

kambalaba duruus kale

dukumiinti soo baxay

dawlad madax banaan iyo

inaan nahay dal gaaraba

labadooda wada dumi

dirqiweeye nagu dhahe

haddii laysku wada daro

sharci kuma dureeriyo

diinteena sharafta leh

lixdankii dastuur jiray

kuma duugna xeerkii

kolba laba dublayn iyo

maxay xaajo nagu deyi?

ma dabayl xagaabaa?

 

mahiigiyo dilaaladda

dabadhilifka raacow

wixi laysku diidiyo

dulucdii maxaa helay?

 

 

qawaaniinta dawliga ah

hadday madaxdu dumiyaan

nidaamkii  dalka u yiil

inaan mooshin dabagala

dibitaati furi Karin

ma wax loo dulqaataa ?

 

faramaajo waa diric

ama daacad weeyo

dumarkiyo dhalaankii

dablahaa askariga a

culimadaa dalkeeniyo

kiwi i diinta soo waday

diktooriyo aqoonyahan

duqaydii ayaa qiray

waxaan uga danleeyahay

dawladii   wax qabatiyo

hadaad tiisi dumisaan

kumaa loogu sii dari

waqtigaad ku duugteen?

miyaan hoosba loo dayin

inay taasi daw noqon?

kuwa nabadda daadihin

isbahaysii dooroo

contact group  loogu magac daray

Dusha guud jimcayaduba

Ha  u sii daraatee

Banki muun dacwada kulul

Lagu duri mahiigaba

Diblomaasi how qoro

Dhaqankeena dahabka ah

Ku salaysan diintaba

Qodobada ku daabacan

Dabcigeenu suu yahay

Somalida dirkeedaba

Carrab dallabba yeeshiyo

Deelqaaf hadduu dhaco

Ama  duurxul gaariyo

Daandaansi lagu kaco

Inkastuu dulqaad jiro

Dulli iyo xumaan iyo

Inaan diidno quudhsiga

Darawiishna iman kari

Faaladaa halagu daro

Qabiil laysu dila iyo

Ha  ku daganin taa dhaha

Arin kaba da’weynoo

Illaah noogu deeqiyo

Wax kalaaba noo deddan

Dad walaala aan  nahay

Isku diina waligood

Marna waa ul iyo diir

Dawladeeni qarankiyo

Inaad taaba dumiseen

Lulmo jeer na daartiyo

Haddii weyl  la doorsaday

oo saceeni dibi dhalay

mahiigiyo dabkuu shiday

daliilweeye nagu filan

ergaygaa dalkeenaba

qurumuhu u doorteen

inuu xaajo daba galo

dardar galiyo nabadaba

isagii haduu  dumin

siday howshu kuba degi?

Daraasiyo aqoon dheer

Nin  dadkayga garankara

Daacad noo ahaadiyo

Hadaan kaa la soodirin

Oon mahiiga duniduba

Dib inay u celisiyo

Inuu daadku qaadaba

labadaa mid door bidin

miyaan loo dareemayn

cidda kaba dambaysiyo

iyagaa dulmiga wada?

Kuwa lagu danaystow

Ama doolar raba iyo

Waxaan duunya dhaafayn

Allah darjoweyn iyo

horta deeqda siiyaba

qofkii uu la doonee

kuwaad dabafadhiisani

dalacaad miyey bixin?

Umuluha daleel iyo

Jillab iyo dareemada

Dumaagaa  ku seexdaba

Wali  duurka jiifsada

Dundumooyin weheshada

Daarihii ka bara kacay

Duqeydiyo ciroolaha

Deggalkoodi laga raray

Hadii  damaca gaarkiyo

Wixi adi dan kuu noqon

Toodaba ka doorbidi

Sideed dawladoodiyo

Shacbiga a darxumaqaba

Xukun uguba daadihin?

xildhibaan la doortiyo

barlamaan dastuuriya

away doorki laga rabay?

Koley waa la doogiye

War hooy yaan la dacroon?

Ragii laga dulboodiyo

Dulmigii  mar hore dhacay

Nabsi waa madaale

Diktoorkaa fankii iyo

waxay dawladtahay garan

dalxe  maaba loo Waco?

Erayadan  ka dababa yimid

Luqadeena dahabka  a

Kuwo suuqi lagu duro

Koley qaar dux laa jira

Hadaad dayday lumisaan

Nin dalkiiba qayb gadan

Heshiis uu ku duugiyo

Xeebihii dad kale siin

Maxaa loogu magac dari?

Waxaan ugu dambayntii

Fariin baaqa ugu diri

Somaalida  dushaa guud

Dumar iyo raggoodaba

Qarankii markuu dumay

Intii kaba dambaysiyo

Shirarkaa is dabayaal

Nabad lagaga doodaba

Sida loogu magac daro

Wafti U.N diratiyo

Ama qaar dalkoodaba

Damiin gaara uga noqon

Ururadda daneeyaba

Markii laysku wada daro

Dhammaan duul qalaad iyo

Shisheeyuhuna daadihin

Haddii daacad laga yahay

Dawlad lagu middooboo

shacabkuna ku diirsado

Mid uunbaan ku degi layn

Kuway qalin ku duugeen

Xalku waa daruuriye

Ma wax naga dahsoon iyo

khilaaf dawliyaa dhaca ?

misedamac  qarsoon iyo

kuwuu naasigii dilay

mindhaa loogu daw galay?

Haddaynaa is daba qaban ?

In dalkii la qaatiyo

Inuu maanta daganyahay

Ma qof diidi baa jira?

Ninkii taa danaynow?

Inaan laan ku deyrayn

Shaaraftii dadkeenaba

Hadaad ila dareemiba

Sida awrka doobyiyo

Maxaan deylo dhaanaa?

Waxaa tiriyey gabaygan

Abdirisaaq sh alisiyaad

Qoraa iyo gabyaa soomaaliyeed

 

Soomali Galbeed

Qaybta sadexaad waxaa weeye somaaligalbeed (ogaadeniya)waa magaca uu caanka ku yahay dhulkaasi waxaana bixiyay gumeysigii ingriiska isaga oo danta uu ka lahaa ay ahayd  maadaama somaalida dabcigeeda uu yaqaanay in jaahwareer siyaasiya uu geliyo qadiyaddaa somaalida oo qaybna magacaas ku dheggaan qaybna magacaas uga hadhaan halganka iyo xornimodoonka gobolkaas sida maantaba ka jirta ee aynu u jeedno kadibna Itoobiya ayuu kuwareejiyey welina aan ka xoroobin

 

Milicsi taariikhda dhulkan Soomalida

waxaa soo maray gobalkan wixii kadambeeyey Hogaamiyihii imaamkii Axmed Ibrahim-axmed gurey Allah naxariistee halgan isdaba jooga oo illaa hadda socda

1894 ayaa heshiiska loo yaqaan “Tripartite Accord” waxaa wada gaadhay ama uu dhex maray sadexda dal ee Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu dhigayey in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden. The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p. 81).

Soomaalidu ma aqoonsan heshiiskaa hore ee sadex geesoodka ahaa iyo kan ka dambeeyey kaa hore ee ay galeen Ingiriiska iyo Itoobiya ee loo yaqaan “Anglo-Ethiopian Treaty ee 1954″, heshiikaas ay itoobiya ku sheegatay dhulka loo yaqaan Hawd oo dhigayey xadka cusub ee la sameeyey. Waxaana dhacdooyin ka bilowdeen Hawd lix bilood gudohood markii Soomaalida qaarkeed la siiyey xornimada (1960)Ingiriisku magaca (Ogaden) ka sakow waxaa jiray magacyo kale oo uu dhulkaas somaalida kolba mid odhan jiray haba u caansanaado kan (Ogaden) magacyadaas oo ay ka mid ahaayeen Reserved Area iyo hawd 1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) ku wareejiyey Itoobiya oo weli gumeysata

 

 

 

laga bilaabo geesigii caanka ahaa  sidoo  kale naxariistii jano illaahay ha kawraabiyo’a Garaad  makhtal Daahir Axmed  oo hogaan ka ahaa dagaalkii jabhaddii Nasrulaahi kohorna kayb qaatey kii Xamar ka dhacay ee Talyaaniga lagu diidanaa sawirkan hoosana wuxuu muujinayaa taariikhdii halgankiisa xilliyadii uu ugu weynaa oo ku began 1964

 

wuxuuna halganka bilaabay waqtigaa kohor isagoo weeraray magalada jigjiga kaligii 1949,

 

waxaa  xidhay xukuumadii xayle Sallaasekadib markii uu ingiriiskuwareejiyey isagoo ka qabtey magaaladda muqdisho  waxaa lagu xidhay xabsiga caanka ah ee Alambaga  oo macnihiisu yahay noloshu ha ku deyso laba iyo toban sano kadib ayaa laga yeelay DC guddoomiyaha Degmada ee magaaladda dhegaxbuur1963

kani waa mid ka mida masaajidada dhagaxbuur

isagoo ka goystay halkaasna  degaalka hubaysan  kabilaabay waxaa wax ka qorey jariidda caanka ah ee maraykanka ee la yidhaahdo new York times 1964 markii uu kujiray dagaalka  dhulkaas soomaaligalbeed si uu u xoreeyo darted waana kan sawirkii iyo hadaladii qaar ka midda joornaalkaas ka faallooday,

 

Waxaa kor u kacay xiisad isa soo taraysay dhulka Soomaalida ee Itoobiya. Gumeysato dhalashadii kacaankii dalka la wareegay ee Max’ed siyaad Barre hogaaminayey  oo lagu tilmaamay inay ka go’neyd xoreynta degaanaka soomali galbeed iyo  markii ay burburtey boqortooyaddii  xayle Sallaase oo ku tilmaamay Itoobiya inay la mid ahayd qobtol laysku karkaray  kalana googu’idoonto iyo itoobiya oo umuuqatay mid kala daadatey Xukuumaddii kacaanka oo asaastey Jabhaddii Somaaligalbeed si ay uga faaiidaysato fursadan dahabiga ah waxay dawladdiidhexe si weyn u abaabushay  jabahada oo gashay gudaha wadanka ama dhulka somaali galbeed 1975-1976 iyadoo dawladdii dhexe ku biirisay saraalkiil  iyo askar xul ah oo laga keenay ciidamada qalabka sida waxaana laga reebay kuwii u dhashay gobalkaas si ayna  u keenin inqilaab ama gu’itaan Jabhaddii Soomali Galbeed waxay gaadhay durba guulweyn oo horseeday niyad jabkii ku dhacay askartii itoobiyaanka

Soomaali galbeed iyo xornimadii dhowrka bilood

Mudadii yarayd ee dhowrka bilood ahayd  Gobalka soomaali galbeed oo la mid ahaa gobalada kale ee somaaliya marka laga fiiriyo xagga maalmulka oo hoos tagayey wasaaradii arimaha gudaha ee soomaaliya  oo ay soo magacaabi jirtayn badhsaabyada  iyo guddomiyayaalkiidegmooyinka ,hadaba waxaa booqosho ku tagay gobalka madaxweynihii max’ed Siyaad Barre  iyo madax kale oo la socotey  isagoo magaalooyinka waaweyn wadda tagay sida wardheer Qabridahare dhagaxbuur iyo jigjiga iyo Godeyba wuxuu booqday oo kale markuu qabridahare marayey Labageed oo caana oo magaladda qabridahare u dhow oo taariikh gaara leh magacyada geedahaasna waa sidan soo socota

Labada geed ee Cilmi iyo Magan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Aarikada qabridahare

Q

 

 

 

  • Markii Jabhaddii Soomali galbeed (WSLF) iyo Dawladdii dhexe  ee xukuumaddii kacaanka uu Madaxweynaha ka ahaa Max’ed Siyaad Barre xoreeyeen dhulkaas  1977 waxaa gaagixiyey isbahaysigii Warso oo uu hogaaminayey midowgi sofiyeeti iyoCuba, waxa ay dib u qababsatayItoobiya Soomaali Galbeed (Ogaden) markey taariikhdu ahayd March 15, 1978, dhulkaas oo ay ilaa hadda gumeysato.

Soomaalida Jabuuti

Jabuuti ama Gabuuti ama Djibouti, loona yaqaan Jamhuuriyada Jabuuti waa dal yar ee ku yaala bariga Geeska Afrika. Jabuuti waxaay xad la leedahay Iritareeya xaga waqooyi, Itoobiya xaga galbeed iyo koonfurba iyo Soomaaliya oo ka xigta koonfurbari. Dhinaca kale Jabuuti waxaa ka xiga Bada cas iyo Gacanka Cadmeed.

Magaalada Jabuuti 1905

 

 

Assemblée nationale, Guriga umada (baarlamanka)

(dalkii soomaalida ee Faransiiska)

calanka iyo astaanta qaranka

 

 

 

(maskiit Maxmuudi) wuxuu ku yaalaa suuqa weyn ee loo yaqaan Plats Rambo (place Rimbaud)Sannadku wuxu ahaa 1948 markii Siciid Cali Kubeeysh isagoo Faraans jooga uu jariidad faransiis ah ku qoray in dalka magaciisii hore ee ahaa dalkii soomaalida ee Faransiiska laga badalo oo loo badalo dalkii Jabuuti ee Faransiiska. Sida aynu ka dareennay buugga MA NAXE, arrintan iyada ah waxaba soo dhaweeyay Isticmaarka faransiiska iyo dawladda Itoobiya oo labaduba sas ka qabay soomaalinimada markii horaba.Balse Dadka reer Jabuuti oo wakhtigasi waddaniyiin ahaayi waxay ka cadhoodeen arrintaas, sobabta oo ah waxa dadka reer Jabuuti ku dheeraa soomaalinimada. Sidaa daraadeed ayay uga cadhoodeen isla mar ahaantaana jeclaysteen inay Jaamac Saylici wax ka weydiiyaan.Dhalinayaro Ciise u badan ayaa Jaamac Saylici ballansaday oo casar dabadii kula kulmay meel makhaayad iyo jimciyad iskugu jirtay. Sida qoraagu sheegay mid ka mid ah dhalinyaradii Ciise ayaa Jaamac Saylici weydiiyay inuu wax ka ogaa ama maqlay qoraalkii Siciid Cali Kubeeysh iyo fikradda uu ka qabo. Saylicina wuxu ku jwaabay ayuu Faransiiskuna wuxu raadinayay meeshuu usoo mari lahaa inuu Saylici rido, wuxun isha ku hayay Xasan Guuleed Abtidoon, oo rabay in lagu badalo Saylici. Faransiisku Markuu ogaaday in soomaalidii isku kacsan yihiin isna dabka ayuuba sii huriyay, wuxuna adeegsanayay dhalinyarada Si kastaba ha ahaatee, waxay maalinba si ahaataba waxa bilaabmay dagaalo yar-yar oo goo-goos ah oo gacan ka dirir ah, kuwaas oo maalinba qof magac leh ama miskiinba gacan loola tego. Akhirkii waxay dhalinyaradii Ciise gacan ula tageen Senatorkii dhammaa ee dalka ka masuulka ahaa mudane Jaamac Cali (Saylici). Sannadku wuxu ahaa 1948 kii bishiisii Lixaad wakhti duhur cad ah, markii Jaamc Saylici ay dhalinyaro Ciise ahi gacanta u qaadeen, dhaawac yar oo sahlana gaadhsiiyeen(1)

————————————-

(1)faaqidaada buugan MA NAXE.

Jabuuti waxaa soo maamuli jiray beelo kala duwan beelahaas oo ahaa , ciise iyo canfar.. 1832-ayaa Faransiisku waxuu qabsaday dhinaca waqooyi ee jabuutti kadibna waxay kusii fiday dhamaan wadanka intiisa kale, waxa ayna magac uga dhigtay dhulka soomaalida ee faransiiska.100 sano kadib waxaa bilawday dhaqdhaqaaq gumaysi diid ah kaas oo ku fiday dhamaan dalka intiisa kale, waxaa bilawday axsaab u ololaynaysay sidii la,iskaga dulqaadi lahaa heeryada gumaysiga waxaaana ka madax ahaa marxuum maxamuud xarbi oo looyaqaano halyaygii jamhuuriyada jabuuti isaga oo taariikh wayn ku leh dalka ,waxaa kaloo ka mid ahaa raggii usoo shahiiday xornimada jabuuti sida Faarax xaad ,sheekh Cismaan,cagoole , gasha male,. waxa garabsocday halgankaas, jabhado koonfurta wadanka kadagaalami jiray sanadkii Somaalida jabuuti oo isticmaarkii faransiiska ka qaadatay xornimadooda27/juun/1977waxaana la wadaaga dalka qoomiyad sida canfarta oo kale

jabuutti waxay heshay xornimadeedii ay muddo dheer usoo halgantay, waxaa jooga ciidamo faransiis ah oo gaadhaya 2000 askari oo loogu talo galay in ay ka difaacaan Ethiopia oo damacsaneed in ay qabsato, waxaa madax wayne kanoqday marxuum Xasan Guuleed Abtidoon.oo looyaqaano aabihii umada jabuuti , raiisul wasaare ayu u magacaabay marxuum (Axmed diini Axmed) ,baarlamanka ayaa isagu ka kooban 61 kursi oo  ka koobaadi yahaw madax waynaha , madax waynaha waxaa lasoo doortay 6 December mar xagga baarlamankana lagasoo doorto 5 tii sanoba mar. muddo kaddib waxaa bilaabmay is afgaranwaa dhinaca siyaasada ahaa madaama  ay  xisbi kala tahay katalinaayay dalka waa RPP , Koox uu hogaaminayo Axmad diini Axmed ayaa kabilaabay dagaal jabhadayn ah waqooyiga dalka kadib markii la,isku af garan waayay siyaasadda 1991 ayay bilaabeen dagaalka , dowlada jabuutti ayaa dhineceeda kawaday wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed waxayna ku guulaysatay sanadkii 1994. waa wadanka ugu yar geska africa waxa madaxwene ka ah ismacil cumar gelle(1))

(1)   http://so.wikipedia.org/wiki/Jabuuti#luqada_looga_hadlo

 

Qaybta 5aad Somaalida Kiinya

Qaybta shanaad waa somaalida kiinya oo degan gobalkii la odhan jirayN.F.Dwaqooyiga bari ee  dalka Kenya

Haddii Taariikhda waxoogaa aan  dib u milicsado:

waa masaajid ku yaala wajiir

wabiga taana river ee garissa mara

Fan photos from Garissa City siku karibu itakuwa kama somalia

NFD si rasmi ah uguma wareegin gacanta Ingriiska ilaa sannadihii 1920-naadkii, waxana uu u soo maray isku day xooggan oo rabshado watay. Waxana NFD la hoos geeyay nidaam militari. Sannadkii 1926 waxaa NFD laga dhigay Degmo dhinac kasta ka xiran (Closed District), taas waxaa ku xigtay in sannadkii 1934 laga dhigay Degmo khaas ah (Special District).

Xeerarkii Gumaysigu waxay badaleen qaabka ganacsigii dhexmari jiray dadka ku dhaqan NFD iyo dhulka Jubba oo ay la lahaayeen dekedaha xeebaha Banaadir. Soomaalida ganacsiga adeegsan jirtay waxaa lagu soo rogay shatiyo aad qaali u ah oo aysan awood u lahayn taas oo xannibaad ku noqotay ganacsigii dhexmari jiray dadka Soomaaliyeed. Waxaana gumaystayaashii ay ganacsiga u fududeeyeen ganacsato Hindi iyo Carab ah si ay ula wareegaan ganacsigii NFD. Waxaa taas ka darnayd in la curyaamiyay ganacsigii xoolaha nool ee Soomaalidu u kala gooshin jireen dhulalka Soomaaliyeed ee lakala xannibay. Sannadkii 1922 waxaa Isiolo laga furay xarun lagu karantiimo lo’ada la soo gelinayo dhanka Kenya, waxaana taas sabab looga dhigan in NFD aysan lahayn  dhakhaatiirta xoolaha, arrintaas oo sii socotay ilaa dagaalkii Labaad ee Adduunka kaddib – (Dagaalkii 2aad waxa uu dhammaaday September 2, 1945).

NFD waxay ku negaatay meel go’doon ah, oo ka caaggan horumarinta. Dadka halkaas ku dhaqan oo ah Muslimiin waxaa aduunkoodii badalay ganacsiga beeraha ee reer Yurubkii halkaas soo dagay, oo fidinayay masiixiyadda, faafinayayna luqaddo qalaad. Gumaystayaashii NFD kama hirgelin dugsiyo hoose ilaa laga soo gaaray 1946.  Degaankaas go’doonkiisii waxaa la sii xoojiyay xilligii kacdoonkii Mau Mau ee sanadihii 1950-naadkii markii ay Kikuyu iyo Meru ganacsatadoodii isku dayeen in ay NFD ka soo gataan xoolaha nool, waa laga mamnuucay taas.

Sannadkii 1948 markii NFD laga mamnuucay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) waxay soo afjartay dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee ka jiray NFD. Ilaa 1960 waxaa gumaystayaashii ay Soomaalida aaggaas ku dhaqan ka mamnuuceen inay xitaa yeeshaan urur dhallinyaro. Waxaana NFD laga dhigay meel xitaa ka xiran inta kale ee Kenya. Laakiin xubnihii ururkii SYL ee u fakaday Soomaaliya waxay sii wadeen xiriirka ay la lahaayeen NFD. Waxaa dhacday inay dukaan ka furteen meesha lagu magacaabo Biskaya oo dhawr kiilomitir u jirta xad-beenaadka oo ku taal xeebta.

Bahdilkii ay reer NFD ka Dhiidhiyeen

Sannadkii 1957 gumaystahii (haystay Kenya iyo NFD) waxa uu bilaabay in markii ugu horaysay dad Afrikaan ah lagu daro Guddiga Sharci dejinta.  Ingiriiskii waxa uu ku andacdooday in Soomaalidii NFD uusan ka heli karin qof matali kara Soomaalida, sidaas daraadeedna waxa uu soo xushay nin ka soo jeeda Zanzibar oo ah Carab, magaciisana la oranjiray Sherif Kullatein, oo Iskuul ku yaal NFD ka ahaa kormeere. Arrintaasi waxay sababtay caro ka timid dadkii ku dhaqnaa NFD. Taas oo keentay in hal sano kabacdi Khullatein lagu badalay Axmed Farar oo ahaa Soomaali. Ninka Soomaaliyeed durbadiiba waxa uu cod dheer ku sheegay dhibaatooyinka loo geystay degaanka NFD, gaar ahaan sida loo go’doomiyay, sida xoolahooda dad khaas ah oo keliya ay ugu xiran yihiin inay iibsadaan. Bishii August 1960 wafti Soomaali ah oo ka yimid NFD ayaa booqday Governatoorihii Nairobi, waxayna u sharaxeen sida ay Suudaanta iyo Ethiopianka ugu sahlan tahay in ay booqdaan caasumadii gumaysiga, halka ay ku adag tahay dadka deggan NFD (Sida uu qoray wargayska The Times ee London 20/8/1960.)

Ganacsiga dadka khaaska u xiran (Molonoliga) waxaa NFD lagu soo rogay intii uu socday dagaalkii labaad ee Adduunka, waana sii soctay dagaalkaas kaddib, waxaana gaar ahaan ganacsiga xooluhu u xirnaayeen African Livestock Marketing Organisation oo ka siinayey Bishii Janaayo 1960 ayaa markii ugu horaysay Kenya loo ogolaaday in ay wada xaajood la gali karto Britain ku aadan xornimadooda, sannadkii xigay ayaana lagu dhawaaqay in ay dhici doonto doorashooyin xornimo. Waxaa bilowday olole ay ku samaysmayaan xisbiyo ay samaysteen qabaa’ilku. Qabiilooyinkii lagu tilmaamayey kuwo laga tirada badan yahay waxay ku midoobeen xisbigii KADU (Kenyan African Democratic Union), halka saddexdii qabiil ee ugu tirada badnaa, oo ah Kikuyu, Meru iyo Luo, ay samayteen xisbi ay xulufo ku ahaayeen oo ah KANU (Kenyan African National Union), xisbigaas oo sii jiray gumaysigii ka bacdi.

Dhanka NFD markii ololahaasi bilowday, xisbigii SYL ee hore looga mamnuucay kuma soo laaban halkaas, laakiin waxaa samaysmay xisbiyo kale sida NPPPP (Northern Province Peoples Progressive Party) oo ka tarjumayay ama doonayay qadiyadda qarannimada Soomaalinimada. Xisbigaas markii hore waxaa laga asaasay magaalada Wajeer, laakiin durbadiiba waxa uu ku fiday magaalooyinkii kale ilaa uu soo gaaray degmada Gaarisa. Waxa kale oo NPPPP uu laamo ka furtay Mandheera iyo qaybo badan oo katirsan degmooyinka NFD. Xisbigaas Soomaali keliya ma soo galin ee sidoo kale waxaa taageero siiyay Boran, Rendile iyo Oroma. Xoghayaga guud ee xisbigaas waxaa ahaa Dego Stambul Abdi oo Soomaali ah oo ahaa wiil uu dhalay  Suldaan Maalim Stambul. Madaxweyne ku xigeena waxaa xisbigaas u ahaa Alex Kholkhole oo ahaa macallin ka soo jeeda Rendile. Waxa kale oo hoggaanka ka mid ahaa Wako Hapi oo ahaa Muslim u dhashay Boran.

 

Xisbiga kale oo Soomaaliyeed ee aaggaas laga asaasay waxa uu ahaa NFDP (Northern Frontier Democratic Party), oo uu asaasay nin ganacsade reer Gaarisa oo magaciisu ahaa Yuusuf Xaji Cabdi.

 

Soomaalida, Boran Muslimiinta ah, Oroma, iyo Rendile waxay taageersanaayeen nidaamka qaranimo Soomaaliyeed (Somali nationalism).

Xisbiyada KANU iyo KADU wax wakiilo ah kuma lahayn NFD, aaggaasna wax olole ah kama samayn. Sidaas daraadeed xisbiyadaasi wax taageero ah kama haysan dadka ku dhaqan NFD, gaar ahaan Soomaalida.

Si ay u muujiyaan in aysan doonayn ka qayb galka siyaasadda Kenya, xisbiyadii Soomaaliyeed ee ka jiray NFD waxay qaadaceen doorashadii Kenya ee 1961, doorashadaas waxaa ugu xoog weynaa xisbiga KANU.

Reer NFD oo Diiday Nidaamkii Federaalka ee Kenya

Bishii September 1961 caaqilo Soomaali ah iyo siyaasiyiin ayaa waxay magaalada Nairobi kula kulmeen xoghayahii dawladda Britain u qaabilsanaa arrimaha mustacmaradda oo magaciisu ahaa Reginald Maudling, laakiin waxay iskaga baxeen wada hadalkii ay la lahaayeen kaddib markii uu diiday in ay ka wada hadlaan arrimaha la xiriira sidii NFD ay uga go’i lahayd Kenya marka ay xornimada qaadato.

Bishii Febraayo 1962 ayaa xubno ka socday xisbiyada NFD waxaa lagu casumay in ay ka qayb galaan shirweynahii labaad ee Lancaster House Conference oo lagu qabtay magaalada London. Dawladda Ingriisku waxay doonaysay in ay kulankaas uga hadasho aayaha xisbiyada Kenya, sida KANU oo uu hogaaminayay Jomo Kenyatta iyo KADU (oo Ingiriisku u xaglinayeen) iyo nidaamka Federaalka ee Kenya. Laakiin, waftigii NFD oo ahaa Soomaali waxay sheegeen in nidaamka Federaalku uusan ahayn nidaam u cuntamaya, waxayna caddeeyeen in ay doonayaan in ay ka go’aan Kenya oo la midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxayna arrinta toos ugu bandhigeen dawladda Britain oo weli ka talinaysay Kenya. Soomaalidii waxay waxba kama jiraan ka soo qaadeen waftigii reer Kenya ee shirka yimid, waxayna hadalkooda ku jiheeyeen oo keliya dawladda Ingiriiska.

Waftigii Kenyaatiga ahaa waxay markaas ku andacoodeen in Soomaalidan kulanka timid aysan wakiil ka ahayn dadwaynaha reer NFD. Waxaana kulankaas ka soo baxay in Dawladdii Britain ay go’aamisay in ay Guddi Xaqiiqo raadin ah u dirayso NFD si ay u soo ogaadaan waxa ay doonayaan dadwaynaha halkaas deggani, waxaana dawladda Britain ay waftigii Soomaalida u ballan qaaday in wixii Guddigu soo ogaado lagu salayn doono

go’aanka kama dambaysta ah ee aayaha NFD, oo markaas go’aanka la gaari doono ka hor inta aan Kenya xornimada la siin (waa sidii Britain ballan qaaday). Arrintaasi waxay u muuqatay mid u dhacaysa si caddaalad ah, waxayna rajo aad u wayn galisay Soomaalida iyo jaalkooda.

 

Waftigii Kenya arrintaas ma jeclaysan. Xisbigii KANU ee uu hoggaaminayey Kenyatta waxa uu go’aansaday in ay awooda isku soo koobaan (centralism) ayagoo ka weecanaya nidaamka Federaalka. Waxyar kaddib kulankii Lancaster House Conference ee London, waxaa Muqdisho lagu casumay Jomo Kenyatta, halkaas oo uu madaxdii Soomaaliyeed ula hadlay hab lagu macneeyay “mid xushmad leh laakiin ad-adag”, isagoo sheegtay in NFD ay ka mid tahay Kenya. Markaas waxaa la sugayey warbixinta Guddiga Xaqiiqo raadinta ee Ingiriisku u diray NFD si loo ogaado waxa ay shacabka reer NFD doonayaan.

 

Guddigii Xaqiiqo Raadinta NFD (88% waxay doonayeen Soomaaliya)Axdigii Soomaaliya (1979):

Qodobka 16aad (Dalalka Soomaaliyeed ee la gumaysto): Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, iyadoo isticmaalaysa dariiq nabadgalyo iyo qaanuun, waxay taageeraysaa xoreynta Dalalka Soomaaliyeed ee weli ku jira gacanta gumaysiga, waxayna soo dhaweyneysaa midowga shacbiga Soomaaliyeed ee ku yimaada dariiq nabadeed iyo rabitaanka dadka ay khuseyso.

Guddiga Xaqiiqa raadinta waxaa ka mid ahaa nin  Qareen-sare ah oo reer Nigeria ah iyo Janaraal ka tirsanaa ciidanka Canada. Waxayna NFD booqasho ku joogeen intii u dhaxaysay October-November 1962. Si ay u ogaadaan dareenka dadweynaha waxay qabteen kulamo iyo shirar ay dadku isugu soo baxayaan meelo fagaare ah, waxay dhegeysteen hadalada dad afhayeeno oo uu hadlay shacabka iyo caaqillo, waxay fiirinayeen sida ay dadweynuhu u jawaabayaan marka laga hadlayo qadiyadda NFD iyo waxa dadku doonayaan, waxayna heleen qoraallo muujinaya dareenka dadka.

Warbixintii Guddigii Xaqiiqo raadinta waxaa la daabacay dhammaadkii sannadkaas 1962 taas oo sheegtay in gebi ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan NFD ay doonayaan in ay la midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa sidaas oo kale in ay la midoobaan Soomaaliya doonayey dadka Boran, Oroma Muslimiinta ah iyo Rendile ee dega NFD.

Warbixintu waxay muujisay in tiro aad u xad dhaaf ah oo ah dadka ku dhaqan NFD ay doonayaan in ay la midoobaan Soomaaliya (tiro gaarsiiyo ilaa 88%), taas oo aad u farxad galisay dadkii arrintaas u doodayay. “Guddiga Xaqiiqo raadisku waxa uu soo ogaadey in tiro 400,000 Soomaalida NFD ay boqolkiiba 87% doonayeen in ay la midoobaan Soomaaliya” sidaas waxaa buuggiisa ku qoray (Sauldie 1987: 25).

Wafti ka socday NFD ayaa booqday Muqdisho waxaana loogu soo dhaweeyey si aad u heer saraysay. Dawladii Soomaaliya waxay dalka Britain ku wargalisay in Soomaaliya diyaar u tahay sidii looga wada hadli lahaa qaabkii NFD loogu soo dari lahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya, mar haddii shacabkii halkaas deganaa ay sidaas doonayaan.

Xildhibaan EARL ee LYTTON ayaa hadal uu 3dii December 1962 ka jeediyey baarlamaanka Britain waxaa ka mid ahaa:: “markii aan ogaaday in dood (ku saabsan arrimaha NFD) uu yeelan doonaan baarlamaanku ayaan  November 5, 1962 waraaqo waxaan u diray dad jooga Kenya si aan u ogaado xaaladda.” Waxa dadkii u soo jawaabay kamid ahaa nin weriye ah oo uu ku tilmaamam nin khibrad sare leh, waxana uu weriyihi xildhibaanka u sheegay “Waxaa jirta hal arrin oo aan jeclaan lahaa in aan ka hadlo taas oo khusaysa arrinta N.F.P. – oo loola jeedo Soomaalida. Waxaan aaminsanahay inaad xiisayn doontid tan. Dhibaatada na haysataa waa tan. Dadka Shirkadda Shell-B.P waxay lacag dhan £8 million ku kharash gareeyeen aaggaas sidii ay batrool (oil) uga sahamin lahaayeen. Hadda dhammaan xisaabtii ay sameeyeen waxay ku soo ururtay meel 20 mile dhanka woqooyi bari ka xigta Golole (Hola), meeshaas oo lagu magacaabo Walu, taas oo 10 mile bari ka xigta webiga Tana oo ku dhextaal N.F.P. Taas oo hal mayl ama wax la mid ah bannaanka ka ah degmada xeebta”. Waxa uu cabiray barta, waxayna cabbir is-leeg u jirtaa Mombasa iyo Kismayu oo ah deked Soomaaliyeed. Waxa uu yiri waxaa caro xoog leh ka imanaysaa haddii batroolkaas safayntiisa aan la gayn Mombasa, ugu yaraan qayb. Hadda waxaa ceelka hoos loo qoday is 8,000 feet, waxaana dhiman 4,000 ilaa 6,000 feet in hoos loo socdo. Labada dal midna ma leh aalad wax lagu qaado. Waa ceel carqaladi ku jirto, laakiin waxaa dhici karta in ay meel hungo ah tahay. (HL Deb 03 December 1962 vol 245 cc64-132).– Waxaa taariikhdaasi ku beegan tahay xilligii guddiga xaqiiqo raadintu ay booqanayeen NFD, islamarkaasna la sugayey go’aanka Britain. Xildhibaanku muddo kaddib (April 1963) waxa uu yiri: NFD waa meesha ugu faqiirsan haddana ugu ilaaqda (muranka) badan. Waxaa macquul ah in batrool ku jiro, laakiin ilaaqdu kuma saabsana batrool, xitaa haddii aan batrool ku jirin weli ilaaqdu waa ka taagnaaneysaa.

waxay noqotay arrin niyad jab iyo caro xoog leh ka dhalato kaddib markii la ogaaday in Britain aysan doonayn in ay dhaqan galiso wixii shacabka NFD doonayeen. 8da Maarso 1963 ayaa Britain ku dhawaaqday in NFD ay tahay gobolka toddobaad ee Kenya oo loo bixiyay North Eastern Province (NEP) (NFD waxaa hadda loo yaqaan degmoyinka Wajir, Mandera, Ijara, Garissa, Isiolo, Moyale iyo Marsabit). Taasi waxay keentay caro aad u xoog badan oo ka timid dawladdii Soomaaliyeed.

 

Dood ka dhacday baarlamaanka dalka Britain, 3dii April 1963, ayaa xildhibaan EARL waxa uu ka jeediyey hadal aad u dheer oo uu kaga hadlay qadiyadda NFD oo uu ku muujiyey in dhammaan dadka reer NFD ay doonayaan in ay ka go’aan Kenya marka ay xornimada qaadato, isagoo xusay waxyaabihii ay soo ogaadeen guddigii xaqiiqo raadinta ee Britain u dirtay NFD waxa uu yiri: Dadka reer NFD waxay doonayaan in ay ku biiraan jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaan u malaynayaa boqolkiiba 86% ayaa sidaas doonaya. Xildhibaankaasi waxa uu baalamaanka ka akhriyey warqad uu soo qoray ra’iisul wasaarahii Soomaaliya oo ku taariikhaysnayd March 17, 1963 taas oo ay ku qeexnayd in uu Soomaaliya ay xiriirka u jartay Britain. (HL Deb 03 April 1963 vol 248 cc600). Waxaa xilligaas ra’iisul wasaare ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Xigasho somalitalk.com

Arimaha ay wadagaan Soomalida Geeska afrika degta

Arimaha ay wadaagaan soomaalida geeska iyo bariga afrika deggan waxaa ka midda

Qodobka 1aad

Diinta islaamka oo sidan soosocota u faahfaahsan

Mad-habta shaaficiya

Caqiidadda islaamka ee ashcariya

Dariiqooyinka suufiyada

1-qaadiriya

2-Axmediya

3-Saalixiya

Qodobka 2aad

Waxay wadaagaan luqada afsoomaaliga oo gees ka gees ay sifiican isugu fahmayaan  wallow ay jiraan lahjooyin mindhaa u gaar noqon gobolo laakiin luqadda soomaaliga ee laysku fahmo  waxaa la yidhaahdaa( maxaa tidhi)waa luqadda wax barshada maamulkii dawliga ahaa ee dawladdii soomaaliya ay u aqoonsatay iyo guddiggeeddii afsoomaliguba luqadda rasmiga ah kohorna ahayd midda sugaanta iyo murtida inta badan lagu soo curiyey gaybayguna waa halbeega luqadaha  sida la ogsoonyahayhase yeeshee waxaa jira meelo u baahan in la saxo waxaana kamidda erayada ku dhamaada “dha” ama “ra” goballlada  soomaalida qaybiba si ugu hadlaan

tusaale ahaan

gabadh ama gabar

Qoodh ama qoor

Gadh ama gar

Dhulka Soomaali galbeed Soomaalida jabuuti Soomaalida waqooyi laga bilaabo laascaanood iyo magaalooyinka ka siii shisheeya sida Burco Hargeysa  sidan soosocota Soomaalidani waxay u akhriyaan

Gabadh haddii aan jamac u ka yeelno dumar dhowra iyo wixii ka sii badan waxay noqonayaan gabdho  hadiise aan gabar u badalno jamac waxay noqonaysaa gabro macnihiiba wuu isbadalay magac geed jira oo afsoomaligana sidaa lagu yidhaahdo iyo kii gabdhaha ayaa is dhex galay sidaa darted gabadh ayaa saxa

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>